3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ku dagaalamay Nawaaxiga Degmada Xudur
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Dagaal culus oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoona dagaalku uu u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen
degaano hoostaga  Xudur, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal qaatay saacado badan.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.

Gudoomiyaha gobolka bakool ee dowladda federaalka Soomaaliya Max’ed Cabdi Mayoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, wuxuuna sheegay in xoogagga Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin lixaad leh.

Gudoomiyaha ayaa xusay in dagaalkii maanta ay ku dileen 10 askari oo katirsan Al-shabaab, isagoona sheegay in dhankooda uusan jirin wax khasaare sidaa u weyn oo kasoo gaaray dagaalka.

Ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalladaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Dagaalkan ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay gobolkaasi ka jireen xiisado u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/30/2012 10:51 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Fanaanadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar Laba Dhagax ayaa maanta muqdisho soo gaartay kadib safarro ay kusoo bixisay dalalka Kenya iyo Uganda.

11/30/2012 10:42 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu horkacayay ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

11/30/2012 10:01 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shaly magaalada Boosaaso soo gaarey, islamarkaana si weyn loogu soo dhoweeyey, ayaa shir uu Saxaafadda u qabtay kaga hadlay arimo badan.

11/30/2012 10:00 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta soo kormeeray dekedda magaalada Boosaaso isaga oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirada.

11/30/2012 7:25 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in sare loo qaado maqaamka ay dowladda Falastiin ku leedahay Qaramada Midoobay islamarkaasina laga dhigo xubin katirsan kor-joogeyaasha Qaramada Midoobay.

11/30/2012 6:41 AM EST
Khamiis, November, 29, 2012 (HOL)-guud ahaan sanaaduuqdii codbixinta ee golaha deegaanka ayaa xalayba la wada tiriyey, iyadoo magaaladda Hargeysa ilaa tobankii habeenimo la dhameeyey, isla markaana lagu wareejiyey xarunta guud ee Guddida Doorashooyinka.

11/30/2012 2:51 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Maamulka ururka Ahlusunna ee degmada Beledxaawo ayaa gacanta ku dhigay xoolo fara badan oo loo iibgeeyay degmadaasi, kuwaasoo maamulku sheegay in ay leeyihiin Al-shabaab