4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweeynaha Soomaaliya oo Dib ugu Laabtay Magaalada Muqdisho

Jimco, November 30, 2012 (HOL)-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu horkacayay ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha oo ka kooban ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji, wasiirka gaashaandhigga c/xakiim Max’uud Fiqi iyo saraakiil katirsan dowladda, ayaa waxa ay booqasho ku tageen dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho, ra’isul wasaaraha dowladda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), gudoomiyaha baarlamanka Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweeynaha ayaa booqashooyin kusoo bixiyay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, iyadoona madaxweeynaha Soomaaliya uu kulamo la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya