Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, July 16, 2012
Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada Weerarkaas
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya horayna u soo noqday wasiir ayaa ku dhintay qarax maanta oo Isniin ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir; iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen sideed qof oo laba ka mid ah ay la saarnaayeen gaariga.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir, Warasme Maxamed Xasan (Joodax) oo saxaafadda kula hadlay agagaarka bacadlihii hore ee Xamarweyne oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay ku ogaadeen baaris ay sameeyeen in qaraxu ahaa mid loogu xiray gaariga.
"Xidhibaanka isaga ayaa watay gaariga waxaana qaraxu uu ka dhacay kursiga uu ku fadhiyay hoostiisa, laba qof oo gaariga la saarnaana dhaawacyo kala duwna ayaa soo gaaray," ayuu yiri Warsame Joodax.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay xildhibaanka, waxaana warsaxaafadeed ay soo saartay ay ku sheegtay in weerarkan uu digniin u yahay madaxda dowladda, ayna meel walba oo dalka ka mid ah ku beegsan doonaan cid walba oo dowladda la shaqeysa.
Ehellada marxuumka ayaa u sheegay HOL in dilka xildhibaanku uu ahaa mid lasoo qorsheeyay ayna ka dambeeyaan kooxo diiddan nabadda dalka iyo dowladnimo la gaaro, iyagoo aan cid gaar ah carrabka ku dhufan.
Xidhibaanka lagu dilay qaraxa ayaa wuxuu soo noqday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo wasiirka arrimaha bani'aadamnimada iyo dib u dajinta qoxootiyada, isagoo ka mid ahaa xubnihii dowladda uga soo biiray isbahaysigii dib u xoreyn ee uu hoggaamin jiray madaxweyne Sheekh Shariif.
Mas'uulkan la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn saameynta uu dilkiisa ku yeelan karo howlaha looga baxayo xilliga KMG ah ee ay dowladdu waddo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Boosaaso oo maanta shaqo joojin sameeyey
7/16/2012 1:29 PM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Waxaa maanta albaabada loo laabay in badan oo kamid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland.
Dabley ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo xalay laba qof ku dilay degmada Afgooye
7/16/2012 9:47 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Kooxo sita labiska ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku toogtay degmada Afgooye ganacsade iyo wiil uu dhalay oo lagu kala magacaabi jiray, Cismaan Axmed Xuseen iyo wiilkiisa Maxamed Cismaan Axmed, kaddib markii ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaala bartamaha degmadaas.
Farmaajo oo ka jawaabay warbixintii qaramada midoobay
7/16/2012 9:45 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si deggan uga jawaabay warbixintii qaramada midoobay ay soo saartay ee qaar kamid hogaamiyayaasha dawlada ku eedaysay musuqmaasuq iyo lunsashada hantida qaranka.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo sheegay in abaar adagi ka jirto gobolladda Awdal iyo Selel, kuna baaqay in loo gurmado
7/16/2012 8:37 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar xaqiiqo raadis ah u tagay goboladda galbeedka Somaliland ee abaaruhu aad u dhibaateeyeen, kuwaas oo dad iyo duunyaba saamaysay, waxaanu caalamka iyo bulshadda ku booriyey inay gurmad u fidiyaan dadkaasi.
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay difaacanayso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
7/16/2012 8:31 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay inay difaacaynayso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasoo ay ku wajahan yihiin ciidamada Kenya ee ka mid noqday AMISOM, kuwa Dowladda KMG ah iyo xoogagga Raaskambooni.
Dowladda Soomaaliya oo Maamul u Magacowday Gobolka Galguduud oo ay ka kala taliyaan Ahlusunna iyo Al-shabaab
7/16/2012 8:11 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub maanta u magacowday gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya oo ay ka kala taliyaan Ururrada Ahlusunna Waljmaaaca iyo Xarakada Al-shabaab.
Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo xanuun awgiis uga qaybgeli waayay markii ugu horreysay shirka ururuka Midowga Afrika
7/16/2012 8:09 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaan ka qaybgalay shirka madaxda ururka Midowga Afrika uga socda Addis Ababa, iyadoo ay ilo wareedyo hoose sheegayaan inuu aad u xanuunsan yahay.
Tahriibyaal Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Liibiya oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan Malleeshiyaadka dalkaas
7/16/2012 3:55 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay xabsi ku hayaan koox malleeshiyo ah oo gacanta ku haysa magaalada Misraata ee dalka Liibiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin lagu hayo.
Madaxda Qaaradda Afrika oo Markii ugu horreysay Hoggaanka sare Ururka Midowga Afrika u doortay Haweeney
7/16/2012 3:35 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Madaxda ururka Midowga Afrika ayaa xalay u doortay in haweeney ay markii ugu horreysay hoggaamiso ururka Midowga Afrika, taasoo ah wasiirradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo dhowr wareeg oo doorasho ah kaga guleysatay hoggaamiyihii Midowga Afrika, Jean Ping oo u dhashay dalka Gaaboon.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in Marxaladda kala guurka ay heer gabo-gabo ah marayso
7/16/2012 2:55 AM EST
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inay heer gabo-gabo ah marayaan howlaha looga gudbayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in howshan ay ku dhammaanto xilligii loo qabtay.
Somali News
Eritrea reduces support for al Shabaab-UN report
-
Reuters
7/16/2012 2:58 PM EST
ADDIS ABABA, July 16 (Reuters) - Eritrea has reduced its support for the al Qaeda-allied al Shabaab militant group in Somalia under international pressure, but still violates U.N. Security Council resolutions and remains a destabilising influence, a U.N. report says.
Car bomb kills ex-trade minister in Somali capital
-
AFP
7/16/2012 2:57 PM EST
MOGADISHU — A car bomb went off Monday in Somalia's volatile capital Mogadishu, killing a former trade minister and wounding six people nearby, officials said.
Efforts to tackle Somali piracy pay off - watchdog
-
Reuters
7/16/2012 2:55 PM EST
LONDON (Reuters) - Tougher action by international navies and the use of private armed guards on ships have more than halved the number of Somali pirate attacks, the International Maritime Bureau (IMB) said on Monday.
Somaliland's Hargeisa book festival celebrates fifth year
-
Guardian
7/16/2012 2:54 PM EST
It is an unlikely spot for a literary festival, a town of half a million people with no theatre and no cinema. But Hargeisa is carving out a reputation as the Horn of Africa's answer to Hay-on-Wye by attracting readers and writers from around the world to its book fair.
Kenyan court frees 2 Iranian terror suspects on bail
-
Xinhua
7/16/2012 2:52 PM EST
NAIROBI, July 16 (Xinhua) -- A Kenyan court on Monday released 2 Iranians who are facing charges of being in possession of dangerous explosive materials on a cash bail of 24,000 U.S. dollars and a surety of 60,000 dollars each.
Building schools for refugee children in Kenya
-
Globe and Mail
7/16/2012 2:50 PM EST
Muuxi Adam, 24, the eldest of five, grew up in Somalia surrounded by poverty and gunfire because of the civil war. At 14, Mr. Adam was kidnapped and chained to a fence for 18 months. He finally broke free and found his way to his home , but his family had left. He set off on a flight with a friend, expecting to reunite with his family in Ethiopia.
World sea piracy falls in first 6 months of 2012
-
AP
7/16/2012 2:43 AM EST
KUALA LUMPUR, Malaysia (AP) — A maritime watchdog says sea piracy worldwide fell by 54 percent in the first half of 2012, led by a drop in Somali piracy.
Somali athletes ready for London Olympics
-
Xinhua
7/16/2012 2:36 AM EST
MOGADISHU - Following months of strenuous and sometimes dangerous training sessions in Mogadishu, one of the lawless cities in the world, two Somali Olympic hopefuls are now ready to compete in London Games.
Oil Opens Another Frontline of War in Somalia
-
Oil Price
7/16/2012 2:35 AM EST
Kenya has raised the ire of Somalia by awarding offshore oil and gas exploration blocks to multinational companies in contested waters, and while the mainstream Western media glosses over this as a simple irritant for Kenya, Total and ENI, the move will give new impetus to Somali piracy and threatens to open up another frontline in the Somali conflict.
The hunt for the white widow
-
Telegraph
7/16/2012 2:32 AM EST
In the feverish atmosphere of Kenya’s war on terror, rumours abound as to the whereabouts of Samantha Lewthwaite, the Muslim convert from Aylesbury who is on the run after a foiled bomb plot. Mike Pflanz reports from Mombasa.
Police nab 4th suspect, charged with manslaughter
-
Nyasa Times
7/16/2012 2:28 AM EST
Malawi Police have arrested the fourth suspect in an alleged syndicate to transport illegal immigrants to Malawi who drowned while trying to cross Lake Malawi which three weeks ago.
Somali government to tighten Mogadishu security
-
PressTV
7/16/2012 2:25 AM EST
Somali government forces with the backing of the African Union troops have expanded their control outside Mogadishu.
Somali National Constituent Assembly re-scheduled for next week
-
Sabahi
7/16/2012 2:23 AM EST
The Somali National Constituent Assembly (NCA) will convene on July 21st, following a postponement from July 12th, Abdullahi Osman, chairman of the technical selection committee, told Sabahi Sunday (July 15th).
Somali Government, Elders Agree on New Constitution
-
VOA
7/16/2012 2:22 AM EST
The Somali government says it has reached an agreement with traditional elders to move ahead with plans to adopt a draft constitution.
Malaysia to help Somalis get clean water supply
-
NST
7/16/2012 12:36 AM EST
SEPANG: MALAYSIA, via the Perdana Global Peace Foundation (PGPF), is putting together resources to help those in Somalia to have clean water facilities.
Farah - Britain's golden Somalian import
-
AFP
7/16/2012 12:32 AM EST
Mo Farah's wife Tania is due to give birth to twins in September, but whether the Somalia-born athlete pursues his own dream of double Olympic gold will depend on how he fares first up in the 10 000 metres.
South Africa's Dlamini-Zuma elected first woman head of AU Commission
-
AFP
7/16/2012 12:25 AM EST
ADDIS ABABA — She beat the incumbent, Jean Ping of Gabon, after several rounds of voting. "Now we have the African Union chair Madame Zuma, who will preside over the destiny of this institution," Benin's president and current AU chairman Thomas Boni Yayi said
Ethiopia prime minister a no-show at African Union summit, raising questions about his health
-
AP
7/16/2012 12:18 AM EST
ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethiopia’s longtime ruler and most powerful figure, Prime Minister Meles Zenawi, is not attending an African Union summit that opened Sunday in Ethiopia, which further fueled speculation that he might be seriously ill.