Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, July 8 , 2012
Boqor Cismaan Buur-Madow oo maanta lagu xukumay hal sanno oo xabsi ah iyo Xeer - ilaalinta oo rafcaan ka qaadatay
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo muddo ka badan boqol cisho u xidhnaa dambiyo lagu soo Oogay ayaa maanta lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay eeddo ah ceebeen iyo kicin dadweyne.
Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi jeex Garsoore: Cismaan Ibraahim Aadan, ayaa sheegay markii ay dhagaysteen eedaha loo haysto boqorka ay ku heleen qodobka 268 ee ciqaabta guud oo ah in ceebeen iyo dhaleeceen uu ku sameeyey madaxda Qaranka, isagoo joogga dalka gudihiisa.
“Waxaanu u cuskanay 268 xeerka ciqaabta duud, xarafkii 1aad iyo 2aad oo ah ceebeen iyo dhaleeceen”ayuu yidhi Garsooraha xukunka halka sanno ku riday boqorka, waxaanu sheegay in uu laalay qodob kale oo lagu soo eedeeyey “ waxa kale oo aanu laalnay qodobadda 212 iyo 215 oo tilmaamay muwaadinku haddii uu dambi galo isagoo jooga wadanka dibadiisa aan lagu qaadi karin, markaa qodobkaasi maaha mid waafaqsan eedaha loo soo jeediyey”ayuu raaciyey isagoo tilmaamaya qodobadda uu laalay.
Garsooruhu waxa uu sheegay in aan lagu qaadi Karin wax dambi ah haddii uu dambi ku galay wadanka dibadda, balse lagu xukumayo uun wadanka gudihiisa wixii uu dambi ka sameeyey, sidaa darteed qodobadda qaar oo lagu soo eedeeyey uu laalay, halka uu sheegay inuu ku xukumay qodobkii tilmaamay dambigii uu ku galay wadanka gudihiisa .
Dhinaca kale, Qareenka u doodayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in xukunkan lagu riday aanu ku qanacsanay, isla markaana ay ka wada tashan doonaan cidda ay khuseyso.
“Boqorka labaddii qodob ee lagu eedeeyey labadiiba way ku wayday maxkamaddu, haseyeeshee maxkamaddu qodob kale oo aanu ka difaacnay ayey ku xukuntay”ayuu yidhi Garyaqaan: Barkhad Jamaac Aare oo ah qareenkii difaacayey oo u waramayey warbaahinta.
“Qodobka lagu soo eedeeyey waxa uu ahaa in isagoo imaaraadka jooga uu dambi galay waana qodobka 212, oo ah inuu warar ku faafiyey dalkaasi iyo qodobka kale 215 oo ah in dacayado iyo kicin dadka ah ka sameeyey dalka gudihiisa”ayuu yidhi, “Qodobkan dambe ee lagu eedeeyey ee dalka gudihiisa muu joogin, marka ay leeyihin wadanka dibaddiisa ayaad ka samaysayna wax uu dibadda ka sameeyey oo halkan la keenay ma jirto”ayuu yidhi qareen Barkhad oo ah qareenka u doodaya boqorka.
Haseyeeshee, waxa iyaguna xukunkan dhacay aan ku qanacsaneyn xeer ilaalinta dawladda oo sheegay in xukunkan ay rafcaan ka qaadanayaan.
Xukunkan ayaa baryahanba laga war sugayey, waxaana maanta si weyn loo adkeeyey amniga maxkamadda gobolka,iyadoo dadweyne badani ka soo qaybgaleen dhagaysiga xukunkan.
Si kastaba ha ahaatee, sharcigu waxa uu dhigayaa in uu iibsan karo xukunka ku dhacay ee halka sanno, wallow xeer ilaalintu rafcaan ka qaadatay.
Waa xukunkuu ugu horeeyey ee nin madax dhaqameed ah maxkamaddi xukun ku rido tan iyo intii dawladda xisbiga KULMIYE xilka la wareegtay, waxaana boqorka lagu eedeeyey aflagaado Qaran iyo kicin dadweyne, haseyeeshee boqorku wuu iska difaacay eedahaasi loo soo jeediyey.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Kulaanki ardaya Soomaalida ah ee waxkabarata qaarada Yurub iyo Dhiirigalinta waxbarashada oo London lagu qabtay (DAAWO SAWIRO)
7/8/2012 2:15 PM EST
Axad, July 08, 2012(HOL): Kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen Ururka Ardayda Soomaaliyeed SYDRC aya ka dhacay magaaladan London, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen arday waxka barata jaamacadaha Qaaradan Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska,Kulankan waxa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah madax sar sare oo wax ka dhiga jaamacada dalkan Ingiriiska,Haween ka socda dawlada Hoose iyo dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid ah madaxda Dawlada hoose ee qayb ka mid ah xaafadaha London.
Siyaasiga Yaasiin Maaxi oo Sweden kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya
7/8/2012 11:33 AM EST
Axad, July 08, 2012(HOL): Siyaasiga Yaasiin Maaxi Macallin ayaa musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya kaga dhawaaqay Magaalada Katrinholm ee dalka Sweden, isagoo xafladdii musharaxnimadiisa ka sheegay in haddii la doorto uu isbedel ku sameyn doono Soomaaliya.
Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in waddooyin ka tirsan Muqdisho loo xirayo Ansixinta Dastuurka Cusub
7/8/2012 9:29 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddiga ammaanka Qaranka ayaa sheegay in jidadka Muqdisho qaarkood si KMG ah loo xirayo laga bilaabo 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota, iyagoo sheegay in wadooyinka ay xirnaan doonaan muddo laba todobaad ah.
Iskahorimaad khasaare geystay oo kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud
7/8/2012 8:47 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay dagaal kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaanka Balli-Howd oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Hay'ad iyo Sharikad aan Sharci haysan aysan ka howlgalayn Muqdisho
7/8/2012 8:17 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay maanta oo Axad ah in hay'adaha iyo shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo haysan.
Golaha Wakiillada Puntland oo Maamulkooda ka dalbaday inay dib u soo ceshadaan gacan ku haynta Degmada Laascaanood
7/8/2012 8:02 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Golaha wakiilada Puntland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka doodayay xaaladda gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laas-Caanood oo muddo ka maqan gacanta dowlada Puntland ayaa maanta isku raacay in dowladda ay go'aan cad ka qaadato arrinta magaalada Laascaanood.
Shil baabuur oo ay ku geeriyoodeen Afar qof oo ka dhacay Jidka isku xira Magaalada Berbera iyo Hargeysa
7/8/2012 7:48 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Alla ha u naxariistee waxa shalay galab geeri naxdin lihi ka dhacday jidka u dhexeeye Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay saddex qof oo isku qoys ah iyo nin kale oo la socday, halkaas oo ay afartooduba ku geeriyoodeen.
Xukuumadda Eritrea oo iska fogeysay eedeyn Mareykanku u soo jeediyay sarkaakiil u dhashay dalkeeda
7/8/2012 7:29 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Xukuumadda Eritrea ayaa eedeymo aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay eedeymo uu Mareykanku u jeediyay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamadeeda kuwaasoo lagu soo rogay cunno-qabteyn dhinaca maaliyadda ah.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidamada Jabuuti ay ka qayb-qaadan doonaan dib-u-hishiisiinta
7/8/2012 4:52 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka warbixiyay xaaladaha amaanka iyo siyaasada gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan oo loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka AMISOM
7/8/2012 2:01 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa yeeshay afhayeen cusub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, isagoo howsha kala wareegi doona afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.
Wariye ka tirsan Telefishinka Universal oo xalay lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho iyo xaaladiisa oo soo hagaageysa
7/8/2012 1:45 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaral) oo ka mid ahaa wariyeyaasha telefishinka Universal, iyadoo dhaawaca wariyaha la dhigay isbitaalka Madiina.
Somali News
Ethiopia: Conference in Toronto highlights Ogaden Human Rights issues
-
Somaliland Press
7/8/2012 11:12 AM EST
TORONTO — Members of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), a rebel group fighting for independence for an ethnically Somali part of Ethiopia, have held their annual conference in Toronto, Canada, on Friday.
Journalist shot in Somalia
-
AFP
7/8/2012 11:10 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AFP) — Unidentified gunmen yesterday shot and seriously injured a local journalist for a British-based television station in Somalia, one of his colleagues said.
Sharjah charity provides bread for 150k Somali families a month
-
Emirates News Agency
7/8/2012 11:08 AM EST
SHARJAH: Sharjah Charity Association said its bakery in Mogadishu caters for the needs of 5000 families daily at refugee camps in the capital city.
Ahmed Abdalla, Somali refugee, learns reality of the American Dream
-
Missourian
7/8/2012 11:05 AM EST
ST. LOUIS — As a boy, growing up and going to school in an African refugee camp, the only thing Ahmed Abdalla really knew about America was that he wanted to move there.
Somalia challenges Kenya over oil blocks
-
Reuters
7/8/2012 10:57 AM EST
NAIROBI, July 6 (Reuters) - Somalia's government accused Kenya on Friday of awarding offshore oil and gas exploration blocks illegally to multinationals Total and Eni because the concessions lie in waters claimed by Somalia.
Somali Olympic Committee names two athletes for London
-
7/8/2012 10:55 AM EST
MOGADISHU — The Somali Olympic Committee (SOC) and selectors have announced the two athletes that will compete for Somalia at the London Olympics on Saturday.
Kenyan Christians pray targeted attacks end
-
Reuters
7/8/2012 10:53 AM EST
(Reuters) - Kenyan Christians fear they are being targeted by militant Islamists, perhaps to avenge the country's military incursion inside Somalia, but vowed on Sunday to respond through prayers, not violence.