Dagaalyahannada Ahlusunna Waljamaaca oo dib ula wareegay degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galguduud

Cabirka Farta

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Wararka xiligan ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada mar kale la wareegeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saakay waabarigii hore ay ka sareen dagaalyahannada Al-shabaab.

Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo ku hubeysan gadiidka dagaallka iyo ciidamo aad u xoogan kana kala yimid qeybaha gobollka ka kooban yahay ayeey wararku sheegayaan in ay dhowr jiho ka soo galeen degmada Dhuusa-mareeb, hasse ahaatee ma jiro wax dagaal ah oo ku dhaxmaray labada dhinac gudaha degmada, kadib markii ay Al-shabaab isaga sii baxeen degmada ka hor inta aysan soo gaarin xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca.

Wariye ku sugan degmada Caabud-waaq oo si toos ah ula socday xaalada degmada Dhuusa-mareeb ayaa HOL u sheegay in saacadihii koobnaa oo ay ku sugnaayeen degmada xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen shirkado iyo goobo ganacsi oo gaar loo lahaa, waxaana ay wararku intaa ku darrayaan in horay u sii kaxeysteen gadiid ay shaqsiyaad gaar ah lahaayeen.

Dagaallka labada dhinac saakay waabarigii hore ku dhaxmaray xoogagga labada dhinac, ayaa sababay dhimashada ilaa Todobo ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyada iska horyimid, walibana ma jirto faah faahin ka badan intaa oo ka hadllaya khasaaraha ka dhashay dagaallkii saakay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay sidan oo kale gudaha degmada Dhuusa-mareeb ay soo galaan dagaalyahannada kooxda Al-shabaab, laakiin waqti kooban kadib haddana waxaa ay gacan ku heynta degmada mar walba dib ugu soo laaban jirta xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya