Aqoon isweydaarsi looga doodayay sida ay u wada shaqeyn karaan laamaha Booliska iyo dhalinyarada oo lagu soo gabagabeeyey Muqdisho (SAWIRRO)

Arbaco, March 28, 2012 (HOL) - Aqoon weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada arimaha
dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO ayaa waxaa looga doodayey habka ugu wanaagsan
ee ay u wada shaqeyn karaan laamaha ammaanka Booliska iyo dhalinyarada
degmooyinka G/Banaadir.
Aqoon is weydaarsigan oo ka dhacay xarunta Akademiyada
Kaahiye ee Iskuul Boolisyo ayaa waxaa ka
qeybgalay ku dhawaad 300 dhalinyaro , taliyayaasha Booliska saldhigyada G/Banaadir , taliyaha Booliska ,
ururarada bulshada iyo wakiilo ka socday wasaaradaha arimaha gudaha iyo
dhalinyarada.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Shiikhuna Maye oo aqoon
siweydaarsiga furay ayaa u mahad celiyey SYAO sida ay uga go’antahay iney
dhalinyarada ku wacyi galiyaan arrimaha ammaanka , waxaa uu sheegay in hadii la helo iska
warqab dhalinyarada iyo booliska laga adkaan karo kooxaha falalka ammaan darada
geysta.
Taliyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in aqoon is weeydaarsigan uu
yahay mid muhiim u ah ammaanka caasimada.

Col Yusuf Taliyaha hogaanka booliska bulshada (community policing) Col. Yusuf iyo xogheynta guud ee ciidamada booliska Col:Madaale
oo labaduba ka hadlay aqoon si weydaarsiga ayaa sheegay in kulmada noocaan ah
ay ka qeybgalayaan dhalinyarada wax weyn ka badali karaan ammaanka .
Col:Bariise taliyaha ciidamada CID-da oo khudbad jeediyey
ayaa sheegay in dhalinyarada hadii ay isku xirmaan laga adkaan karo kooxaha falalka ammaan darrada ah fuliya.
Aqoon is weydaarsiga ayaa waxaa laga bixiyey casharro ku
saabsan qaabka ugu haboon ee wada
shaqeynta labada dhinac , iyadoo gudoomiyayaasha dhalinyarada degmooyinkana ay
qalinka ku duugeen iney adkeyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dhamaan
saldhigyada.
Ugu dambeyn gudoomiyaha SYAO oo ah hay’ada soo qabanqaabisay aqoon
is weeydaarsigan ayaa u mahad celiyey taliska booliska iyo dhamaan
taliyayaasha iyo dhalinayrada isagoo
balanqaaday iney badin doonaan kulamadan oo kale si ammaanka caasimada loo
xaqiijiyo oo dhalinyaradana ay wadashaqayn toos ah la yeeshaan talisyada .






Hiiraan Online, News Desk
Muqdisho , Soomaaliya