Ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan oo halkaas geeyay suxufiyiin si ay u tusaan xaaladda Magaalada

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa waxay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay geeyeen suxufiyiin kala duwan, si ay u tusaan xaaladda magaalada oo ay toddobaad ka hor ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ka talinaysay.
Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo, Jen. Yohanes Gaber Georges oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay inaysan wax dagaallo ah oo buuran dhicin markii ay qabsanayeen Baydhabo, marka laga reebo weerarro gaadmo ah oo lagu soo qaaday.
Wariyeyaasha ayaa waxaa loo keenay koox odayaal iyadoo ay meesha ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya si ay fikirkooda u dhiibtaan, waxaana qaarkood oo hadaly ay sheegeen inay dhibaatooyin badan kala kulmeen Al-shabaab.
"Al-shabaab waxay na gumeysanayeen saddex sano iyo 12-maalmood, qaar badan oo naga mid ah waa la dilay, kuwo kalena waa la barakiciyay. Dhallinyaradeennana waxay ku qasbeen inay ku biiraan ciidamadooda, waan soo dhaweynaynaa gacanta ay ciidamada Itoobiya ka geysteen in Al-shabaab laga saaro Baydhabo, waxaana ka codsanaynaa ciidamadu inay sii joogaan," ayuu yiri oday ka mid ah kuwii suxufiyiinta la hadlay.
Siyaasiyiinta ayaa rajeynaya inay gobolka Bay ka dhisaan maamul goboleed, iyadoo xildhibaan ka mid ah kuwa hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab uu sheegay inay jago siinayaan Sheekh Mukhtaar Roobow haddii uu qoriga dhigo.
"Inta aadan fiirin cadowga oo jago qaadanaya, waxaad eegtaa sida uu isku bedelay hoggaamiyihii maxakamadaha Islaamka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay horay ciidamada Itoobiya xilka uga tuureen haatanna ah madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri xildhibaanka oo aan magaciisa la sheegin.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa waxay kala wareegeen Al-shabaab degmada Baydhabo bishii hore dhammaadkeeda, iyadoo weli ay deegaanno ku dhow degmadaas ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya