4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Fanaanadda Saynab laba dhagax oo Muqdisho ka dhigaysa Barnaamijyo lagu wacigelinayo Dhalinyarada

Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Fanaanadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar Laba Dhagax ayaa maanta muqdisho soo gaartay kadib safarro ay kusoo bixisay dalalka Kenya iyo Uganda.

Fananadda oo haatan madax ka ah ururka lagu magacaabo Ururka wacyigelinta dhalinyaradda iyo dib u soo nooleynta fanka Soomaliyeed  ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Muqdisho si diiran ugu soo dhaweweyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaliyeed.

Fananadda oo wareysi kooban siisay saxaafadda ayaa sheegtay inay u timid Muqdisho sidii ay u wacyegelin lahayd dhalinyaradda Soomaaliyeed ee maskaxda laga marin habaabiyay iyo sidii ay dib ugu soo nooleyn lahayd fankii Soomaliyed ee 22-kii sanno ee la so dhaafay ku burburay si uu mar kale cagihiisa iskugu taago fanka Soomaaliyeed.

Fanaanadda ayaa sheegtay in inta ay joogto magaaladda Muqdisho ay sameeyn doonto barnaamijyo  wacyegelin ah oo ay u soo bandhigeyso bulshadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono taageeradda dawladda federaalka Soomaaliya iyo sidii bulshadda Soomaliyeed loogu abuuri lahaa waddo nabadeed iyo wadaniyad dhab ah.

Fananadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar laba dhagax ayaa intii ay ku sugneeyd magaaladda niayrobi iyo magaaladda kamballa waxay sheegtay inay halkaasi ka dhaigtay barnaamijyo wacyegelin ah oo lagu gubaabinaayo bulshadda Soomnaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya