Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo sadex qof dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari rakaab siday
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Askar ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa saddex qof oo shacab ah dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaas ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in askarta rasaasta ku furay gaariga ay markii hore isku dayeen inay gaariga raacaan, balse markii wadaha gaariga uu diiday ay keentay inay rasaas ku furaan.

"Saddex qof oo rakaabkii ka tirsanaa ayaa ku dhintay rasaasta ay askartu ku fureen gaariga, saddexda qof waxay ahaayeen rag, sidoo kale laba qof oo iyaguna rag ah ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa kusoo gaabiyay Axmed.

Baabuurka rasaasta lagu furay ayaa ku socday degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab bishii May ee sannadkan.

"Askartii dilka geystay oo saddex ruux ahaa waxay aadeen dhinaca xerada Villa Baydhabo, mana jirto cid qabatay. Xaaladdu hadda waa daggan tahay inkastoo ay dadka cabsi badan dareemeen," ayuu Axmed hadalkiisa ku daray.

Ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dilka ay ciidamada milateriga dowladda u geysteen dadka shacabka ah, iyadoo dadkii ku dhaawacmay rasaastaas la dhigay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo.

Falkan ayaa noqonaya kii labaad oo ciidammo ka tirsan dowladda ay ugu geystaan dad shacab ah, iyadoo shalay ahayd markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay xaafadda Zone K ee degmada Hodan haweeney rayid ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/11/2012 8:13 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya deegaannka Hobyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.

10/11/2012 7:35 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Dowladda Kenay ayaa sheegtay in ciidankeeda ka tirsan AMISOM ay Kismaayo ka heleen xabaal-wadareed lagu aasay afar askarta Kenya ka tirsan, sidaas oo kalena ay heleen maydka askari Soomaali ah oo qoorta laga jaray.

10/11/2012 7:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Hay’adda laan-qaybta cas ee ICRC oo bilihii ugu dambeeyayba howlo gargaar ah ka wadday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay magaalada Baladweyne kuwasoo waqtigan daadsan daafaha magaalada oo ay ka dhisteen guryo cooshado ka sameysan.

10/11/2012 7:01 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan degmooyinka weli gacantooda ku jira ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

10/11/2012 3:36 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Kooxo ku hubaysan ayaa xalay xaafadda laba-dhagax ee degmada Wardhiiglay ku toogtay sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo markii uu dilku dhacay ay ciidamada nabad-sugiddu baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyeen xaafaddaaas.

10/11/2012 3:15 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in nabadda dalka uu ku raadinayo dib u heshiisiin sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.