May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2012
Mareykanka oo xoog ku furtay Shaqaale Ajnabi ah oo kooxo burcadbadeed ah ugu afduubnaa Bartamaha Soomaaliya


Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Howlgal ay ka qaybgaleen lix diyaradood oo nooca qumaariga u kaca ah (Helicopter) oo Mareykanku leeyahay ayaa xoog ku furtay laba shaqaale ah oo u shaqeynayay hay'adda miino-baarista dalka Denmark ee DDG, kuwaasoo sannadkii hore laga afduubay degmada Gaalkacyo xilli ay doonayeen inay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha degmadaas.

Weerarka oo xalay saqdii dhexe la fuliyay ayaa wuxuu ka dhacay lagu magacaabo Far-caano oo u dhexeeya degmada Gallinsoor iyo degmada Cadaado waxaana lagu dilay sagaal ka mid ah kooxihii burcadda ahaa ee haystay labadan shaqaale.

Sidoo kale, wararku waxay xaqiijinayaan in shan ka mid ah burcadbadeedda iyagana gacanta lagu dhigay, balse lama sheegin khasaare soo gaaray ciidamadii howl-galka fuliyay.

"Labada qof oo badqaba ayaa laga soo saaray kooxaha burcadbadeedda ah gacantooda, waxaana isla xalay ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo diyaarado uu Mareykanku leeyahay," ayuu yiri suxufi ku sugan degmada Gaalkacyo oo la hadlay HOL.

Poul Thisted oo nin u dhashay dalka Denmark oo 60-jir ah iyo Jessica Buchanan oo ah gabar u dhalatay Mareykanka oo da'deedu tahay soddomeeyo iyo ruux Soomaali ah oo la socday ayaa waxay kooxaha burcadbadeedda ah ka afduubeen Koonfurta Gaalkacyo 25-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, waxaana tan iyo xilligaas ay ku jireen gacanta afduubayaasha.

Lama sheegin in howlgalka lagu soo furtay ruuxa Somaaliga ah ee la afduubnaa labadan qof iyo in kale. Iyadoo saraakiil Mareykan ah ay sheegeen in labadan qof ee ajnabiga ah la geeyay saldhig uu Mareykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Kooxaha burcadbadeedda ah ayaa waxay ku xireen sii daynta labadan qof ee ka tirsanaa shaqaalaha DDG malaayiin doollar oo madaxfurasho lacageed ah, basle ma jirin cid ka jawaabta lacagtaas.

Ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxay sannadkii hore dhammaadkiisa kula dagaalameen deegaannada ay maamulaan kooxaha xoogga looga furtay shaqaalaha DDG ka tirsanaa, waxaana iskahorimaadkaas lagu dilay laba ka mid ah kooxaha burcadda ah, waxaana lagu dhaawacay dhowr kale.

Guuxa diyaaradaha ayaa xalay oo dhan laga maqlayay gudaha degmada Gaalkacyo iyadoo waxayna ahayd markii ugu horreysay oo diyaarado joog hoose ku socda lagu arko degmada Gaalkacyo tan iyo markii la dhisay maamulka Galmudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

25/01/2012 11:06 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mr: Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa xalay casuumad u sameeyey Hotel Sumar Time ee magaaladda Hargeysa ninka kaliya ee ka badbaaday xasuuqii Jasiira ee ka dhacay magaaladda Muqdisho 17/7/1989, kuwaas oo ciidamaddii Soomaaliya ee dalwaddii Kacaanku dad aan waxba galabsan ku laysay.

25/01/2012 8:18 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Qaraxaan ayaa waxa lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay inuu dhaliyay khasaaro dhaawac oo soo gaartay ciidamadii la qarxiyay.

25/01/2012 8:01 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada DKMG ah ee Soomaaliya shalay oo Talaado ahayd uuna shir gudoominayay madaxweyne, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay dadka sida sharci-darradda ah ku heysta hantida qaranka Soomaaliya.

25/01/2012 7:17 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho xildhibaannada kasoo horjeeda afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay sheegeen inay maalmaha soo socda ka hadli doonaan qorshe howleedka baarlamaanka Soomaaliya.

25/01/2012 7:13 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha DKMG ah ee Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda maamulka Awdal State oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

25/01/2012 6:16 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Ergayga gaarka ah ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya horayna u ahaa madaxweynihii Gaana, Jerry John Rawlings oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta soo gaareen Muqdisho ayaa waxay kulan la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

25/01/2012 5:37 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Saraakiisha ciidamada huwanta ah gaar ahaana kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyay inay qabteen islamarkaana ay xabsiga u taxaabeen ilaa 10 nin oo isla ciidamada dowladda ka tirsanaa kuwaasoo ku eedeysan in ay u basaasayeen Xarakada Al-shabaab.

25/01/2012 4:24 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday subaxnimadii hore ee shalay xarunta maamulka gobollka Hiiraan, waxaa wali ka soo sii socda magaalada Beledweyne howlgal ay wada jir uga qeyb qaadanayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka gobolka.

25/01/2012 2:48 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Mid ka mid ah saraakiisha hay'adda bisha cas ee Soomaaliya SRCS, ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xalaadda isbitaalka ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho oo dhawaan uu hoobiye ku dhacay.

25/01/2012 2:47 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dalalka caalamka inay caasimadahooda dib uga furtaan Muqdisho, isagoo sheegay in isbedel iyo horumar weyn uu muuqdo.

25/01/2012 2:01 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay masjid ku yaalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin cid ku dhimatay qaraxaas.

25/01/2012 2:00 AM EST
Arbaco, Jannaayo 25, 2012 (HOL) − Waxaa guuldarro ku dhammaaday dadaallo lagu doonayay in lagu sii-daayo ruux dhalashadiisu Mareykan tahay oo billwogii toddobaadkan laga afduubay Koonfurta Gaalkacyo laguna haysto degmada Hobyo ee gobolka Mudug.