5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2012
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo sheegay in Puntland laga billaabay qoditaanka ceelkii shidaal ee ugu horreeyay

Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Putland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in Puntland laga billaabay qoditaanka ceelkii shidaal oo ugu horreeyay, isagoo xusay in dhaqaalaha kasoo baxa uu Soomaali dhan, gaar ahaan Puntland uu kaafiyo.

Dr C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay in howsha qoditaanka ceelka shidaalka laga bilaabay deegaanka Darroor, isagoo xusay inuu soo daahay riiggii lagu qodi lahaa, balse ay ku guuleysteen inay keenaan lana billaabo howsha qoditaanka shidaalka.

"Muddo ka badan 40-sano waxaa la sheegi jiray in Soomaaliya uu shidaal ku jiro, inkastoo muddo la isku mashquuliyay haddana Puntland waxay billowday inay dadaal u gasho sidii lagu soo saari lahaa khayraadka dabiiciga ah," ayuu yiri Dr Faroole.

Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in khilaaf badan uu ka dhashay howshan uuna isagu xalliyay dibna ay u galeen heshiis cusub kaasoo hadda gaaray heer la billaabo in ceelkii shidaal ee ugu horreeyay laga qado Soomaaliya.

"Marka howshan lagu guuleysto, waxaan doonaynaa inaan ka billowno howl kale oo gobolka Nugaal," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in dhaqalaha kasoo baxa shidaalkan lagu fulin doono howlo badan oo horay ay dhaqaale ugu waayeen.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in maamulkooda uu dad badan u qabtay falal ammaan-darro oo ka dhacay Boosaaso, wuxuuna eedda inteeda badan dusha ka saaray dadka reer Koonfureedka ah.

Mar la weydiiyay in dadka u dhashay Puntland ay mas'uul ka yihiin falal ammaanka wax u dhimaya ayuu sheegay inay taasi jirto balse looga badan yahay, wuxuuna difaacay in maamulkiisa uu celinayo dadka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya