Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, July 30, 2012
Madaxweynaha Galmudug oo Taageeray Shirka Ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka socda kana digay Doorashooyin ka dhaca Galmudug
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan magaalada Nairobi oo dhawaan wadnaha looga qalay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda, isagoo ka digay doorashooyin madaxweyne oo ka dhaca Galmudug.
Col. Caalin oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in ergadii shirka uga qaybgeli lahayd shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda ay mar hore direen, isagoo xusay inaysan iyagu doonayn inay horistaagaan horumar ay Soomaaliya gaarto.
"Waxaan maqlay inay laba doorasho ka kala dhacayso Galmudug, balse waxaan ka digi lahaa in la qabto doorashooyinkaas, waxaana ku talinayaa in loo hogaansamo rabitaanka shacabka oo laga leexdo in qori iyo hunguri wax lagu noqdo," ayuu yiri Col. Caalin.
Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inaysan jirin xilli cayiman oo uu isagu u qabtay inay doorashooyinka madaxnimo dhacaan, isagoo xusay inuu doonayay in la qabto kulan ay kasoo baxaan wax la isku raacsan yahay.
"Anigu weli ma oran maalin heblo ayay doorashadu dhacaysaa, waxaana diidanaa inuu isku dhac yimaado, waxaana jeclahay in la isla fariisto oo wax la isla gaaro, ma doonayo inaan wax ku darsado dhibaatada socota, ciddii howsha wadda ayaana qaadaysa mas'uuliyada wixii ka dhasha," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in doorasho la qabto inay ka wanaagsan tahay in marka hore wax la iska weydiiyo waxyaabihii ay Galmudug ka dhaqaaqi waday, si go'aan mideysan loo qaato. Isagoo ugu baaqay Jen. Cabdi Qaybdiid oo ka mid ah xubnaha doorashada u tartamaya inuu ogolaado in lawada fariisto wixii shacabku doonayaanna la isku raaco.
"Haddii ay aniga i leeyihiin noo tanaasul, waxaana u sheegayaa anigu haddaba kuma jiro orod iyo dadaal doorasho," ayuu yiri Col. Caalin oo sheegay inuu aad u wanaagsan yahay caafimaad kaddib qalliin looga sameeyay wadnaha uuna sugayo baaris, balse ma sheegin halka uu aadayo markii baaristu u dhammaato.
Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in maalinta berri ah lagu wado inay ka dhacdo Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay Galmudug ka taliso doorashooyin madaxweynnimo, taasoo ay ku tartamayaan lix murashax oo mid walba uu doonayo inuu xilka isagu qabto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Beelaha Shanaad oo dibadbax casho ah ka dhigay gudaha Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka Cusub
7/30/2012 8:55 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ergooyinka beesha shanaad ayaa waxay maanta ka dhigeen xarunta uu shirku ka socdo dibadbax cabasho ah, kaasoo ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ee lagu qaybsado awoodda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacayo oo Degmada Afgooye kula kulmay Waxgaradka degmadaas
7/30/2012 6:59 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ka geysanayeen ciidamada DKMG ah falal ammaan-darro, iyagoo la kulmay waxgaradka degmadaas
Qiimaha Maciishada Somaliland oo sare u kacay bisha Ramadaan iyo Sarifka Doolarka oo hoos u dhac uu ku yimid
7/30/2012 6:26 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Qiimaha badeecadaha quutul-daruuriga ah ayaa sare u kac uu ku yimid bishan barakaysan ee Ramadaan, halka qiimihii sarifka doollarkuna hoos uga dhacay suuqyada sarifka Somaliland.
Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo la Guddoonsiiyay Qalab Casri ah oo ay Dowladda Turkigu ugu deeqday
7/30/2012 3:39 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Daaladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren ayaa deeq ka kooba kambiyuutarrro iyo birinto casri ah oo ay ugu deeqday dowladda Turkiga ku wareejisay jaamacadda Simad oo ka mid ah jaamadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo muujiyay rajada uu ka qabo in la Ansixiyo Dastuurka oo uu weli muran ka taagan yahay
7/30/2012 3:23 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah.
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo illaa xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay
7/30/2012 3:17 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay tan iyo xalay ka jireen dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.
Somali News
US Prosecutors Want Accused Hostage Negotiator Returned to Custody
-
BLT
7/30/2012 2:01 PM EST
A federal appeals court in Washington has agreed to expedite a dispute over whether a Somali man accused of serving as a hostage negotiator for pirates should be returned to federal custody and held without bond pending trial.
TÁNAISTE Announces €3 MIllion in Vital Aid for Somalia
-
IMFA
7/30/2012 1:47 PM EST
The Tánaiste and Minister for Foreign Affairs and Trade, Eamon Gilmore TD, today announced €3 million in life-saving assistance to Somalia during a visit to the capital, Mogadishu. The funding will provide food, shelter and other vital assistance to thousands of Somalis affected by conflict and hunger.
Economy tops Kenyans’ worry list
-
CapitalFM
7/30/2012 5:40 AM EST
The most pressing issue facing Kenyans at the moment is the slow growth of the economy, according to a recent survey.
Refugees in SA compare Olympics to their lives
-
WOAI
7/30/2012 5:38 AM EST
A group of young refugees from Asia and Africa, living in San Antonio are keeping a close watch on the Olympics as they cheer on their home countries and their newly adopted USA.
Range Resources says Shabeel North will go deeper than planned to explore lower levels
-
PI
7/30/2012 5:36 AM EST
Shabeel North well in Puntland, Somalia will be drilled deeper than planned to try to find oil at lower levels.
Somali National Constituent Assembly continues despite mortar attack
-
Sabahi Online
7/30/2012 5:22 AM EST
Somalia's National Constituent Assembly (NCA) reconvened on Saturday (July 28th) after Friday's meeting was delayed, Somalia's Garowe Online reported.
Al-Shabaab kill Safaricom driver
-
The Standard Digital
7/30/2012 5:19 AM EST
One driver was shot dead in an attack by suspected Al-Shabaab militants on a car belonging to a mobile phone dealer in Mandera.
Zenawi's exit? Why EAC should worry
-
Daily Ethiopia
7/30/2012 5:17 AM EST
With Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi seriously ill, East African leaders need to start worrying about what his impending exit will mean for the region.
Accused barbecue shooter is Somalian refugee
-
CANOE
7/30/2012 5:11 AM EST
An accused gunman charged with firing a weapon at a Scarborough barbeque where two people were killed and 23 others wounded arrived in Canada as a refugee from Somalia seeking a better life, border officials say.
Somali forces rebuff al-Shabaab in Hudur
-
Sabahi Online
7/30/2012 5:08 AM EST
Fighting broke out Friday (July 27th) between al-Shabaab and Somalia's Transitional Federal Government (TFG) forces in the town of Hudur, capital of the Bakol region, said Hudur District Commissioner Mohamed Moallin.
Somalia gets extra €3m aid
-
Irish Independent
7/30/2012 5:06 AM EST
TANAISTE Eamon Gilmore has announced a €3m aid package to provide food and shelter for Somalian people hit by war and famine, writes Fionnan Sheahan.
Somalia's cause is Ireland's cause, says Tánaiste on visit
-
Irish Times
7/30/2012 5:05 AM EST
TWENTY YEARS after Mary Robinson shed tears at the plight of Somalis caught up in a devastating famine, another senior Irish politician has witnessed at first hand the realities of this ravaged country.