4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Saraakiil u hadlay Ururka Ahlusunna oo sheegay in Ciidamada Ahlusunna lagu Wareejinayo Dowlada Soomaaliya
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Ahlusunna si rasmi ah loogu wareejinayo dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay in dagaalkii ay soo galeen uusan ahayn mid ay ku doonayaan inay noqdaan urur gooni-u-goosad ah.

Guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb, Axmed Yuusuf Xasan (Ciyoow) iyo guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo ah labada mas'uul ee u hadlay Ahlusunna ayaa hadalkooda ku daray in Ahlusunna ay muddo dheer sugaysay dowlad ay ciidamada ku wareejiso.

"Innagu howl dhib badan ayaan soo marnay, waxaana muddo sugaynay dowlad u diyaar ah inay ciidamada Ahlusunna la wareegto oo ay daboosho baahidooda. Runtii ma ahayn wixii aan u dagaalamaynay inaan noqonno urur gooni-u-goosad, balse waxaan ahayn urur doonaya inay dalka ka difaacaan cadowga," ayuu yiri Taar-dhuleed oo shirka jaraa'id ka hadlay.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Guriceel wuxuu hadalkiisa ku daray in 15,00 oo askari ay diyaar u yihiin degmada Guriceel kuwaasoo dagaallo badan lasoo galay Al-shabaab, haatanna diyaar u ah inay ka mid noqdaan ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha degmada Dhuusomareeb, Ciyoow oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in go'aanka ciidamada Ahlusunna loogu wareejinayo dowladda uu ku yimid wadahadallo xiliyadii u dambeeyay u socday dowladda iyo saraakiisha Ahlusunna.

"Arrintan waa mid muddo dheer laga soo shaqeynayay oo ay isla og-yihiin madaxda Ahlusunna iyo madaxda dowladda Soomaaliya, runtiina aad ayaan u jeclayn inay dowladdu gaarto deegaanka ballaaran ee ay ka taliso Ahlusunna," ayuu yiri Ciyoow oo intaas ku daray in dhawaan ay dowladdu ka howlgeli doonto deegaannadaas.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Guriceel wuxuu sheegay in deegaanno gobolka Galguduud ka tirsan ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan Al-shabaab, balse hadda la billaabayo dadaallo looga saarayo halkaas.

Gobolka Galguduud ayaa waxaa gacan ku hayntiisa muddo afar sano ah ku dagaalamayay xoogagga Al-shabaab iyo dagaalayahannada Ahlusunna, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya ka howlgasho gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya