Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, July 9 , 2012
Jaamacadda Camuud ee Somaliland oo Sannadkan laga billaabi doono Waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Jaamacadda Camuud ayaa sheegtay inay sanad Jaamacadeedkan bilaabi doonto waxbarashadda sare ee Master Degree iyo PHD, iyadoo soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu horumarinayo jaamacadda.
Munaasibad lagu soo bandhigayey qorshaha cusub ee waxbarashadda sare ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadaasi, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Caafimaadka Dr: Xuseen Xoog, Wasiirka Beeraha Prof: Faarax Geedoolle iyo maamulka sare ee jaamacadda Camuud ayaa si rasmiya loo shaaciyey inay jaamacaddu bilaabi doonto heererka kala sareeya ee waxbarashadda, kuwaas oo ay ku soo dareen Master Degree iyo PHD oo aan hore dalka uga jirin.
Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay, iyo qorshahan cusub ee tacliinta sare ee qofkii doonayaa dalkiisa hooyo ka helayo, isago sheegay in kharashkii badnaa ee dibadda kaga bix jiray u dhigmayo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in saddex iyo tobankii sanno ee ay shaqaynaysay ay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan, waxaanu xusay in tacliintan sare ee Master-ka iyo PHD-da ay ku dhiirigaliyeen jaamcado kale iyo xukuumadda Somaliland, waxaanay sheegay in sanadkan gudihiisa ay ku soo biirinayaan waxbarashadan cusub ee aqoonta sare ah.
Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay inay taageerayaan waxbarashadan cusub ee jaamacadda lagu soo kordhiyey, iyadoo uga mahadnaqday dadaalka ay ugu jiraan horumarka waxbarashadda Somaliland.
Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa isna ugu hambalyey jaamacadda qorshahan cusub ee ay ku horumarinayso waxbarashadda dalka, isagoo sheegay inuu afartan Arday oo ka mid ah ardayda ka qalinjabinaysa sanadkan kuulyadda sharciga ay wasaaradiisu ka qaadan doonto, isla markaana ay ka hawlgali doonaan garsoorka dalka iyo cadaaladda.
Wasiirka Caafimaadka iyo Beeraha, Dr: Xuseen Xoog iyo Prof: Faarax Cilmi Geedoolle ayaa iyaguna xusay inay taageero weyn ka gaysan doonaan jaamacadda, gacan weyna ka siin doonaan caafimaadka iyo beeraha.
Sidoo kale, waxa isna dardaaran halkaasi ka soo jeediyey sheekhubaladka magaaladda Boorame Sheekh Cabdilaahi Cali Jawhar, waxaanu ku dhiirigaliyey in dhalinyarada jaamacadda ka soo qalinjabiya lagu qiimeeyo aqoontoodda iyo shahaadooyinka ay sitaan.
Heerarkan waxbarasho ee sare ee jaamacaddu bilowday ayaa noqonaysaa markii ugu horaysay oo dalka gudihiisa laga hirgaliyo waxbarashadda sare, iyagoo intoodda badan jaamacaddaha dalku ku koobnaayeen oo qudha heerka waxbarashadda koowaad ee Degree-ga kowaad, taas oo baahi weyn loo qabay.
Jaamacada Camuud ayaa ah jaamacadii ugu horaysay ee Somaliland laga hirgaliyo, kuwaas oo soo saartay dhallinyaro badan oo aqoonyahano ah, waxaanay ka kooban tahay kuulliyaddo badan oo kala duwan, iyadoo ay wax ka bartaan arday ka kala yimid deegaano kala duwan oo ah deegaamadda Soomaalidu degto oo dhan.
Waxbarashadan sare ee ay bilawdayna waxay noqonaysaa mid fursad u siinaysa dhalinyaro badan oo heerka waxbarashadda kowaad dhamaystay oo u baahnaa inay aqoontoodda kor u sii qaadaan, kuwaas oo inta badan tagi jiray dalalka Dibadda oo kharash badani kaga bixi jiray.
Sidoo kale, laba maalmood ka hor waxa jaamacadda Camuud ka qalinjabiyey tobaneeyo Dhakhaatiir ah oo muddo wax ka baranayey kuuliyadda daaweynta, kuwaas oo ku biiri doonna dhakhaatiirta dalka, maadaama oo baahi weyn loo qabo xaga dhakhaatiirta.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Kooxda Kubadda Cagta ee SOMALI UNITED oo markii seddexaad ku guuleysatay Tartanka SOMALI WEEK ee magaalada Toronto (SAWIRRO)
7/9/2012 5:19 PM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa markii sedexaad ku guuleysatay koobkii SOMALI WEEK oo sannad kasta lagu qabto magaalada Toronto ee dalka kanada ka dib markii ay 2 iyo 1 kaga guuleystay kooxda HILAAC.
Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada
7/9/2012 3:32 PM EST
Isniin, July 09, 2012(HOL): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa maanta hortegey golaha baarlamaanka oo kalfadhigoodii 28aad uu magaalada Garoowe uga socdo. Madaxweynaha oo mudo labo bilood kudhow dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa, wuxuu golaha uga warbixiyey waxyaabihii safaradaas uga soo qabsoomay iyo weliba halka uu marayo geedi socodka nabadda ee dalka.
Video: General Cusmaan Faalko oo musharax u ah jagada madaxweyninimada Soomaaliya
7/9/2012 11:27 AM EST
General Cusmaan Faalko ayaa magaalada London kaga dhawaaqay in uu musharax u yahay tartanka doorashada madaxweyninimada dalka Soomaaliya
Ciidammo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo oo Al-shabaab ay ka taliso
7/9/2012 9:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa la sheegay inay maanta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay in Shirkii Kooxda ICG ee Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah
7/9/2012 9:03 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha dowladda KMG Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in shirkii kooxda ICG ee lagu qabtay dalka Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah gargaarka bani'aadamnimana loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab.
Madaxweynaha DKMG Somalia oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
7/9/2012 8:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.
Dood-Cilmiyeed ku saabsan sidii lagu xoojin lahaa Ammaanka Degmada Afgooye oo Maanta lagu qabtay Degmadaas
7/9/2012 8:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida lagu xoojin karo ammaanka degmada Afgooye ayaa lagu qabtay degmadaas, gaar ahaan beerta Sheekh Zayed, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayna ka qayb-galeen madax ka tirsan DKMG Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose, waxgaradka, culummo iyo shacabka degmada Afgooye.
Xisbiga Hiil-Qaran oo madaxweynenimada Soomaaliya u soo sharraxay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar (SAWIRRO)
7/9/2012 7:50 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbigaas uu yahay murashaxa uga qayb-galaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo u Mahad-celiyay Qaar ka mid ah hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka
7/9/2012 7:49 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa uga mahad celiyay hay’addaha ICRC iyo Save The Childaren gargaarka ay siinayaan dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo deegaannada hoos taga.
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda
7/9/2012 1:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in lawado qorshe la doonayo in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.
Somali News
Missing Person: Abdiqani Abdi Nor
-
CAIR
7/9/2012 11:43 AM EST
CAIR-Chicago received a report today of a missing person, Mr. Abdiqani Abdi Nor (please see his photo on the right).
AID POLICY: Early warning into early action
-
IRIN
7/9/2012 9:27 AM EST
No one can say they did not see last year’s food crisis in East Africa coming; there was almost a year of increasingly strong warnings, but it was not until Somalia was formally declared to be in a state of famine that substantial funding finally started coming in.
Scotland Yard joins hunt for wanted couple
-
Daily Nation
7/9/2012 9:25 AM EST
Detectives are investigating claims that a British woman wanted in the country over terror was married to a Kenyan accomplice. According to the UK’s Sunday Mirror, Ms Samantha Lewthwaite married Mr Habib Saleh Gani last year.
Somalia: Ministry of Information Condemns the Attempted Assassination of Journalist
-
AV
7/9/2012 9:19 AM EST
The Somali government condemns the attempted assassination of the Universal Television journalist, Mr. Abdulkadir Omar Abdulle, who sustained serious injuries in the abdomen when two unidentified men shot him near his home at Wadajir District on yesterday evening in Mogadishu.
Somali Elders Stall Political Transition Over Constitution Concerns
-
VOA
7/9/2012 9:15 AM EST
Time is running out for Somalia to end its long-running political transition and elect a new president in accordance with a U.N.-backed plan. But a group of elders is holding up the process due to concerns about the draft constitution.
Somali Presidential Candidate: Mr. Erdogan Drew World's Attention in Somalia
-
JT Weekly
7/9/2012 9:13 AM EST
Somali Presidential candidate Haji Mohammed Yassin Ismail said that Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdogan drew the world's attention in Somalia, while many people and leaders did not temp to come to Somalia.
Al-Shabaab attacks Somali troops in Beledweyne
-
Sabahi Online
7/9/2012 9:06 AM EST
Al-Shabaab attacked Somali Transitional Federal Government military positions in the central Somalia city of Beledweyne on Sunday (July 8th), Somalia's Shabelle Media Network reported.
U.N. mulls sanctions against Eritrean officials
-
Reuters
7/9/2012 9:03 AM EST
Eritrea said on Monday the United Nations was considering imposing sanctions on two Eritrean military officials over allegations they had helped Islamist militants in Somalia, and accused Washington of being behind the plan.
What's Wrong With Peace, Love And Anarchy
-
Strategy Page
7/9/2012 8:59 AM EST
While al Shabaab is being defeated and much reduced in size and capabilities, there has been no corresponding progress in forming a national government. The many factions that grudgingly cooperate to keep the TNG (Transitional National Government) going, have been unable to progress to writing a constitution and agreeing to national elections.
Accomplished Randolph teen wins Lincoln essay contest
-
Randolph
7/9/2012 3:27 AM EST
She acts, plays the bells in the school band and jazz ensemble, played softball for two years, was a Girl Scout and Spanish Club member, and has been recognized for her academic achievements. Her most recent honor? She is the newest winner of the Lincoln Essay and Drawing Contest for the eighth grade.