Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, July 15, 2012
Dagaal khaasaare geystay oo Booliiska Itoobiya iyo dad Muslimiinta ah ku dhexmaray Magaalada Addis Ababa
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 16-qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaadyo bartamaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray salay oo Sabti ahayd booliiska federaalka dalkaas iyo kooxo muslimiin ah.
Iska-horimaadyadan oo ka dhacay shan xaafadood oo ku yaalla Addis Ababa ayaa qarxay markii booliiska feberaalka Itoobiya ay gudaha u galeen masjid xaafadda Markaato ee bartamaha Itoobiya; kaasoo ay ku cibaadeysanayeen muslimiin fara badan; sida uu saxaafadda u sheegay Axmedin Jebel oo ka mid ah wakiillada majidka Awalia oo ay booliisku galeen.
"Booliisku waxay jabiyeen albaabbadii masjidka waxayna u soo galeen gudaha, taas ayaana muslimiintu ka caroodeen," ayuu yiri Axmediin. "Booliisku dad badan oo masjidka ku jiray ay weerareen - qaarkoodna way xirneen."
Muslimiin badan oo ka carooday ficilka ay booliisku ku dhaqaaqeen ayaa rabshado ka billaabay agagaarka masjidka iyo xaafado ka tirsan Addis Ababa, iyadoo taasi ay keentay in ciidamada booliisku federaalka Itoobiya ay rasaas ku jawaabaan.
Shacabka dalka Itoobiya oo tiradoodu gaarayso 94-milyan oo qof ayay muslimiintu ka yihiin 34%. Mas'uuliyiinta masaajidka ay ciidamadu galeen ayaa u sheegay inay ciidamadu ku eedeeyeen muslimiintii masjidkaas ku jiray inay isku dayayeen inay carqaladeeyaan shirka Midowga Afrika.
Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Shimeles Kemal ayaa sheegay in 72-qof la xiray, lix booliis ah iyo 10-qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in rabshaduhu ay qarxeen markii dadweyne careysan ay xireen jidadka ayna dhagaxaan ku tuureen sawirrada jidadka ku yaallay.
"Askarta booliiska ah waxay ku dhaawacmeen dhagaxaan ay tuureen dadkii isku soo xoomay," ayuu yiri wasiirka. "Waxaa la isku dayay in rabshadaha lagu faafiyo meelo kale balse booliiska ayaa arrintaas ka hortagay."
Booliiska feberaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay muslimiinta careysan ku rideen rasaas nool, sidoo kalena ay ku fureen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan iyadoo rasbshadahan ay ahaayeen kuwo xooggan.
"Shacabka muslimiinta ah waxay maanta oo Axad ah isugu yimaadeen illinka hore ee masjidka iyagoo dalbanaya in lasii daayo dadkii shalay la xirxiray," ayuu yiri Axmedin oo ka mid ah mas'uuliyiinta masjidka Awalia.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in afar qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagaal ku dhexmaray deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya 27-kii bishii Abriil, kaddib markii ay isku dhaceen muslimiin dalbanayay in lasii daayo nin daaci ah oo ay ciidamadu xireen.
Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhaawacmay 10 ka mid ah ciidamada booliiska, sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyay saldhig booliis iyo xarun boosto, sidoo kale waxaa la xiray 24-qof.
Shirkii madaxda Afrika ayaa ka furay Addis Ababa maanta oo Axad ah iyadoo aysan jirin wax rasbshado ah oo dhacaya, waxaana madaxda Afrika lagu wadaa inay ku doortaan shirkooda guddoomiyaha guddiga Ururka Midowga Afrika.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Kooxda FC Juba oo ku guuleysatey koobkii Isbuuca Soomalida Seattle July 7 – July 14 2012
7/15/2012 6:48 PM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) - Tartan kubada cagta ah oo loogu magac darey Somali Week Seattle ayaa waxoow si xiiso badan uga socdey garoomada Chief Sealth Stadium iyo Foster High Stadium kasoo eey ka qeyb galayeen 12 kooxood oo ka kala yimid magaaladan Seattle iyo Goboladda waaweyn ee dalka Mareykanka sida Minnesota, Denver, Utah, Oregon.
Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Golayaasha Sharci-dajinta oo ku kala aragti duwan habka ay Doorashooyinku u dhacayaan
7/15/2012 9:00 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddidda Doorashooyinka Somaliland, Ciise Yuusuf Xamari ayaa ka hadlay tallo soo-jeedin ay u soo jeediyeen goleyaasha Sharci dejinta inay wax ka bedelaan Astaantii hore ee doorashooyinka lagu gali jiray oo ay ka dhigeen in number lagu galo si ay ugu fududaato hawlaha doorashooyinka, balse soo jeedintaasi guddidda Doorashooyinka waxa ku gacan saydhay golaha Guurtidda oo diiday in number lagu galo doorashooyinka, maadaama oo ay badan yihiin dadka aan waxna qorin waxna akhriyin, isla markaana ay ku wareerayaan dadkaasi qofkay codka siin lahaayeen, sidaa awgeed ay lagu gallo doorashadda sidii birigii hore ee astaan lagu gali jiray.
Kooxo Bastoolado hubeysan oo Degmada Huriwaan ee Gobolka Banaadir ku dilay laba ruux mid kalena ku dhaawacay
7/15/2012 8:59 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay mid kalena ku dhaawacmeen.
Kooxda Baarista Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Madaxda ugu Sarreysa DKMG Soomaaliya inay lunsadeen Hanti Qaran
7/15/2012 3:14 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) - Kooxda Baarista (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay lunsadeen hanti gaareysa 131-milyan oo doollar.
Xarakada Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Weerarro ay ku qaadday Ciidanka DKMG iyo kuwa Itoobiya iyo AMISOM
7/15/2012 2:55 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay iska-horimaadyo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Shabeellada Hoose iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo booqday deegaanadda galbeedka Somaliland ee abaaruhu ka jiraan
7/15/2012 2:35 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, isagoo sheegay inuu doonayo inuu u yimid si uu gacan uga gaysto abaaraha baahsan ee ka jira deegaanadaasi.
Iskahorimaad khasare geystay oo ka dhacay duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
7/15/2012 2:32 AM EST
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay meel qiyaastii 5-km u jirta magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Somali News
United Nations to Freeze Corrupt Somalia Politicians' Assets
-
AP
7/15/2012 3:08 PM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — Corrupt Somali politicians could face travel bans and have their foreign assets frozen under tough new United Nations sanctions, a U.N. official said Tuesday, a move that analysts said could also help get desperately needed food aid to the country's growing number of famine victims.
Foreigners should respect Kenyans, says Raila
-
KBC
7/15/2012 7:55 AM EST
Prime Minister Raila Odinga has directed the ministry of Foreign Affairs and the Attorney General to strip off Shelter Afrique's Managing Director Mr. Alassane Ba of his diplomatic immunity so that he can face charges of assault.
AU summit opens to discuss conflict, vote on top job
-
Daily Nation
7/15/2012 7:50 AM EST
African Union leaders opened their biannual summit on Sunday to discuss the continent's hotspots including DR Congo and Mali, although elections for the bloc's top job overshadowed the agenda.
K’naan ‘killed’ in diss track by US-based rapper
-
Capital FM
7/15/2012 7:47 AM EST
Somali-Canadian rapper K’naan has had holes poked into his waving flag by a relatively new rapper and countryman, Kay.
Influx of Daadab refugees poses security risk
-
Daily Nation
7/15/2012 7:38 AM EST
Gaps in aid to Daadab refugee camp could worsen insecurity in the East African region if not addressed, a new report says.
Ethiopian Police Clash With Muslims Before AU Summit Meeting
-
HO
7/15/2012 7:33 AM EST
Hundreds of people were injured and arrested when Ethiopian police clashed with Muslims in the capital, Addis Ababa, where African leaders are gathering for a summit, and one person may have died, an Islamic committee said.
Terrorist attacks in Kenya impeding scientific research
-
UWN
7/15/2012 7:30 AM EST
Scientists expressed concerns that armed terrorist groups linked to the Somalia-based Al-Shabaab terrorist group are making it difficult to conduct marine research and conservation in the area.
Fighters jump ship as profits dry
-
News Strait Times
7/15/2012 4:34 AM EST
NEW DIRECTION: More and more al-Shabab militants in Somalia are defecting because it is no longer lucrative, writes Abdi Gule
Kidnapped Kenyans aid workers moved to Somalia pirate hub
-
The Star (Kenya)
7/15/2012 4:32 AM EST
The abductors of three Kenyan aid workers kidnapped in Puntland on Wednesday evening have moved them to a pirate hub in Hobyo but have not made any demands.
Boston mosque saves Somali youth
-
OnIslam
7/15/2012 4:30 AM EST
CAIRO – A Boston mosque has launched a new initiative to encourage young Somali teenagers to avoid problems in the street life and draw them to mosques to spread awareness among American Muslims about the problem for gangs and drugs.
Somali gov't says "89 suspected terrorists" arrested in Mogadishu
-
Xinhua
7/15/2012 4:27 AM EST
MOGADISHU, July 14 (Xinhua) -- The Somali government on Saturday said its security forces arrested 89 people suspected of having links with the militant group of Al-Shabaab in overnight raids in the capital Mogadishu this week.
Suicide bombs hoaxer jailed
-
The Star
7/15/2012 4:23 AM EST
A HOAX caller from Sheffield sparked a national terror alert when he rang police and told them suicide bombers were going to attack London - on the day US defence secretary Hilary Clinton and other top politicians were due to fly into the UK.