Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, July 11, 2012
Hay'adda MSF oo sheegtay in Cudurka Daacuunka uu ka dillaacay Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya uu ka dilaacay cudurka daacuunka kaasoo saameyn ku yeeshay caruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool degmadaas.
Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa ah magaalo ay dad badan ku nool yihiin; iyadoo MSF ay sheegtay in jiraan khatarto ku aaddan inuu cudurkaas si dhakhso ah ugu faafo bulshada.
"Baaritaanno lagu sameeyay 10 bukaan ayaa muujinayaan in lix ka mid ah cudurka daacuunka. Marka laga yimaado 65 bukaan ah oo la daaweeyay illaa hadda, 40 ka mid ah ayaa waxay la dhibaateysan yihiin fuuq-bax daran waxayna u baahan yihiin daaweyn degdeg ah. Bukaankan itiisa badan waa caruur da’adoodu ay ka hooseyso sideed sano jir," ayaa lagu yiri warbixinta.
Sidoo kale, hay'addu waxay ku sheegtay warbixinteeda in cudurkan uu yahay mid si deg-deg ah ku faafi kara haddii si dhaqso ah lagu daweyn, waxayna MSF sheegtay in cudurkan uu yahay mid si dhaqso ah ku faafi kara haddii aan laga hortegin.
"Sida ugu habboon ee loogu hortegi karo cudurkan waa in la daweeyo goobaha laga helo biyaha la cabo iyo in nadaafadda la ilaaliyo," ayay MSF ku sheegtay warbixinta ay soo saartay.
MSF waxay sheegtay in xarun ay ku leedahay Kismaayo oo lagu daweeyo cudurka daacuunka ka dhigay 36 bukaan ah, iyadoo xaruntaas ay taallo 20 sariirood oo keliya, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay xarun weyn oo lagu daaweeyo tirada bukaan ee sii kordhaysa.
Laba ka mid ah shaqaalaha MSF ayaa laga afduubtay xerada Dhadhaab, dalka Kiinya bishii Oktoobar sanadkii hore, waxaana la aaminsanyahay in lagu haysto dalka Soomaaliya. Ilaa inta arintan laga xalinayo, balaarinta howlaha caafimaad ee MSF waxey ku eg yihiin ka hortagga xaaladaha degdegga oo kali, sida tan haatan ka jirta Kismaayo.
Hay'adda MSF waxay ka howlgashaa laba xarumo oo ku yaalla Kismaayo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda KMG ah iyo ciidamada ay gacanta ka helayso. Iyadoo xarumahan lagu daweeyo dadka qaba nafaqo-darrada iyo caruurta ay jadeecadu ku dhacdo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Mark Bowden oo Boosaaso gaarey, una kuur galay xaaladda barakacayaasha ku nool degmadaas (DAAWO SAWIRRO)
7/11/2012 9:18 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Wefdi ka socda UN-ka, oo uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarey.
Eng. Maxamed Axmed Salaax oo ah Musharrax u Taagan Xilka Madaxtinimada Somalia oo Maanta Boosaaso soo gaaray (SAWIRRO)
7/11/2012 9:08 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso waxaa maanta soo gaarey Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka. waxaana si diiran usoo dhoweeyey boqolaal kamid ah dadweynaha magaalada Boosaaso ku dhaqan.
Dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray Muqdisho
7/11/2012 9:03 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin warar sugan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le'eg tahay.
Kulan looga hadlayay Xoojinta Ammaanka oo Maanta lagu qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
7/11/2012 8:46 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta ka dhacay warshadii dharka ee Balcad, kaasoo ay ka qeyb-galeen waxgarad, nabadoonno iyo culumaa'uddiinka degmadaas.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladda KMG oo sheegay inuu ka qaybgalayo Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya
7/11/2012 7:33 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha soo socota ee sannadkan ka dhici doona Muqdisho.
Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM oo dagaal ku Qabsaday Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeellada Hoose
7/11/2012 6:44 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal ku qabsaday maanta deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ahayd saldhig weyn oo Al-shabaab ay ku tababarto xoogaggeeda.
Maxkamada Ciidaamada Qalabka Sida ee Dowlada KMG ah oo laga dalbaday inay Xafiis ka furato Magaalada Baladweyne
7/11/2012 6:34 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Maamulka gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka dalbaday dowladda KMG in la soo gaarsiiyo magaalada Baladweyne howlaha durbaba ay ka bilaawday gobolladii dhawaan laga xureeyay Al-shabaab maxkamada ciidamada qalabka sida.
Somali News
AMISOM moves to capture Al-Shabaab training camp
-
New Vision
7/11/2012 7:21 AM EST
Somali troops with the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have this morning launched an operation to capture Lanta‐Buro village, the site of a major al Shabaab training camp.
Police maintain Iranian suspects are dangerous
-
KBC
7/11/2012 5:47 AM EST
Police are maintaining that the two Iranians charged with being in possession of explosives materials are a danger to the public and should not be set free on bail.
Nigeria follows violent path of war-stricken Somalia
-
Human Events
7/11/2012 5:15 AM EST
Unless the Nigerian government quickly acts that African country could collapse into sectarian civil war and eventually become a terrorist haven like Somalia. That prospect creates a serious challenge for American interests in the region.
Foreign minister endorses country investment by diaspora
-
allvoices
7/11/2012 5:12 AM EST
Minister of foreign affairs of the Somali Transitional Federal Government,Abdullahi Haji Hassan has warmly welcomed the diaspora homing back and investing their country, news sources said.
UN Political Office for Somalia launches social media platforms
-
Sabahi Online
7/11/2012 5:07 AM EST
The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) has launched three new platforms for online engagement ahead of the country's scheduled transition to permanent government on August 20th.
Kenyans hire lawyer over US sanctions
-
Capital FM
7/11/2012 1:26 AM EST
NAIROBI, Kenya, Jul 10 – Three Kenyans who were slapped with sanctions by the US government last week over terrorism allegations have now instructed a lawyer to seek for more information from Washington.
From Mogadishu with love: a refugee's dream to see Zanzibar again
-
UNHCR
7/11/2012 1:24 AM EST
MOGADISHU, Somalia, July 10 (UNHCR) – Eleven years ago, Mohamed Adan Suleiman fled his home in Zanzibar's Pemba Island, fearing for his life during the post-election violence that ravaged Zanzibar, a territory of Tanzania on the Indian Ocean coast.
Aid Slow to Reach Somali Region Free of al-Shabab
-
VOA
7/11/2012 1:18 AM EST
RAS KAMBONI — In this Somali seaside village, the former headquarters of insurgent group al-Shabab is being converted into a hospital.
No-fly list man stranded in Bahrain returns to San Diego
-
AP
7/11/2012 12:58 AM EST
SAN DIEGO - A U.S. citizen of Somali descent who was stranded in Bahrain for two weeks after being told his name appears on the U.S. government's no-fly list has returned to San Diego.
Heightened concern over journalist safety in Somalia
-
Sabahi
7/11/2012 12:57 AM EST
Press rights organisations have expressed heightened concern over the rising number of attacks against Somali journalists after gunmen recently tried to assassinate Universal TV reporter Abdulkadir Omar Abdulle.
Somali United: 2012 Somali Week Champions
-
HOL
7/11/2012 12:50 AM EST