Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Nov 29, 2012
Golaha Wasiirrada oo isku raacay in la sameeyo ciidammo gaar ah oo suga Ammaanka Magaalada Muqdisho
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Kulan golaha wasiirrada Soomaaliya ay ku yeesheen maanta xaruntooda Muqdisho ayay kasoo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena dowladdu ay is le'ekeyso dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda iyo gasroonka diyaaradaha Muqdisho.
Kulankan oo uu shir-guddoominayay ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in ciidammo ka madaxbannaan kuwa qalabka sida ee dowladda Soomaaliya la geeyo degmooyinka Mkuqdisho si ay u xaqiijiyaan ammaanka.
"Golaha wasiirrada waxay shirkooda diiradda ku saareen nabadgalyada, waxaana xusid mudan in la isku raacay in ciidammo gaar ah loo sameeyay sugidda ammaanka 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasoo ka madaxbannaan ciidamada qalabka sida ee la yaqaan," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Xirsi Ciil-mooge oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay xaafadaha walba oo ka tirsan Muqdisho la geyn doono 100-askari oo qalabkoodu u dhan yahay, isagoo hoosta ka xariiqay inay si joogto ah ciidamadaas u joogi doonaan xaafadda la geeyay ayna sugi doonaan amniga dadweynaha.
"Qorshahan waxaa qayb ka ah in ciidamadan ay dadka deggen ka saaraan xarumihii wasaaradaha dowladda oo ahaa 25 dhisme," ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay, isagoo aan sheegin inta uu le'eg yahay kharashka ku bixi doona ciidamada cusub ee la samaynayo iyo halka ay ka imaanayaa.
Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in golaha wasiirradu ay istuseen in Muqdisho aysan maanta oolin isbaarooyinkii faraha badnaa ee yaallay, isagoo sheegay in laba isbaaro waxaan ka badnayn ay yaallaan Muqdisho, iyagana la qaadayo saacadaha soo socda.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu xusay in sidoo kale kulanka looga hadlay sidii lagu dar-dargelin lahaa howlaha dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo xusay inay ka go'an tahay xukuumadda cusub inay isku fileysiiso dhaqaalaha ay ka hesho ilaha dhaqaale ee dalka.
"Golaha wasiirrada waxay isku raaceen in la xaqiijiyo hab-sami u socodka howlaha dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena laga baxo ciriiriga ka jira maraakiibta oo maalmo badan dibadda taagnaadaa, ganacsataduna aysan soo dejin karin gadiid duug ah, balse ay soo dejiyaan gaadiid wanaagsan oo howlihiisa gudan kara," ayuu yiri wasiirka wafaafinta Soomaaliya.
Kulanka ay golaha wasiirradu yeesheen maanta oo Khamiis ah ayaa noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan tan iyo markiii golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen bartimihii bishan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Munaasabad ay Boqolaal arday kaga Qalin-jabinayeen Jaamacadda SIMAD oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]
11/29/2012 8:44 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Munaasabad maanta loo qabtay 650-arday oo ka qalin-jabinayay jaamacada SIMAD ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho kuwaasoo isugu jiray wiilal iyo gabadho da'yar, waxaana munaasabadda ka qayb-galay maamulka sare ee jaamacada, macallimiinta, ardayda, waalidiin iyo dadweyne kale oo lagu casuumay.
Saraakiil u hadlay Ururka Ahlusunna oo sheegay in Ciidamada Ahlusunna lagu Wareejinayo Dowlada Soomaaliya
11/29/2012 7:58 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Ahlusunna si rasmi ah loogu wareejinayo dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay in dagaalkii ay soo galeen uusan ahayn mid ay ku doonayaan inay noqdaan urur gooni-u-goosad ah.
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia oo raasaas khasaare geysatay ku furay Gaari ay la socdeen Dad Rakaab ah
11/29/2012 6:06 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa haweeney rakaab ahayd dilay, saddex qof oo kale ku dhaawacay rasaas uu si bareer ah ugu furay gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay agagaarka tarabuunka Muqdisho.
Iskahorimaad dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose
11/29/2012 5:51 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo sidoo kale nin bam ku hubeysan uu qarax ku weeraray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugan degmada Marko.
Ciidamada Somaliland iyo xoogagga Khaatumo oo ku dagaalamay Deegaanka Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool
11/29/2012 5:44 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal Arbacadii shalay deegaanka Xudun ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Khaatumo oo diidanaa in doorasho ay halkaas ka dhacdo.
Warbixin ku Saabsan Booqashadii Wafdigii ka Socday Xukuumada Soomaaliya ay ku tageen Magaalada Baladweyne
11/29/2012 4:15 AM EST
Khamiis, November, 29, 2012 (HOL) – Maalintii shalay waxaa booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan wafdi ka socday xukuumada Soomaaliya oo sidoo kalana ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta ay Awoodda uga Wareejinayaan AMISOM
11/29/2012 2:09 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay Arbacadii shalay in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta ay goobaha ay hayaan kaga wareejinayaan ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.
Somali News
Photos: Somali President arrives in Ethiopia
-
Office of the Somali President
11/29/2012 6:39 PM EST
President Hassan Sheikh Mohamoud of Somalia arrived in Ethiopia on Wednesday.
UN General Assembly votes to recognize the state of Palestine
-
AFP
11/29/2012 6:25 PM EST
NEW YORK — Agence France-Presse - The UN General Assembly on Thursday voted overwhelmingly to recognize Palestine as a non-member state, giving a major diplomatic triumph to president Mahmud Abbas despite fierce opposition from the United States and Israel.
Heightened concern over rape in Somali camps
-
Sabahi
11/29/2012 6:19 PM EST
Violence against Somali women is steadily on the rise, especially cases of rape involving internally displaced persons (IDPs) in Mogadishu and its outskirts, women's rights activists say.
Kenya, Uganda face rights queries in terror fight
-
Capital FM
11/29/2012 6:16 PM EST
NAIROBI, Kenya, Nov 29 – Kenya is struggling to counter terrorism which lately has become almost a weekly dose of grenades hurled at people in public places. Not even the churches considered to be the most secure in the presence of God have been spared in the series of attacks linked to terrorism.
Pirates Given 21-Year Sentences in Seychelles Court
-
Maritime Executive
11/29/2012 6:14 PM EST
Seychelles police have reported that three Somalis that were being held, were tried in court and sentenced to 21 years in prison each for pirate activity. A fourth Somali was sentenced to 14 years.
Somali piracy: A broken business model?
-
BBC
11/29/2012 6:11 PM EST
Drug Bust: Police Say Khat Uncommon on North Side
-
LSP
11/29/2012 6:08 PM EST
A Cook County Sheriff’s Police Gang Investigation Team busted an overseas drug deal, and while the narcotic is “uncommon” on the North Side, the 19th Police District Commander says this isn’t the first time he’s heard of the drug.
Twin Cities Somali leaders offer advice to young Somali-Minnesotans
-
Daily Planet
11/29/2012 4:26 PM EST
Huge waves of Somali immigrants escaping the two-decade-old civil war flocked to Minnesota, making the Twin Cities a centerpiece for hundreds of thousands diasporic communities scattered throughout the United States and Canada.
Judge: Somali piracy, murder trial to stay in Va.
-
AP
11/29/2012 3:44 PM EST
NORFOLK, Va.—A federal judge has denied a motion to move a Somali piracy and murder trial out of Norfolk, dismissing defense attorneys' claims that pre-trial publicity and the region's large military presence would make it unlikely the defendants could receive a fair jury trial.
U.N. chief recommends "offensive military operation" in Mali
-
Reuters
11/29/2012 5:40 AM EST
UNITED NATIONS (Reuters) - U.N. Secretary-General Ban Ki-moon on Wednesday recommended that the Security Council approve an African Union peace enforcement mission be deployed to combat Islamist extremists in northern Mali, but did not offer financial support from the world body.
Red Cross launches refugee app
-
SBS
11/29/2012 5:36 AM EST
The Australian Red Cross has launched a smartphone app that aims to give users some insight into the challenges faced by millions of refugees around the world.
Somali forces to secure Mogadishu roads
-
PressTV
11/29/2012 5:31 AM EST
Security forces in the Somali capital Mogadishu have in the past days embarked on major security operation to rid the Mogadishu roads off illegal road blocks which unlawful charges used to be collected from public service vehicles plying major Mogadishu roads.
Africa Oil Increases Private Placement to $232.5 Million
-
Africa Oil Corp.
11/29/2012 5:29 AM EST
Africa Oil Corp. (TSX VENTURE:AOI)(OMX:AOI) ("Africa Oil" or the "Company") reports that due to strong demand it has agreed to increase the previously announced private placement. The Company will now sell on a non-brokered, private placement basis, an aggregate of up to 30 million common shares of the Company at a price of Cdn $7.75 per share for gross proceeds of up to Cdn $232.5 million. All shares have now been placed.
Ssimbwa's Somali dream shattered
-
Super Sport
11/29/2012 5:27 AM EST
Somali coach Sam Ssimbwa had hoped to help propel the team to their first ever quarterfinal place in the regional tournament but he saw his dreams go up in smoke in the 86th minute when his solid defence was broken by the Sudanese.
Fire that reduced millions to ashes
-
Standard
11/29/2012 5:25 AM EST
“We are destitute,” a trader at Garissa Town’s only open-air market says as his toe digs into the debris after the market was razed down recently.
FAO Helps Somalis to Cash in On Livestock Waste
-
FAO
11/29/2012 5:17 AM EST
Hargeisa — UK-funded project "adds 30-60 percent in value to each animal"