Arbaco, November 07, 2012 (HOL) —Wafdi kasocday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM islamarkaasina kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Wafdigan oo isugu jiray Saraakiil ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo saxafiyiin ayaa markii ay gaareen garoonka magaalada Kismaayo waxa u yimid saraakiil katirsan ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka Kismaayo, waxayna ku wargeliyeen in ay dib ugu laabtaan diyaaradihii keenay.
Mid kamid ah saxafiyiintii wafdiga la socotay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in diyaaradda ay markii hore keentay saxafiyiinta kadibna ay dib ulaabatay oo ay soo qaaday xubno isugu jira dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, wuxuuna intaa ku daray in loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada, kadib markii saraakiisha Kenya ay sheegeen in wafdiga uusan ahayn mid imaatinkiisa laga warqabay islamarkaasina aysan damaanad qaadi karin ammaankooda.
Wafdigan ayaa waxa kamid ah xubno madaxweeynaha Soomaaliya uu usoo magacaabay in ay qiimeyn kusoo sameeyaan xaaladda Kismaayo iyo weliba dhuxusha laga dhoofinayo dekedda.
Qaar kamid ah saxafiyiintii wafdiga la socday ayaa la sheegay in ilaa imika ay ku xayiranyihiin garoonka magaalada Kismaayo kadib markii ay ka buuxsantay diyaaraddii qaadi lahayd, waxayna saraakiisha Kenya ee garoonka ku sugan u sheegeen in aysan masuul ka ahayn ammaankooda.
Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo iyo kan dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay arinta la xiriirta wafdiga maanta dib looga celiyay garoonka Kismaayo.
Wafdigan ayaa marar badan ka baaqday safar uu ku imaan lahaa magaalada Kismaayo, arintaasoo loo aaneynayo khilaaf mudooyinkii u danbeeyay soo shaacbaxayay oo ka dhashay maamul u sameynta Jubooyinka oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ee degmada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo loo Diiday in ay Gudaha u Galaan Kismaayo
More News
- Maxkamadda Gobolka Bari ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Nin Saaxiibkiis Dilay Kaddibna Meydkiisa Jar-jaray
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Xukuumadda Cusub la horkeeni doono Baarlamaanka Sabtida soo socota
- Ururka Saxaafadda Somaliland oo Cabsi ka muujiyey qodob ku jira xeerka Hay’adda Sirdoonka ee dhawaan la ansixiyay
- Ololihii Tartanka Doorashooyinka Somaliland oo Wareegii Labaad galay iyo Ciiriri laga Dareemayo Magaalooyinka Waaweyn [SAWIRRO]
- Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida oo ugu baaqay Al-shabaab inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya ku sugan
- Dableey Bastoolado ku hubeysan oo Qof rayid ah ku toogtay Degmada Mandheera iyo kooxo kale oo Dab Qabadsiiyay Guryo
- Baabuur Walxaha Qaraxa laga buuxiyay oo ku Qarxay dibadda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho
- Madaxweyene Obama oo mar labaad loo doortay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Mareykanka
- Danjire Cali Ameeriko oo ku baaqay in la joojiyo dhoofka dhuxusha ee ka billaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho
- Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]
- CABDIWELI GAAS: "Dadweynaha ku nool Deegaannada Puntland waxay ii sheegeen in ay jiraan xoriyad la'aan iyo cadaadis"