4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Shirkii sanadlaha ahaa ee ONLF oo ka furmay Toronto (SAWIRRO)


Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

Shirkaan oo socon doona muddu seddex casho ah ayaa waxaa laguu soo bandhigay khudbooyin, heeso , gabayo khudbad halkaas laga  soo jeediyay. Ujeedada shirkaan ayaa ah in jaaliyadaha qurbo-joogta ee ka soo jeeda deeganka Ogaadeeniya ee dalka Itoobiya ka wada tashadaan xaalaadda deegaanka iyo sidoo loo kaalmeynlahaa jabhadda ONLF.


Guddoomiyaha jabahadda xoreynta ee ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan ayaa shirkan kaga qayb-galay dhanka Teleconference, wuxuuna warbixin kooban ka bixiyey heshiiska ay dowladda Kenya ku dhex-dhexaadineyso jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya. Guddoomiyaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey heshiiskaas u dhexeeyay ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Cabdi Yaasiin (DIIRANE) oo ah hoggaamiyaha abaaulka iyo Arrimaha bulshada ee ONLF iyo xubno ka tirsan golaha dhexe ee ONLF. Shirkan kii ka horreeyey wuxuu ka dhacay Australia.

Caawa ayaa waxaa lagu dhigi doonaa  hotelka Sheraton ee magaalada Toronto Riwaayad hal-ku-dhiggeedu yahay  "IN UU QAYSHADA MAANTA QASAB BAAN KAGA KEENAY, waxayna riwaayaddu ahayd mid dadkii daawaday ay aad uga heleen.


Haweeney ka socota dalka Sweden waxay ka hadashay Oil-ka sida qaldan looga baarayo dalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uul ka socday xisbiga NDP ee laga soo doorto magaalada Toronto.



Mahad Carabw Cali
Toronto Canada