Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, July 28, 2012
Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ganacsato, dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha, mas'uuliyiin ka tirsan maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose oo lagu furayay maxjar weyn oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Maxjarkan ayaa waxaa furtay shirkad lagu magacaabo Ancaam oo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin, waxaana dhismaha maxjarkan uu socday muddo saddex sano ah, waxaana ay ku baxday lacag gaaraysa 3,300,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Guddoomiyaha maxjarkan, Maxamed Cali Iimaan oo ugu horreyn ka hadlay furitaanka maxjarka ayaa sheegay in maxjarkan uu dabooli doona baahida gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay u qabaan inay helaan maxjar lagu sii hayo xoolaha nool inta aan la dhoofin. Isagoo sheegay in maxjarkan ay shaqo ka heli doonaan kumannaan qof oo Soomaaliyeed, laga soo billaabo miyiga illaa dekedda laga dhoofinayo.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda KMG ah, C/wahaad Ugaas Xuseen ugaas Khaliif oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay intii kasoo shaqeysay inuu maxjarkan hirgalo, isagoo sheegay in DKMG ah ay ku caawin doonto wixii ay ganacsatada furay maxjarka u baahan yihiin.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macallin Maxamuud oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo ganacsatadii hirgeliyay maxjarka, isagoo sheegay inaysan u suurogasheen furitaanka maxjarkan haddii aysan nabadi jirin.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ganacsatada maxjarkan furtay ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo ku dhiirrigelinaya ganacsatada kale inay iyaguna dalkooda maal-gashadaan, isagoo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu dhul siinayo ganacsatada doonaysa inay Muqdisho ka hir-geliyaana warshadaha yaryar.
Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay ganacsade u dhashay dalka Cummaan oo lagu magacaabo Axmed Saalim, kaasoo sheegay in dalkiisa uu aad u daneynayo sidii uu u qaadan lahaa xoolaha Soomaaliya, isagoo goobtaas ka ballanqaaday in xoolaha ugu horreeya ee maxjarkan la keeno uu dalkiisa noqon doono midka loo dhoofiyo.
"Xoolaha Soomaaliya waa kuwo aad u hilib macaan, taas ayaana keentay in tartan loo galo in xoolaha Soomaaliya loo iibgeeyo dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Khaliijka Carabta," ayuu yiri Axmed Saalim.
Ugu dambeyn, madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay furitaanka maxjarka ayaa u mahadceliyay shirkadda Ancaam oo suurogelisay furitaanka maxjarka oo ah mid aad u weyn, wuxuuna sheegay dowladda KMG ah ay dhiirri-gelin doonto ganacsatada doonaysa inay maal-gashadaan dalkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah oo Maanta soo Bandhigay Sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab
7/28/2012 9:07 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab sida ay labadan ruux u sheegeen warbaahinta.
Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS oo sheegay inuu hoos u dhacay fiditaankii Cudurka iyo Guddi ka Warbixiyay Mishiinka Kilyaha sifeeya
7/28/2012 8:30 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Guddidda la dagaanka cudurka HIV/AIDS Somaliland, ayaa sheegay in sanadkan hoos u dhac ku yimid fiditaankii cudurkaasi marka loo eego heerkiii uu sanadkii hore marayey.
Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo maanta loo akhriyay Qodobbada Dastuurka Cusub
7/28/2012 8:20 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Ergada ansixinaysa dastuurka qaybo-qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah loo akhriyay dastuurka oo ka kooban 79-qodob, iyadoo lagu wado in berri ay ka doodaan qodobbada ay u arkaan inay yihiin kuwo ay khaladaad ku jiraan.
Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhaariyay Garsoorayaal loogu talo-galay in ay ka howlgalaan Maxkamadda dalka
7/28/2012 8:06 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa lagu dhaafiyay 52 garsoore oo loogu talo-galay inay ka howlgalaan maxkamadda dalka, iyadoo xafladda dhaarinta ay ka qaybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, wasiirro iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.
Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee DKMG oo sheegay in Dastuurka aan lagu xusin Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya
7/28/2012 7:35 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya, Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu dhaarinayay garsoorayaal ayaa sheegay in dastuurka qaybo-qoraalka aysan ku caddeyn xuquuqda garsoorka Soomaaliya.
Dilal qorsheysan oo Siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Ufuroow, Baydhabo iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
7/28/2012 7:03 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan iyo ciidamada DKMG ah ayaa siyaabo kala duwan saddex qof ugu dilay maanta degmooyinka Ufuroow iyo Baydhabo oo ka tirsan gobolka Ba iyo duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole.
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland oo beesha caalamka ka dalbaday in lasoo celiyo dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya
7/28/2012 2:16 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka dlabaday beesha calaamka inay gacan ka geystaan sidii dhallinta Soomalaiyeed ee dalka ka tahriibaya dib loogu soo celin lahaa, isagoo madaxda DKMG ah ka dalbaday inay iyaguna doorkooda ka qaataan arrintan.
Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo Maanta dib u billlaabanaya kaddib hakad ku yimid shalay
7/28/2012 2:15 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Shirkii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maanta dib uga billaabanaya magaalada Muqdisho kaddib markii uu shalay ku yimid hakad, taasoo uu wasiirka dastuurku ku sheegay inay ahayd cillad farsamo oo dhinaca kambiyuutarrada ah.
Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Degmada Baydhabo iyo ciidamada DKMG ah oo dad u Qabqabtay
7/28/2012 2:06 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo saddex ka mid ah ahaayeen ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dhintay qaraxyo shalay oo Jimco ahayd ka dhacay koontaroolka ku yaalla duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Somali News
Djiboutian minister meets with Turkish envoy
-
Sabahi
7/28/2012 11:12 AM EST
Djiboutian Minister of Interior Hassan Dara Houffaneh received a delegation from Turkey's international development agency in Djibouti on Tuesday (July 24th) to discuss co-operation between the two countries, Djibouti's La Nation reported.
Commander Blames Arab Sheikhdoms for Growing Sea Piracy in Gulf of Aden
-
Fars News Agency
7/28/2012 6:43 AM EST
A senior Iranian military commander accused some Arab Sheikhs from the UAE, Yemen and Saudi Arabia of sponsoring Somali pirates.
Opening ceremony as good as it gets for some
-
Reuters
7/28/2012 5:48 AM EST
The Olympic Opening ceremony marks the point at which many athletes' dreams start to soar and take shape. For others like Rahman Mahfizur, it is about as good as the Games will get.
Govt asks public help to stop illegal immigrants
-
IPPmedia
7/28/2012 5:10 AM EST
Arusha Regional Immigration Officer has appealed to the public to help the government stop illegal immigration by informing security organs about people who enter Tanzania through unofficial routes.
Somalia at the 2012 Opening Ceremonies in London
-
HOL
7/28/2012 5:07 AM EST
Zamzam Ali Farah represented Team Somalia as the nations flag bearer during the opening ceremonies for the 2012 Summer Olympic Games in London.
Draft constitution spurs debate among Somalis
-
Sabahi Online
7/28/2012 5:04 AM EST
Mohamed Ali Mohamed was relaxed while answering the reporter's questions. Then, he excused himself to pick up a phone call. "Who are you? What do you want?" he asked loudly. A few minutes later, confused and perturbed, he said, "I think the lads just called me."
Police training begins in Beledweyne
-
Sabahi
7/28/2012 4:53 AM EST
A training programme for 180 Somali police officers began on Thursday (July 26th) in Beledweyne, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.
Somalia mulls abortion right
-
AP
7/28/2012 4:51 AM EST
Somali leaders are debating a new constitution that protects the right to have an abortion to save the life of the mother, and an international law group says the draft guarantees more fundamental rights than the U.S. Constitution.
ARC kicks off 'I Am a Star for Somalia' Fundraiser
-
KARE
7/28/2012 4:51 AM EST
Of course, there will be a lot of cheering during the Olympic Games, but a nonprofit based in Minneapolis hopes to turn those cheers into aid for refugees in Somalia.
50+ Hamilton models pose for Somalia
-
CBC
7/28/2012 4:47 AM EST
More than 50 people strutted their stuff on the runway Thursday night for the Living Rock's Creativity Through Diversity fashion show.
World Vision Aid Worker Reflects on Hunger in Somalia
-
VOA
7/28/2012 4:44 AM EST
It has been a year since one of the worst droughts and subsequent famines in East Africa ravaged the Horn of Africa last year.
UPDF sends 3,200 more troops to Somalia
-
New Vision
7/28/2012 4:39 AM EST
The army has passed out a new battalion comprising of 3,237 specially trained troops for deployment against the al Qaeda-linked al-Shabaab terrorists in the war-torn Somalia.