Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, July 5 , 2012
Hay'ad Samafal oo sheegtay in boqolaal kun oo qof ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ku wajahan Soomaaliya
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hay'adaha Save the Children ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo khamiis ah ku sheegtay in boqolaal kun oo Soomaali ay khatar ugu jiraan cunno yaraan ba'an oo Soomaaliya ku wajahan, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan di'i lahaa.
Digniintan ayaa qayb ka noqonayso digniino noocan oo kale oo ay bixiyeen qaar ka mid ah hay'adaha samafalka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Qarmaada Midoobay kuwaasoo sheegay in digniintooda ay ka dhalatay saadaalo la sameeyay.
"Sannadkii hore cunno la'aantii ka dhalatay abaarihii xumaa ee ku dhuftay Somalia waxay sababeen in qoysas badan ay deegaannadooda uga carareen," ayay tiri Sonia Zambakides oo ah madaxa barnaamijyada hay'adda badbaada caruurta ee Soomaaliya.
Hay'addu waxay sheegtay in roob yaraatii sannadkan ay sababeen in dalagii uu u soo go'i waayo sidii la rabay, tanina ay sabab u noqon karto in 1.4-milyan oo ku barakacay abaarihii sannadkii hore ay dib ugu soo kabsan waayaan.
Sidoo kale, hay'adaha gargaarka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii dhibaatada cunno yaraan ee ka taagan dalka geeska Afrika ku yaalla ee Soomaaliya.
"Waxaan u baahannahay in la qaado taallaabooyin looga hortagayo khatarta cunno yari ee ku wajahan Soomaaliya, sidoo kalena looga hortagayo in baahida dadkaas ay noqoto mid muddo socota," ayay tiri Zambakides.
Abaarihii sannadkii hore ku dhuftay Soomaaliya ayaa waxay saameyn ku yeesheen 10 milyan oo qof oo ku nool afar waddan oo Bariga Afrika ku yaalla, kuwaasoo ay ku jirto Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu noqday midkii ay saameyn xun ku yeelatay abaartii sannadkii hore sidoo kalena ay uga tagtay saameyn weli muuqata, iyadoo cabsida ugu weyn ee jirta ay tahay in dadkii ay abaaruhu horay u saameeyeen ay mar kale khatar wajahaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Maktabadda wareegta ee Buugaagta oo safar aqoon korodhsi ah ku maraya degmooyinka Somaliland
7/5/2012 12:37 PM EST
Khamiis, July, 5 2012 (HOL)- Maktabada wareegta oo qayb ka ah carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo maalmaha soo socda lagu qaban doono magaaladda Hargeysa, ayaa safar ku tagay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana soo dhoweyey ardayda jaamacadaha Boorame iyo Naadiga Akhriska gobolka Awdal ee Maskax-maal.
Murashaxa Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyoow oo soo jeediyay in loo diyaar-garoobo Tartan doorasho oo xalaal ah
7/5/2012 8:17 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa soo jeediyay in loo diyaar-garoobo tartan doorasho oo xalaal ah, xilli uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Fannaaniinta Kooxda Qayla-dhaan iyo Mas'uuliyiinta Hay'adda CCD oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdihso
7/5/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo ay ka mid ahaayeen fannaaniinta kooxda Qayla-dhaan sida Jooqle Shire Jaamac iyo, Cabdixakiim Ciise Guuleed (Farayare) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
C/RAXMAAN C/QAADIR: “Umadda Somaliland waa Ummad Wanaagsan oo u baahan cadaalad iyo madax daacad ah”
7/5/2012 8:14 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan C/Qaadir oo jug ka soo gaadhay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Taladda haya ee KULMIYE oo muddo xaalad caafimaad ku maqnaa dalka Ingiriiska ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana duleedka magaaladda Hargeysa kaga hor tagay boqolaal Dadweyne iyo gaadiid faro badan oo ku soo dhoweeyey magaaladdda Hargeysa.
Howlgallo ay Ciidamada Dowladda KMG ka sameeyeen Magaalada Muqdisho oo lagu soo qab-qabtay Kumannaan Dhallinyaro ah
7/5/2012 7:28 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in 3,000 oo dhallihyaro ah lagu qabtay howgallo ay ciidamada dowladda KMG ah ka sameeyeen Muqdisho, iyadoo 235 ka mid ah la sheegay in la ogaaday inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Wafdi ka Socday Hay'adda NRC iyo Dowladda Kenya oo Dhoobley kulamo kula qaatay Saraakiisha DKMG iyo kuwa Raaskaambooni
7/5/2012 6:52 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Wafdigan oo ka socda Hay'adda NRC islamarkaasina ay wehlinayeen wufuud ka socota dowladda Kenya ayaa magaalada Dhoobley kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama gobollada Jubooyinka.
Madaxweyane Sheekh Shariif oo booqday Xarunta Shirkad Lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla Suudaan
7/5/2012 4:02 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday xarunta shirkad lacago u daabacaysa Soomaaliya oo ku taalla dalka Suudaan, isagoo kulan la qaatay madaxa shirkaddaas daabacaadda sameysa.
Ciidamada Dowladda KMG ah oo howgallo baaritaanno kawada degmooyinka Muqdisho ka tirsan iyo Ceelasha Biyaha
7/5/2012 3:59 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ayaa saakay howgallo ka billaabay degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Qarax khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir
7/5/2012 3:59 AM EST
Khamiis, July 05, 2012 (HOL) — Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ruuxii aasayay ayaa ku dhintay miino xalay ka qaraxday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo maamulka degmadaas uu sheegay inaysan jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaartay qaraxaas.
Somali News
US hits Shebab network with new sanctions
-
AFP
7/5/2012 2:24 PM EST
The United States placed sanctions Thursday on six alleged backers of Al-Qaeda-linked Shebab rebels in Somalia, naming them as two Eritrean government officials, a Sudanese national and three Kenyans.
Jerry John Rawlings condemns illegal fishing and dumping of toxic of the Somali Coasline
-
GNA
7/5/2012 11:55 AM EST
Former President and African Union (AU) High Representative for Somalia Jerry John Rawlings has condemned illegal fishing and dumping of toxic waste on parts of the Somali coastline which has caused extensive damage including fish contamination and birth abnormalities to humans.
North Eastern police boss moved in shuffle
-
Daily Nation
7/5/2012 7:26 AM EST
The entire police command in North Eastern province has been moved in the wake of the latest terror attacks in the area.
Somalia could face fresh humanitarian crisis
-
gulfnews
7/5/2012 7:20 AM EST
Displacement, poor rains and late harvest may reverse recovery from disaster.
700 police posted to northern Kenya in terror war
-
Daily Nation
7/5/2012 7:16 AM EST
A seven hundred strong police contingent has been posted to North Eastern province in the wake of increased terror attacks.
CIA steps up harassment enforcement
-
UPI
7/5/2012 7:10 AM EST
The CIA says it is increasing enforcement of its sexual harassment policy following complaints of violations in war zones.
U.S. Warns Kenya About Deal with Iran
-
TIME
7/5/2012 7:07 AM EST
Kenya risks being penalized if it sees through an oil deal with Iran which would breach U.S. and European union sanctions to deprive funding for the Iranian government and what is believed to be an effort by Iran to build nuclear weapons.
Somali gov’t signs action plan to end army’s child recruitment
-
WireUpdate
7/5/2012 7:02 AM EST
Somalia's Transitional Federal Government on Tuesday signed an action plan to end the recruitment and use of children in the East African country's national military, the United Nations (UN) said on Wednesday.
Kenyan Muslim groups 'to protect churches'
-
Myjoyonline
7/5/2012 6:54 AM EST
Muslim leaders in Kenya have agreed to form self-defence groups to protect churches following a deadly attack on Sunday.
Aid Group Warns of New Food Crisis in Somalia
-
VOA
7/5/2012 6:45 AM EST
Save the Children is warning that poor rainfalls and conflict threaten to push hundreds of thousands of Somalis back into hunger, just months after the country recovered from a devastating famine.
AID POLICY: Refugees in Kenya call for more effective aid delivery
-
IRIN
7/5/2012 1:30 AM EST
DADAAB, 4 July 2012 (IRIN) - Hundreds of thousands of Somali refugees in Kenya's northeastern Dadaab refugee camp depend on aid to meet all their basic needs; while they are grateful for the help and the relative security the settlement provides, many feel the aid could be managed in more effective ways.
China's Navy Gathers Good Will Off Somalia
-
IB Times
7/5/2012 1:28 AM EST
Four years after the United Nations called on nations around the world to help curtail piracy off the coast of Somalia, the situation off the failed African state's shores looks more or less unchanged.
Al-Shabaab claims responsibility for Garissa attacks
-
KBC
7/5/2012 1:24 AM EST
Somalia militia group Al-Shabaab has claimed responsibility for Sunday's twin attacks on two churches in Garissa County that left 17 people dead.
Somali President Inspects Sudanese Currency Printing House
-
SUNA
7/5/2012 1:11 AM EST
Khartoum - The Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has inspected printing of his country's currency at the Sudanese Company for Currency Printing.
UAE Navy chief seeks GCC alliance on piracy
-
The National
7/5/2012 1:10 AM EST
DUBAI // A joint GCC naval force should be formed to protect ships in waters where Somali pirates lurk, the commander of the UAE navy says.
Pair jailed for supplying ambulance
-
7Days
7/5/2012 1:08 AM EST
Two men have been locked up for three years for supplying an ambulance and medical equipment to an extremist group in Somalia.