Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Jun 27, 2012
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay wax walba ku garab Isgaataan Soomaaliya
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay munaasabad maanta loo qabtay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii Jabuuti ay xorriyadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ayaa sheegay inay wax walba ku garab-istaagayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.
Geelle oo khubaddii uu ugu talogalay maalinta xorriyadda dalkiisa ka jeediyay xarunta madaxtooyada dalkaas ayaa kaga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu ciidammo u diray Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida.
"Ciidammo ayaan u dirnay Soomaaliya, kuwaasoo naftooda u huraya sidii ay uga dhicin lahaayeen cadowga Al-Qaacida ee halkaas jooga. Sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay kusoo celin lahaa nabadda iyo sharafta walaalaheenna Soomaaliyeed," ayuu yiri Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dastuurka iyo doorashada madaxnimo ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo sheegay inay tahay guul weyn oo ay Soomaaliya kaga baxayso colaadaha ayna ugu gudbayso nabad iyo baraare.
"Waxba ka reeban maynno walaalaheenna Soomaaliyeed, waayo fulaynimo nama haysno mana jirto sabab aan wax uga reebanno, waxaa naga go'an inaan gurmadkii aan awoodno u fidinno," ayuu Geelle ku yiri khudbaddiisa.
Dalka Jabuuti ayaa waxay bishii Diseember ee sannadkan ay ciidamo u soo direen dalka Soomaaliya, kuwaasoo ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ciidamadaas la geeyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka howlgeli doonaan.
Kumannaan askarta dalka Jabuuti ka tirsan ayaa waxay dhoolla-tusyo kusoo bandhigeen bartamaha magaalada Jabuuti, iyadoo shacabka dalkaas ay aad uga qayb-qaadanayeen tan iyo xalay dabaal-dagyo loo sameynayay maalinta xorriyadda dalkaas.
Dalka Jabuuti ayaa xorriyadiisa ka qaatay Faransiiska sannadkii 1977-kii, waxaana dowladdii Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii gacanta weyn ka geystay sidii ay Jabuuti uga xoroobi lahayd gumeystihii Faransiiska.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Degmada Baydhabo
6/27/2012 8:40 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ee ku sugan degmadaas ay toogasho ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho oo soo xulay Gudigga loogu talogalay xallinta khilaafaadka Odoyaasha
6/27/2012 8:06 AM EST
Munaasibad loogu Dabaaldegayo maalintii ugu horeysay ee calan soomaali leedahay la taago oo xalay xarunta madaxtooyadda Somaliland laga xusay
6/27/2012 7:46 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalintii calankii ugu horeeyey ee soomaali yeelato laga taagay magaaladda Hargeysa ee 26 june, 1960, ayaa xalay si weyn dabaaldeg loogu sameeyey xarunta madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland oo Muqdisho kula kulmay Dhallinyarada Soomaaliyeed
6/27/2012 7:42 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland ahna guddoomiyaha xisbiga mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Abuukar Sheekh Xasan (M. Deeq) oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa degmada Dharkeynley ee Muqisho kula kulmay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
Maydadka Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku dhintay gaari booyad ah oo ay ku neef-qabatoomeen
6/27/2012 6:34 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 43-qof oo la rumeysan yahay inay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa laga helay maydadkooda gaari booyad ah oo ay doonayeen inay kaga tallaabaan xuduudda dalka Tanzania.
Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Itoobiya oo ka shiray Ammaanka guud ee Degmada Baladweyne
6/27/2012 6:04 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne ku dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada Itoobiya ee gacanta militari siinaya maamulka gobollka, ayaa si gaar ah diirada loogu saaray xaalada nabad-galyo ee magaalada Beledweyne.
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay weerar gaadmo ah ku dishay 23-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya
6/27/2012 4:36 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Haluqa oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen askar badan oo Kenya ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Burundi oo sheegay in Ciidamadiisu aysan ka baxayn Soomaaliya inta nabadda laga soo celinayo
6/27/2012 4:17 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas isaga soo bixi doonaan markii ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, sidoo kalena ay fasaxdo dowladda Soomaaliya oo ay caawinayaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay qabteen Ruuxii ka dambeeyay dhaawaca Guddoomiyihii Maxkamadda Hargeysa
6/27/2012 4:02 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyey toogashadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ee dhowaanta lagu toogtay bariga magaaladda Hargeysa.
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo lagu wado inay ku kulmaan Magaalada Dubai
6/27/2012 3:59 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ku kulmaan magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga oo isku soo taagay xilka Madaxnimo ee dalka
6/27/2012 3:56 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, Cusman Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan ka qaybgala doorshooyinka madaxweyne ee Soomaaliya ee dhacaya bisha Ogoosto sannadkan.
Somali News
Warbixin Gabayada lagu soo bandhigayo Olympikada London
-
HOL
6/27/2012 8:26 PM EST
Warbixin Abwaan Cabdullahi Bootaan Xasan kaga qayb-galayo Olympikada London
Somali piracy: A threat and an opportunity for major rival powers
-
Korea Herald
6/27/2012 7:51 AM EST
The coasts of Somalia and the Gulf of Aden have been home for some of the worst acts of piracy for years, costing lives and billions of dollars in damage every year and threatening Indian Ocean trade and shipment in one of the most vital trade routes in the world.
Benadir Clans’ elders meet to discuss stabilization of Benadir region
-
HOL
6/27/2012 7:08 AM EST
Almost 50 people from all Benadir councils of elders, women groups, youth and religious leaders have met in Mogadishu on 25th June 2012. In the meeting the elders and other civil society groups discussed the current security problems in Benadir region and what can be done by whom and the role of traditional elders in stabilization of Benadir region.
Police escape landmine attack in Daadab
-
KBC
6/27/2012 6:32 AM EST
Police patrolling a refugee camp in Dadaab narrowly escaped death Tuesday when an Improvised Electronic Device (IED) exploded a few seconds before their vehicle reached the spot.
GCC should support new Somali drive for peace
-
Gulf News
6/27/2012 6:23 AM EST
Somali communities emerging from Al Qaida control need the new constitution to offer an effective alternative.
Increasing Number of Somalis Fleeing Insecurity, Hunger
-
VOA
6/27/2012 6:17 AM EST
The United Nations refugee agency (UNHCR) says insecurity and lack of food continue to drive a large number of Somalis to flee their homes.
Somalia Celebrates Olympic Day In 20 Years
-
P.M. News
6/27/2012 6:13 AM EST
This year, the international Olympic day commemorations were observed with sports and dance in Somalia after failing to mark it for past two decades as Somalia emerges from years of conflicts to the atmosphere of peace and stability.
Red Cross chief exits after taking on Bush, Bashar
-
Reuters
6/27/2012 2:00 AM EST
GENEVA, June 26 (Reuters) - He struck a unique deal with Syrian President Bashar al-Assad, fought what he viewed as excesses in the U.S. "war on terror", compiled reports that exposed U.S. mistreatment of detainees in Iraq, and fought for inmates' rights at Guantanamo.
UAE leads global voices against maritime piracy
-
Khaleej Times
6/27/2012 1:59 AM EST
In the fight against maritime piracy, humans pay the most with their lives. Ask families of captured crew about the months of agony and sleepless nights. Some ships like the MV Iceberg 1 have been missing for over two years — the longest in the captivity of Somali pirates. Efforts to free others like the MV Albedo have run into rough weather, with pirates upping their demands and threatening the kin of their victims.
Peace returns to Mogadishu
-
The Independent
6/27/2012 1:56 AM EST
The blue and white uniform looks new and its wearer seems small and uncertain amid the mayhem of a Mogadishu rush hour. The drivers, many of whom are armed, are not yet used to the sight of a traffic policeman. It's something most Somalis haven't seen in their capital for 20 years.
Sweet homecoming for Somali pirate captives
-
Times Live
6/27/2012 1:45 AM EST
BRUNO Pelizzari and Debbie Calitz, the couple freed from pirates in Somalia last week, are expected back in Johannesburg today.
43 migrants from Ethiopia and Somalia found dead in a truck
-
Nazret
6/27/2012 1:29 AM EST
SOME 43 foreign nationals believed to be of Somali and Ethiopian origin have been found dead in a truck that they were reportedly traveling in from Arusha to Mbeya through Dodoma.