4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Dad careysan oo la dagaalamay ciidamada Dowladda oo doonayay inay burburiyaan goobo ganacsi oo sharci-darro ah

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa dagaal kala hortagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo saakay isku dayay inay fujiyaan goobo ganacsi oo laga dhistay hareeraha isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo taasi ay keentay in isgoyskaas uu xirmo.

Ciidamadii dowladda ee isgoyskaas u tagay inay fujiyaan goobaha ganacsi ayaa isaga soo baxay halkaas kaddib markii rasaas xoog badan lagu furay, taasoo aan jirin wax khasaare ah oo ay dhalisay.

"Isgoyska oo dhan waxaa ku sugan dadweyne ka careysan burburinta ay ciidamadu doonayeen inay burburiyaan goobaha ganacsi ee isgoyska banaadir ku yaala, sidoo kale waxaa lagu gubayaa shaagagga gaadiidka," ayuu yiri goobjooge ku sugan isgoyska Banaadir.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in gaadiidka dadweynuhu ay marayaan xaafadaha ku dhow isgoyskaas, iyadoo uu istaagay howlgalkii lagu doonayay in lagu fujiyo goobaha ganacsi.

Howgalkan ayaa wuxuu daba-socday howlgallo ay cidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay shalay ku burburiyeen goobo ganacsi oo ku hareeraha isgoyska Zope iyo meelo ku dhow isgoyska Banaadir ayna sidoo kale ka saareen shacab ku noolaa dhismayaal wasaaradeed oo halkaas ku yaalla.

Isgoyska Banaadir ayaa waxaa mara jidadka taga Isbitaalka Banaadir iyo isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu daweeyo dadka qaba xanuunnada kala duwan iyo dadka ku dhaawacma shilalka iyo dagaallada ka dhaca Muqdisho.

Dowladda KMG ah ayaan ka hadlin is-hortaagga ay dadweynaha careysan saakay ku sameeyeen howlgalladii ay ciidamadu ku burburinayeen goobaha ganacsi iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya