4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho

Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ganacsato, dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha, mas'uuliyiin ka tirsan maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose oo lagu furayay maxjar weyn oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxjarkan ayaa waxaa furtay shirkad lagu magacaabo Ancaam oo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin, waxaana dhismaha maxjarkan uu socday muddo saddex sano ah, waxaana ay ku baxday lacag gaaraysa 3,300,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Guddoomiyaha maxjarkan, Maxamed Cali Iimaan oo ugu horreyn ka hadlay furitaanka maxjarka ayaa sheegay in maxjarkan uu dabooli doona baahida gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay u qabaan inay helaan maxjar lagu sii hayo xoolaha nool inta aan la dhoofin. Isagoo sheegay in maxjarkan ay shaqo ka heli doonaan kumannaan qof oo Soomaaliyeed, laga soo billaabo miyiga illaa dekedda laga dhoofinayo.


Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda KMG ah, C/wahaad Ugaas Xuseen ugaas Khaliif oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay intii kasoo shaqeysay inuu maxjarkan hirgalo, isagoo sheegay in DKMG ah ay ku caawin doonto wixii ay ganacsatada furay maxjarka u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macallin Maxamuud oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo ganacsatadii hirgeliyay maxjarka, isagoo sheegay inaysan u suurogasheen furitaanka maxjarkan haddii aysan nabadi jirin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ganacsatada maxjarkan furtay ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo ku dhiirrigelinaya ganacsatada kale inay iyaguna dalkooda maal-gashadaan, isagoo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu dhul siinayo ganacsatada doonaysa inay Muqdisho ka hir-geliyaana warshadaha yaryar.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay ganacsade u dhashay dalka Cummaan oo lagu magacaabo Axmed Saalim, kaasoo sheegay in dalkiisa uu aad u daneynayo sidii uu u qaadan lahaa xoolaha Soomaaliya, isagoo goobtaas ka ballanqaaday in xoolaha ugu horreeya ee maxjarkan la keeno uu dalkiisa noqon doono midka loo dhoofiyo.


"Xoolaha Soomaaliya waa kuwo aad u hilib macaan, taas ayaana keentay in tartan loo galo in xoolaha Soomaaliya loo iibgeeyo dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Khaliijka Carabta," ayuu yiri Axmed Saalim.

Ugu dambeyn, madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay furitaanka maxjarka ayaa u mahadceliyay shirkadda Ancaam oo suurogelisay furitaanka maxjarka oo ah mid aad u weyn, wuxuuna sheegay dowladda KMG ah ay dhiirri-gelin doonto ganacsatada doonaysa inay maal-gashadaan dalkooda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya