4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia oo raasaas khasaare geysatay ku furay Gaari ay la socdeen Dad Rakaab ah

Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa haweeney rakaab ahayd dilay, saddex qof oo kale ku dhaawacay rasaas uu si bareer ah ugu furay gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay agagaarka tarabuunka Muqdisho.

Rasaasta uu askarigu ku furay gaariga rakaabka siday ayaa timid kaddib markii uu muran dhinaca lacagta ah soo dhexgalay askariga iyo darawalkii gaariga waday oo aanay waxyeello kasoo gaarin rasaasta uu askarigu ku furay gaarisiisa.

"Muran ayaa soo dhexgalay askariga iyo darwalka, kaasoo salka ku hayay lacago uu doonayo askarigu inuu gaariga ka qaado, balse darawalka ayaa taas diiday, si lama filaan ah ayuuna askarigu rasaas ugu furay gaariga," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu falkani ka dhacay.

Askarigii dhibaatada geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo dhaawacyadii loo qaaday isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, halka haweeneydii maydka ahaydna ay goobta ka qaateen qoyskeedii.

Falkan oo kale ayaa inta badan ka dhaca Muqdisho, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh amar ku bixiyay inaan la arki karin askari dadka shacabka ah ku dhibaateynaya jidadka Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso.

Dhanka kale, waxaa ka socda Muqdisho dadaallo ay ciidamada ammaanka jidadka Muqdisho uga qaadayaan isbaarooyinka lacagaha looga qaado gaadiidka, iyadoo tani ay ka mid tahay go'aanno uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya