Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, July 14, 2012
Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhammaadka bishan uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain ciyaaraha olombikada dunida ayaa Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay ka qaybgasho ciyaarahan, waxayna sheegeen orod-yahannada ku ordaya magaca Soomaaliya inay natiijo wanaagsan kasoo hoyn doonaan ciyaarahaas.
Soomaaliya sida dalalka kale ee dunida oo kale waxaa uga qaybgalaya ciyaaraha olombikada laba ruux oo wiil iyo gabar ah, kuwaasoo lagu wado inay dhawaan u dhoofaan magaalada London si ay u matalaan Soomaaliya.
"Dalka aSoomaaliya kama aysan jirin dowlad shaqeynaysa muddo 20-sano ka badan laakiin rajadu waa mid wanaagsan... guulo ayaana kasoo hoyn doonnaa ciyaaraha oloymbikada," ayay tiri Zamzam Maxamuud Faarax oo 18-jir ah una ordayda dalka Soomaaliya.
Muddadii ay dagaallada ka socdeen Soomaaliya ayaa waxaa lagu guul-darreystay in loo dhiso dowlad rasmi ah, balse iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku nqoon doono waxaa hadda jirta rajo wanaagsan oo ku aaddan in Soomaaliya ay ka baxdo dowlad la'aanta.
Tababaraha orodyahannada Soomaaliyeed, Axmed Cali Abiikar oo isaga qudhiisa u soo orday Soomaaliya ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in orodyahannadan ay bedeli doonaan fikirkii ay dunidu ka qabto Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: dagaallo, macluul, abaaro iyo burcadbadeed.
"Niyaddeennu waa mid wanaagsan, waxaana doonaynaa inaan qof walba tusno in Soomaaliya ay weli ka nooshahay dhinaca ciyaaraha," ayuu yiri Abiikar oo intaas ku daray inuu ku kalsoon yahay in orodyahannada loo xulay inay dalka Soomaaliya ku metelaan ciyaaraha Olombikada ay lasoo laaban doonaan natiijo wanaagsan.
Sidoo kale, tababare Abiikar wuxuu sheegay in cayaarhanannada Soomaaliyeed ay muddo dheer helin wax qalab ah, maadamaa dalkooda ay dagaallo ka jireen, balse ay doonayaan inay rajadii Soomaaliya ee dhinaca olombikada ay dib u soo nooleyn doonaan.
"Ma lihin dhakhtar daweeya ciyaaryahannada haddii ay xanuunsadaan, waxaan u dirnaa goobaha caafimaadka ee Muqdisho," ayuu yiri tababaraha orodyahannada Soomaaliya ku matalaya ciyaaraha Olombikada.
Lixdii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa xero ku taalla Muqdisho tababarro ku qaadanayay afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasoo kala ahaa laba wiil iyo laba gabdhood iyadoo laga qaatay laba ruux oo kala ah wiil iyo gabar da'doodu kala tagay 18-sano iyo 20-sano.
Faarax oo ka mid ah orodyahannada Soomaalida ayaa sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ugu hanjabeen inay dili doonaan haddii uu ciyaaraha joojin waayo, isagoo xusay in markaas kaddib uu si hoose u tababaran jiray.
"Shacabku inta badan kuma faraxsana dharka ciyaaraha ee aan xirannahay - balse innagu ma doonayno inaan weligeen dhigno," ayay tiri Amaal Bashiir oo ka mid ah orodyahannada Soomaaliyeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)
7/14/2012 9:29 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL)- Carwadda caalamiga ah ee Buugaagta ee Hargeysa oo sanad walba la dhigo ayaa lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo xiisaynaya barnaamijyadda kala duwan ee ka socday hoolkaasi.
Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
7/14/2012 8:54 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayay xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Muqdisho ku yeeshay mas'uuliyiin ka socday dowladda KMG ah, AMISOM iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay.
Bannaanbax sababay dhimasho oo Maanta ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
7/14/2012 8:41 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax cansho ah oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca.
Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
7/14/2012 8:12 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si wadajir ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa ka codsaday inay soo dedejiyaan xulista ergooyinka.
Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)
7/14/2012 7:37 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa fariisin rasmi ah ka dhigtay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmo ka hor ay dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.
Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)
7/14/2012 5:16 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan University ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.
Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad
7/14/2012 5:13 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay gaadiid si sharci-darro ah jaad kusoo geliyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgallo laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab
7/14/2012 3:31 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.
Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
7/14/2012 3:23 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal tababaray ciidamada Dowladda Somalia oo sannadkii 2009 ay isaga iyo sarkaal kale oo baxsaday ku afduubeen magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
7/14/2012 3:09 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto inay kordhaan tirada dadka qaba cudurka daacuunka ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Caasimadda Somalia ee Muqdisho aanay wax gorgortan geli karin
7/14/2012 2:53 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay dalka Jimcihii shalay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn wax gorgortan geli kara, sidoo kale wuxuu ku baaqay in la taageero hannaanka looga baxayo xiolliga KMG ah.
Somali News
Leaked Monitoring group's report sheds light on widespread corruptionon by senior TFG officials
-
HOL
7/14/2012 3:43 PM EST
The monitoring group's report outlines how TFG misappropriated funds and the general mismanagement of passport production and key revenue generating authorities including Mogadishu Port and Airport Authority and funds received from leading financial companies and telecom operators.
Interview with Somali PM Abdi Ali by Hassan Santur of Hiiraan Online
-
HOL
7/14/2012 1:23 PM EST
Interview with Somali PM Abdi Ali by Hassan Santur of Hiiraan Online
U.N. warns of dire humanitarian situation in southern Somalia
-
Xinhua
7/14/2012 7:19 AM EST
The UN humanitarian agency has warned of a looming humanitarian situation in southern Somalia , describing it critical even after some parts of the country emerged from famine in 2011.
Terrorist planned attacks on Jewish areas
-
Barnet Press
7/14/2012 7:17 AM EST
A SENIOR al-Qaeda militant killed in Somalia last year planned to target Jewish communities, it has been claimed.
Somalia antipiracy tour extended
-
The Japan Times
7/14/2012 7:13 AM EST
The government said Friday it will extend by one year the Maritime Self-Defense Force's antipiracy mission off Somalia, which had been due to end July 23.
Ethiopia jails blogger, reporters, opposition figures
-
Reuters
7/14/2012 6:57 AM EST
Twenty Ethiopians, including a prominent blogger, journalists and opposition figures were jailed for between eight years to life on Friday on charges of conspiring with rebels to topple the government.
Al-Qaida: Now Vying For Hearts, Minds And Land
-
CPR News
7/14/2012 6:54 AM EST
The terrorist network has been testing a new strategy: trying to capture territory and win over citizens by governing them and providing social services. The group failed in Iraq, but is still trying in Somalia, Yemen and, most recently, in the northern deserts of Mali.
WHO: Cholera Rising in Southern Somalia
-
JT Weekly
7/14/2012 6:50 AM EST
The World Health Organization said Friday that cholera is on the rise in Kismayo, an al-Shabab-held town in southern Somalia.
Ethiopia, Kenya: World Bank Approves Controversial Loan
-
HRW
7/14/2012 3:45 AM EST
(Washington, DC, July 13, 2012) – The World Bank undermined the rights of indigenous peoples and the environment with its approval on July 12, 2012, of a US$684 million loan, Human Rights Watch, Friends of Lake Turkana, International Rivers, Survival International, and the Bank Information Center said today.
Tens of thousands need food aid in Somaliland
-
IRIN
7/14/2012 3:36 AM EST
HARGEISA (IRIN) - About 120,000 people in the coastal, mid- and far western regions of the self-declared republic of Somaliland require emergency food assistance after four years of failed rains, says Mohamed Mousa Awale, chairman of Somaliland's environment research and disaster preparedness agency.
French hostage in Somalia alive: Minister
-
Daily News
7/14/2012 3:11 AM EST
Paris, July 14 — A French intelligence agent who was taken hostage in Somalia three years ago is still alive, French Defence Minister Jean-Yves Le Drian has said.
Somali athletes defeat hardship for shot at glory
-
AFP
7/14/2012 2:42 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Running from war, dodging bullets and defying Al-Qaeda linked Islamist insurgents who ordered them stop: Somalia's determined Olympic hopefuls have overcome challenges few other athletes could even imagine.