Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Oct 18, 2012
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta xilka ugala Wareegay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, kaddib munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalay.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Gaas oo hadal ku furay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay heerarka ay soo martay xukuumaddii uu hoggaaminayay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay bartamihii sannadkii hore, isagoo sheegay inay ka shaqeeyeen in Muqdisho lagu qabto doorashada madaxda dalka iyo dastuurka lagu ansixiyo caasimadda.
"Afar iyo toban bilood ka hor markii aan xilka la wareegaynay ciidamadeennu waxay joogeen masaajidka macallin Biya-maaloow, xabbaduna waxay ka dhacaysa jidadka Shaqaalaha, Howl-wadaag iyo Saiydka, maantana Soomaaliya waxay ku socodaa waddadii dhabta ahayd ee isbedelka taasoo looga baxay KMG-nimada," ayuu yiri ra'iisul wasaarihii hore ee xilka wareejinayay.
Sidoo kale, Gaas wuxuu sheegay in isaga iyo xukuumaddiisa ay sidoo kale dadaal badan ku bixiyeen sidii gobollada dalka qaarkood looga saari lahaa Al-shabaab, taas oo uu sheegay inay qaarkood hirgaleen, isagoo ka dalbaday xukuumadda cusub inay howsha halkaas kasii waddo.
Isbarasho dhexmartay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo golihii wasiirrada xukuumaddii hore ee C/weli Gaas kaddib, ayuu Cabdi Faarax wuxuu ku ammaanay xukuumaddii hore waxqabadkeeda, isagoo sheegay inuu rajeynayo in inta dhimanna ay dhameystiraan isaga iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.
"Waxaan halkan kula wareegay xilka ra'iisul wasaaraha... waxaana xukuumaddii hore ee Cabdiweli Gaas uu horkacayay uga mahadcelinayaa howshii wanaagsanayd ee ay qabatay, waxaana Alle ka baryaynaa inuu noo garto inaan noqonno kuwii dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka ay hadda ku sugan yihiin," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Intaas kaddib, waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu u mahadcelinayo xukuumaddii hore oo suurogelisay in dalka gudihiisa la isku doorto, isagoo sheegay in howsha la qabtay ay tahay mid ay caalamka intiisa badan la yaaban yihiin sida ay ku suurogashay.
"Duruufaha aan ku sugan-nahay iyo sida uu xilliga kala guurka u soo socday waa arrin ay caalamka intiisa badan wax iska weydiinayaan. Soomaaliya waxay u socotaa jihadii wanaagsanayd, haddana waxaan rajeynaynaa inaan intaas wax kusii darno," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa raaciyay in iyaguna ay qaba ndoonaan howlo fara badan, isagoo sheegay in howsha ay tahay sidii taran qori isku dhiib ah, isagoo sheegay in iyaga qoriga loo dhiibay, iyaguna ay si ka qurux badan sida loogu dhiibay ay ugu dhiibi doonaan kuwa ka dambeeya.
Xafladda xil wareejinta oo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan ayaa waxaan haddana ku sugnayn madaxweynihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo tartankii madaxnimada Soomaaliya looga guuleystay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Baarlamaanka oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso bilaha sannadka ka haray
10/18/2012 8:06 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay maanta ansixinta miinaasiyad loogu talogalay inay dowaddu ku shaqeyso bilaha ka haray sannadkan 2012, kaddib doodo adag oo ay xildhibaannadu ka yeesheen miisaaniyaddan.
Khubaradii baaritaanka ku hayay gabood-falladii ay dowladdii Kacaanku geysatay oo soo bandhigay warbixin xaqiijinaya wixii dhacay
10/18/2012 7:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Khubaradii caalamiga ahaa ee ka socotay ururka EPAF ee Baadha xasuuqyadda caalamka ka dhaca, ayaa soo gabogabaysay xabaal-wadareedyado ay muddo bil ah ka baadhayeen koonfurta magaaladda Hargeysa, iyagoo qalfoofkii dadkaasi la laayey isku ururiyeen, isla markaana 38 qof oo ku jiray xabaashaasi qof walba xubnihii lafihiisa isku habeeyey si loo garto cida uu yahay iyo eheladoodda.
Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka jaray war-laliye sahlaya in Raadiyo Hargeysa laga dhageysto Adduunka oo dhan
10/18/2012 7:53 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray balaadhinta baahintii Idaacada Radio Hargeysa oo lagu rakibay War-laliye weyn oo dunida laga dhagaysan doono, kaas oo wax ka tari doona baahidda loo qabay dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey aan dhaafin dhagaysigeeddu magaaladda Hargeysa iyo agagaarkeedda.
Shirkadda Xawaaladda Amaana oo deeq loo wakiishay gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo Daafaheeda
10/18/2012 7:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Ammaana oo maalmihii ugu dambeeyayba si weyn ugu mashquulsaneyd caawinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ayaa deeqo kala duwan gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo goobaha ku dhow-dhow.
Wafdi ka socdo Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ku leh kulammo looga hadlayo Sugidda Ammaanka iyo Maamulka
10/18/2012 6:45 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.
Hay'adda Wadahadalka Bulshada oo Dhallinyarada ku nool Degmada Marko u Qabatay kulankii ugu Horreeyay oo Wacyi-gelin ah
10/18/2012 6:43 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 200 oo ka kala yimid degmada Marko iyo deegaanno ku dhow-dhow ayaa markii ugu horreysay loogu qabtay maanta degmada Marko kulan wacyi-gelin ah.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Wadajir ku toogtay guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmadaas
10/18/2012 3:59 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dalbley ku hubeysan bastoolado ayaa saakay si gaadmo ah ugu dilay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir guddoomiye waaxeed lagu magacaabo jiray, Burus, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay goobta ka baxsadeen.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay la dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab illaa inta ay ka Adkaanayaan
10/18/2012 2:40 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab inta kooxdan laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo.
Baarlamaanka oo Maanta ka doodaya Miisaaniyadda ay Dowladda Somalia ku shaqeyn doonto saddexda bilood ee soo Socota
10/18/2012 2:38 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannad baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaasoo ay kaga doodayaan miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota.
Xukuumadda Masar oo dalkeeda u diiday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya
10/18/2012 2:37 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa diiday inay dalkeeda galaan Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Suuriya, kaddib markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Masar shalay oo Arbaco ahayd iyadoo wata dal-ku-gal ama fiisooyin sharci ah.
Somali News
Livestream: ONE YOUNG WORLD SUMMIT 2012 - PITTSBURGH
-
Ony Young World
10/18/2012 7:09 PM EST
The third annual One Young World Summit kicks off this evening in the host city of Pittsburgh, USA. Bringing together over 1300 delegates from over 180 countries worldwide.
Minneapolis man found guilty of aiding Somalia terrorist group
-
Star Tribune
10/18/2012 6:26 PM EST
Jurors in Minneapolis found Mahamud Said Omar guilty Thursday of conspiring to help a terrorist group to recruit young Minnesota men for a holy war aimed at toppling the government of their native Somalia and imposing a harsh form of Islamic rule across the Horn of Africa.
Jury reaches verdict in Somalia terrorism case
-
AP
10/18/2012 5:08 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) - Jurors are about to deliver their verdict in the trial of a Minnesota man accused of helping send men to Somalia to join the al-Qaida-linked group al-Shabab.
Somali Territorial Waters Disputed In Murder Case Of Seattle Couple
-
AP
10/18/2012 3:58 PM EST
NORFOLK, Va. (AP) — Somalia’s territorial waters are in dispute in a murder case involving four U.S. citizens who were shot aboard their pirated yacht.
VIDEO: UN official urges global aid for Somalia
-
Al Jazeera
10/18/2012 3:57 PM EST
Mark Bowden, outgoing United Nations humanitarian co-ordinator for Somalia, has called for increased international aid to the Horn of Africa nation.
Somalia journalists protest "libelous Guardian article"
-
Xinhua
10/18/2012 3:53 PM EST
Dozens of Somali journalists on Thursday held protests against an article in the British paper the Guardian in which the writer alleged Somali reporters to be corrupt and that many of them are killed for their involvement in graft.
Seven migrants relocated to Denmark
-
Times of Malta
10/18/2012 3:52 PM EST
Seven migrants from Somalia, including a family of five and two single adults who were granted subsidiary protection in Malta, have left Malta to start a new life in Denmark.
Kenya Can Try Somali Pirates, Appeal Court Says
-
AP
10/18/2012 3:51 PM EST
Kenya's Court of Appeal says the country's courts have jurisdiction to try Somali pirates caught on international waters.
Streatham khat shack shut down
-
Streatham Guardian
10/18/2012 3:50 PM EST
The unauthorised sale of a legal stimulant used by Somalis has been stopped following an outcry from neighbouring businesses.
Somali football stadium: African Union urged to leave
-
BBC
10/18/2012 2:04 PM EST
An SFF official told the BBC the request was made on an official visit to inspect the stadium on Tuesday.
Jury resumes deliberating case against Minneapolis man accused aiding Somali terrorist group
-
AP
10/18/2012 1:50 PM EST
MINNEAPOLIS — Jurors have resumed deliberating in the trial of a Minnesota man accused of helping send men to Somalia to join the al-Qaida-linked group al-Shabab.