Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, July 9 , 2012
Dood-Cilmiyeed ku saabsan sidii lagu xoojin lahaa Ammaanka Degmada Afgooye oo Maanta lagu qabtay Degmadaas
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida lagu xoojin karo ammaanka degmada Afgooye ayaa lagu qabtay degmadaas, gaar ahaan beerta Sheekh Zayed, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayna ka qayb-galeen madax ka tirsan DKMG Soomaaliya, maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose, waxgaradka, culummo iyo shacabka degmada Afgooye.
Guddoomiyaha degmada Afgooye, C/llaahi Axmed Iidey oo hadal ka jeediyay doodda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo qaybaha kale ee blushada ay si wadarji ah uga shaqeyn doonaan xoojinta ammaanka degmada.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose, Cumar Maxamuud Cilmi oo isaguna hadlay ayaa sheegay in bulshada gobolka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan adkeynta nabadgelyada ka jirta gobolka.
"Far kaligeed fool ma dhaqdo, bulshada gobolka ku nool waa inay si wadajir ah isaga kaashadaan nabadda iyo inay mar kale dib ugu soo noqon kooxihii laga saaray," ayuu yiri mas'uulka u hadlay gobolka oo u mahadceliyay hay'adda CCD.
Ciise Axmed Cumar oo ah guddoomiyaha hay'adda CCD oo isaguna hadal goobta ka jeediyay ayaa ku booriyay bulshada degmadaas ku nool inay ka faa'iideystaan nabdda ay haystaan iyagoo ku cibro qaadanaya dhibaatadii ay ku hayeen kooxihii nabad-diidka ahaa ay iska kaashadaan sidii ay nabadda ku xajisan lahaayeen.
"Waxaan aad ugu faraxsanahay abaabulka iyo farxadda idinka muuqata, waxaana ballan-qaadayaa in hay'adda CCD ay kordhineyso seminaarada ay degmadan ku qabanayso," ayuu yiri guddoomiyaha haya'dda.
Madaxa haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyaduna doodda hadal ka jeediysay ayaa sheegtay in shacabka ku nool gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose ay yihiin walaalo, iyadoo tilmaantay in bulshada labada gobol ay dano fara badan ka dhexeeyaan.
"Bulshada degmada Afgooye oo runtii ah bulsho fac weyn, waxaan aad iyo aad ugu faraxsan-nahay haybadda ka muuqata ka qayb-galayaasha dood-cilmiyeedka," ayay tiri Jawaahir Baarqab oo dhinaca kale ku boorisay shacabka degmadaas inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si ammaanka ay u adkeeyaan.
Jan. Ibraahim Yaroow oo ka mid ahaa saraakiisha ka qayb-galay doodda ayaa isna hadal uu jeediyay ku sheegay in nabadda ka dhalatay degmada Afgooye loo huray dhiig iyo dhaqaale, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in bulshada degmada iyo ciidamada dowladda si wadajir ah isaga kaashadaan in kooxaha fara ku tiriska ah ee ku dhuumaaleysanaya degmada loo soo qabto isla markaana gacanta ciidamada loo soo geliyo.
Ugu dambeyn, waxaa doodda ka hadlay guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed iyadoo doodda ku tilmaantay mid lagu wacyi-gelinayay shacabka ku nool degmadaas oo dhawaan ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.
Iyadoo dooddan looga hadlayay nabadda lagu qabtay degmada Afgooye ayaa waxay haddana dadka degmadaas ku nool ka cabanayaan dhac ay u geystaan ciidamada dowladda KMG, waxayna qaarkood inay nabad haysteen intii ay Al-shabaab ka talinaysay degmada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Kooxda Kubadda Cagta ee SOMALI UNITED oo markii seddexaad ku guuleysatay Tartanka SOMALI WEEK ee magaalada Toronto (SAWIRRO)
7/9/2012 5:19 PM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa markii sedexaad ku guuleysatay koobkii SOMALI WEEK oo sannad kasta lagu qabto magaalada Toronto ee dalka kanada ka dib markii ay 2 iyo 1 kaga guuleystay kooxda HILAAC.
Madaxweynaha Puntland oo maanta hortegey golaha wakiillada
7/9/2012 3:32 PM EST
Isniin, July 09, 2012(HOL): Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa maanta hortegey golaha baarlamaanka oo kalfadhigoodii 28aad uu magaalada Garoowe uga socdo. Madaxweynaha oo mudo labo bilood kudhow dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa, wuxuu golaha uga warbixiyey waxyaabihii safaradaas uga soo qabsoomay iyo weliba halka uu marayo geedi socodka nabadda ee dalka.
Video: General Cusmaan Faalko oo musharax u ah jagada madaxweyninimada Soomaaliya
7/9/2012 11:27 AM EST
General Cusmaan Faalko ayaa magaalada London kaga dhawaaqay in uu musharax u yahay tartanka doorashada madaxweyninimada dalka Soomaaliya
Ciidammo Itoobiyaan ah oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo oo Al-shabaab ay ka taliso
7/9/2012 9:11 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa la sheegay inay maanta u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay in Shirkii Kooxda ICG ee Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah
7/9/2012 9:03 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha dowladda KMG Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in shirkii kooxda ICG ee lagu qabtay dalka Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah gargaarka bani'aadamnimana loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab.
Jaamacadda Camuud ee Somaliland oo Sannadkan laga billaabi doono Waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD
7/9/2012 8:36 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Jaamacadda Camuud ayaa sheegtay inay sanad Jaamacadeedkan bilaabi doonto waxbarashadda sare ee Master Degree iyo PHD, iyadoo soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu horumarinayo jaamacadda.
Madaxweynaha DKMG Somalia oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya
7/9/2012 8:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha bankiga horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Prof. C/llaahi Axmed Afrax.
Xisbiga Hiil-Qaran oo madaxweynenimada Soomaaliya u soo sharraxay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar (SAWIRRO)
7/9/2012 7:50 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xisbiga Hiil-Qaran oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mas'uuliyiinta xisbigaas uu yahay murashaxa uga qayb-galaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo u Mahad-celiyay Qaar ka mid ah hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka
7/9/2012 7:49 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa uga mahad celiyay hay’addaha ICRC iyo Save The Childaren gargaarka ay siinayaan dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo deegaannada hoos taga.
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inuu Soomaaliya ka socdo qorshe lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda
7/9/2012 1:30 AM EST
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in lawado qorshe la doonayo in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.
Somali News
Missing Person: Abdiqani Abdi Nor
-
CAIR
7/9/2012 11:43 AM EST
CAIR-Chicago received a report today of a missing person, Mr. Abdiqani Abdi Nor (please see his photo on the right).
AID POLICY: Early warning into early action
-
IRIN
7/9/2012 9:27 AM EST
No one can say they did not see last year’s food crisis in East Africa coming; there was almost a year of increasingly strong warnings, but it was not until Somalia was formally declared to be in a state of famine that substantial funding finally started coming in.
Scotland Yard joins hunt for wanted couple
-
Daily Nation
7/9/2012 9:25 AM EST
Detectives are investigating claims that a British woman wanted in the country over terror was married to a Kenyan accomplice. According to the UK’s Sunday Mirror, Ms Samantha Lewthwaite married Mr Habib Saleh Gani last year.
Somalia: Ministry of Information Condemns the Attempted Assassination of Journalist
-
AV
7/9/2012 9:19 AM EST
The Somali government condemns the attempted assassination of the Universal Television journalist, Mr. Abdulkadir Omar Abdulle, who sustained serious injuries in the abdomen when two unidentified men shot him near his home at Wadajir District on yesterday evening in Mogadishu.
Somali Elders Stall Political Transition Over Constitution Concerns
-
VOA
7/9/2012 9:15 AM EST
Time is running out for Somalia to end its long-running political transition and elect a new president in accordance with a U.N.-backed plan. But a group of elders is holding up the process due to concerns about the draft constitution.
Somali Presidential Candidate: Mr. Erdogan Drew World's Attention in Somalia
-
JT Weekly
7/9/2012 9:13 AM EST
Somali Presidential candidate Haji Mohammed Yassin Ismail said that Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdogan drew the world's attention in Somalia, while many people and leaders did not temp to come to Somalia.
Al-Shabaab attacks Somali troops in Beledweyne
-
Sabahi Online
7/9/2012 9:06 AM EST
Al-Shabaab attacked Somali Transitional Federal Government military positions in the central Somalia city of Beledweyne on Sunday (July 8th), Somalia's Shabelle Media Network reported.
U.N. mulls sanctions against Eritrean officials
-
Reuters
7/9/2012 9:03 AM EST
Eritrea said on Monday the United Nations was considering imposing sanctions on two Eritrean military officials over allegations they had helped Islamist militants in Somalia, and accused Washington of being behind the plan.
What's Wrong With Peace, Love And Anarchy
-
Strategy Page
7/9/2012 8:59 AM EST
While al Shabaab is being defeated and much reduced in size and capabilities, there has been no corresponding progress in forming a national government. The many factions that grudgingly cooperate to keep the TNG (Transitional National Government) going, have been unable to progress to writing a constitution and agreeing to national elections.
Accomplished Randolph teen wins Lincoln essay contest
-
Randolph
7/9/2012 3:27 AM EST
She acts, plays the bells in the school band and jazz ensemble, played softball for two years, was a Girl Scout and Spanish Club member, and has been recognized for her academic achievements. Her most recent honor? She is the newest winner of the Lincoln Essay and Drawing Contest for the eighth grade.