Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2012
Taliyaha Booliiska Muqdisho oo sheegay inay qabteen kooxo doonayay inay weeraraan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada booliiska gobolka banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan xalay koox qorsheynayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.


Col. Maalin ayaa sheegay in kooxaha ay qabteen ay ku dhuumaaleysanayeen kaam ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo sheegay in qabashadooda ay gacan ku siiyeen qaar ka mid ah dadka kaamkaas ku jira.

"Waxaan qabannahay 11 ruux oo ay ku jiraan rag si weyn loo yaqaan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo doonayay inay weerarro ku qaadaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho," ayuu yiri Col. Maalin.

Taliyuhu wuxuu sheegay in sidoo kale ay qabteen hub ay ku jiraan baasuukayaal iyo qoryaha fudud, kuwaasoo ay haysteen kooxaha doonayay inay weerarka qaadaan, waxaana tallaabadan si wadajir ah u fuliyeen buu yiri booliiska Soomaaliya, ciidamada nabadsugidda iyo ciidammo madani ah.

Lama sheegin in kooxahan ay doonayeen inay beegsadaan diyaaradaha garoonka kusoo dagaya iyo inay doonayeen inay garoonka si toos ah u weeraraan, laakiin waxay tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo booliiska gobolka Banaadir ay gacanta ku dhigaan kooxo doonayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haysa shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo SKA Air Logistic, waxaana garoonka ka daga diyaarado fara badan oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo dalka gudihiisa iyo dalalka dariska ah ka shaqeeya.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaan ka hadlin arrintan, iyadoo taliyaha booliiska gobolka Banaadir uu sheegay in raggan la qabtay la horgeyn doono maxkamad laguna fulin doono wixii lagu xukumo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

11/2/2012 4:11 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay soo dhisayaan xukuumad dalka wax ka qaban karta, isagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya.

11/2/2012 4:10 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayh u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay howgallada ciidamada AMISOM iyo dhismaha xukuumadda Soomaaliya.

11/2/2012 4:10 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Hay'ado ka tirsan kuwa Qarammada Midoobay oo ku shiray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ka bilaabayaan howlahooda gargaarka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay bishii lasoo dhaafay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM.

11/2/2012 4:09 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa waxay ka wadaan Muqdisho tababarro ay siinayaan saraakiisha booliiska Soomaailya, kuwaas oo ku saabsan habka baarista dambiyada, waxaana tababarradan oo billowday bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay iyagoo socon doona illaa bisha December ee sannadkan.

11/2/2012 4:08 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB oo hore u qaadacay doorashadda golaha deegaanka ee Somaliland, ayaa sheegay in musharaxi madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen ee xisbigoodda ku biiray urur siyaasadeedka Wadani aanay matalin xisbigooda, isla markaana aanay ka tanaasulin go’aankooddii ahaa inay ka soo horjeedaan qaabkii loola dhaqmay ee ay kaga hadheen doorashadda golaha deegaanka.