Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Jun 23, 2012
Xaflad lagu taageerayay Xisbiga Tayo Party oo ka dhacday Magalada Birmingham ee dalka Britain (SAWIRRO)
Sabti, June 23, 2012 (HOL) - Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayey xisbiga Tayo iyo Musharaxnimada xoghayaha xisbiga Tayo oo lagu wado inuu isu taago doorashada madaxweynenimada ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Birmingham ee dalka Ingariiska.
Xafladan oo ahayd xaflad ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain ayaa waxaa lagu taageeray xisbiga Tayo part oo ay hormuudka u tahay Dr-Maryan qaasin oo madasha lagu casumay iyo xoghayaha xisbigaasi Maxamed C/llaahi farmaajo oo qadka taleefoonka uga qayb qaatey, asagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Farmaajo ayaa hadalkii uu halkaas ka jeediyay kaga codsaday Soomaalida inay adkaystaan midnimadooda ayna xoojiyaan dadaalkooda ay ku soo ceshanayaan dawladnimadii dalka.
Waxaana uu ku boorriyay odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku sugan in ay ku dadaalaan soo xulitaanka dad tayo leh oo dalka ka saari kara marxaladda adag maadaama uu iyaga gacantooda ku jiro masiirka dalka.
Gudoomiyaha xisbiga Tayo Dr-Maryan qaasin oo iyaduna dadweynihii goobtaas joogay u jeedisay khudbad ayaa tilmaantay inay u istaageen badbaadinta qaranka uuna ujeedkoodu yahay in markale ay Soomaaliya cagaheeda isku taagto oo soo ceshato sharaftii ay aduunka ku lahayd.
Maryan Qaasim ayaa sheegtay in hadii ay ku guulaystaan hogaanka dalka inay ku dadaali doonaan cadaaladda, lana dagaallamayaan musuqmaasuqa hareeyay Soomaaliya.
Xisbiga Tayo ayaa kamid ah xisbiyada ku loolamaya hogaanka dalka, iyadoo la filayo dabayaaqada bisha Agoosto ee sannadkan inay dhacdo doorashada madaxweynenimo.
Axmed C/samad . Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
Post your comments
Kooxda Waayaha Cusub oo Nairobi ku Qabatey Munaasabadii Labaad ee la Magac baxdey Eastleih Peace Festival (SAWIRRO)
6/23/2012 9:37 AM EST
Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu qabtey, munaasabdii labaad ee xaflad loogu magac darey (Easleigh Peace Festival).
Madaxweynaha Puntland oo ku taliyay in lasoo doorto hoggaamiyeyaal Soomaaliya ka bixin kara dhibaatada ay ku jirto
6/23/2012 8:33 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa soo dhaweeyey go’aamadii kasoo baxay shirkii madaxda Soomaalidu ugu soo dhammaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku taliyay in dalka loo doorto hoggaamiyeyaal samatabixin kara.
Bulshadda Somaliland oo aragti kala duwan ka bixisay Qodobaddii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya
6/23/2012 8:19 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dadka reer Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Natiijaddii ka soo baxay wada hadalkii Somaliland iyo Somalia dhexmaray, iyagoo intoo badani qalbi furan ku soo dhoweeyey qodobaddaasi ka soo baxay shirkaasi.
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi oo ka digtay Weerarro Qaraxyo ah oo ka dhaca Magaalada Mombassa
6/23/2012 8:13 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa maanta oo Sabti ah ka digtay weerarro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalo xeebeedda Mombassa ee dalka Kenya oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.
Magaalada Muqdisho oo Dib u dhis iyo Ganacsi xooggan uu ka socdo kaddib Sannado badan oo ay dagaallo ka socdeen
6/23/2012 8:01 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya oo ay sannado badan ka socdeen dagaallo sokeeye ayaa waxaa ka socda dib u dhis iyo ganacsiga oo xoogeysanaya, iyadoo magaalada ay maalin walba soo gaaran dad kasoo laabanaya qurbaha.
Ciidamada Ammaanka Al-shabaab ee Maamulka Degmada Kismaayo oo gacanta kusoo dhigay Nin gacan ku dhiigle ah
6/23/2012 7:07 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah kaasoo toori ku dilay nin kale.
Maamulka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose oo ka dayriyay xaaladda Qoysas Dan-yarta ah ee degmadaa ku nool
6/23/2012 7:04 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Maamulka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaasoo degan magaalada Afmadow.
Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka dagaalka uu ku jirana uu sii wadayo
6/23/2012 4:01 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah toddoba hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsan oo Mareynkanku uu madaxooda saaray madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 33-milyan oo doollar ayaa sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka uuna sii wadayo dagaalka uu kula jiro cadowga Islaamka.
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ciidamadeedu sii joogayaan Soomaaliya inta laga dhisayo dowlad awood leh
6/23/2012 3:45 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya inta laga meel-marinayo dastuurka lagana dhisayo ciidammo milateri ah oo iska difaaci kara weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab.
Xoogaga Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogay gaadiidkii ganacsi ee isaga gooshi jiray Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose
6/23/2012 3:43 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee ka arimiya qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa hakad geliyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka dhexeeyay Degmada Kismaayo iyo Deegaanada Galbeed ee gobolka Jubada Hoose ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.
Qarax khasaare nafeed gesytay oo saakay aroortii hore ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay
6/23/2012 3:28 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ayaa ku dhintay qarax iyo tacshiirad xigtay oo saakay aroortii hore ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bayoo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo sheegay inay la wareegeen Garoonka Cisalleey iyo Dekedda Ceel-Macaan
6/23/2012 3:19 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMSIOM ayaa sheegtay inay shalay la wareegeen dekedda garoonka diyaaradaha Cisalleey iyo dekedda macmalka ah ee Ceel-macaan oo ku yaalla duleedka Muqdisho.
Somali News
Ethiopia says troops to stay longer in Somalia
-
Reuters
6/23/2012 1:21 PM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopia plans to keep its troops in Somalia until the Horn of Africa country ratifies a constitution and its military is able to fend off militant threats on its own, an official said on Friday, signalling a change in policy.
Al-Shabaab suspects hijack vehicle in northern Kenya
-
Xinhua
6/23/2012 10:09 AM EST
Suspected Al-Shabaab sympathizers on Thursday night hijacked a public service vehicle that was in the convoy of other vehicles escorting a bride to her house in Liboi town close to the Somalia border.
US issues Mombasa terror alert
-
Daily Nation
6/23/2012 10:07 AM EST
The United States has ordered its government officials to leave the Kenyan city of Mombasa over an "imminent threat of a terrorist attack."
'Failed State' - Somalia instability draws down Kenya ranking
-
Xinhua
6/23/2012 9:57 AM EST
Kenya has risen higher up on the global ranking of failed states, pulled down by mounting refugee challenges, attacks by armed Somali Islamists and the poor recovery from the post election violence, a new worldwide survey of 177 countries done by a U.S. think-tank showed Thursday.
Sierra Leone Defence Minister Denies Reports of Killings in Somalia
-
Awareness Times
6/23/2012 9:50 AM EST
The Minister of Defence of the Republic of Sierra Leone has denied allegations published on the Internet that Sierra Leone soldiers have been killed in fighting in Somalia. According to Major (rtd) Palor Conteh, who was speaking to Awareness Times yesterday June 21st 2012, the battalion of Sierra Leone soldiers meant for the UN peacekeeping mission in Somalia has not even left Sierra Leone but was still being trained in-country.
Somali shopkeeper shot dead in Kenyan refugee camp
-
AFP
6/23/2012 9:47 AM EST
A Somali shopkeeper was shot dead in one of the refugee camps making up the sprawling Dadaab complex in eastern Kenya near the Somalia border, a local official said Saturday.
US warns of 'imminent' threat of attack in Mombasa
-
BBC
6/23/2012 9:44 AM EST
The US embassy in Kenya has warned of an "imminent" threat of an attack on the Kenyan port of Mombasa and asked all its government workers to leave.
UN envoy welcomes agreement on Somalia’s constitution-making process
-
UNNC
6/23/2012 6:40 AM EST
The top United Nations political official for Somalia today welcomed the signing of a communiqué agreed on by Somali leaders as a key step in preparing the East African country for the upcoming end of its transitional governing arrangement.
Young Somalis struggle to find peace in Canada
-
Globe and Mail
6/23/2012 6:36 AM EST
They are called the ciyaal baraf, or the children of the snow. The kids of a generation who fled blood-stained Somalia two decades ago.
Kenya marks World Refugee Day amid insecurity fears
-
Xinhua
6/23/2012 6:29 AM EST
Kenya marked the World Refugee Day on Wednesday as the East African nation grapples with increased insecurity as a result of attacks from militia group Al-Shabaab.
Violence waning, Mogadishu experiences building boom
-
UPI
6/23/2012 6:22 AM EST
When Ahmed Jama Mohamed returned to Mogadishu, Somalia in 2008 to open a business, he was acting against all odds.
Family reunion for ransomed couple
-
Independent Online
6/23/2012 6:18 AM EST
That was the reaction from an overjoyed Keri-Ann Cross, whose mother Deborah Calitz was released this week with her partner Bruno Pelizzari after 20 months of being kept in captivity by Somalian pirates.
Somalia makes steps towards unitary government
-
Global Times
6/23/2012 6:04 AM EST
Restoration of functioning elected government in Somalia came closer to reality on Friday when various factions signed a draft constitution that will be approved by a Constituent Assembly in July and form the basis of the new elected government when a new president is elected.