Guddoomiyaha Ahlusunna ee Koonfurta Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga soo qayb-galay dalalka Denmark, Ethiopia iyo Kenya

Isniin, Feberaayo 06, 2012 (HOL) − Guddoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, Sheekh Max’ed Aw-libaax oo shalay soo gaaray gobolka Gedo, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka magaalada Doolow ee gobolka Gedo, isagoona ay diyaarad ka keentay dalka Denmark oo uga soo qeybgalay kulan, waxaana guddoomiyuhu uu shirkiisa jaraa’id uu uga hadlay arimo badan.

Sheekh Max’ed Aw-libaax ayaa sheegay in uu shirar uga soo qeyggalay dalalka Denmark, Kenya, gobollada Dhexe iyo weliba dalka Itoobiya, shirarkaas oo uu sheegay inay ku saabsanaayeen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya isla markaasina meesha looga saari lahaa xoogaga Al-shabaab ee iyagu inta badan gacanta ku haya gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Doolow oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna ee gobollada Koonfureed looga wadahadlay sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolka Gedo.

"Doolow shir ayaan ku galnay, wuxuu ku saabsanaa sidii loo hormarin lahaa gobolka, maadaama ay hada sii ciribtirmayaan nimankii dalka kusoo duulay, marka laga saaro gobollada Soomaaliya waxaan ka hadalnay sidii loo hanan lahaa amnigana loola wareegi lahaa," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii ku daray.

Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo shir wejigiisii koobaad uu ka dhacay magaalada Doolow, kaasoo la sheegay in ay soo qabanqaabisay dowladda Itoobiya, islamarkaasina looga hadlayay sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolalda Jubooyinka iyo Gedo, haseyeeshee arintaasi ayaa la sheegay in ay muran ka dhex dhalisay masuuliyiinta ururka Ahlusunna Waljameeca iyo kuwa dowladda KMG ee gobolkaasi, waxaana shirkaasi lagu ballansanyahay in wejigiisa labaad uu ka dhaco isla magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Dhanka kale mar gudoomiyaha wax laga weydiyay shirkii Garowe ka dhacay iyo weliba dowrka ay Ahlusunna ku lahayd, ayuu sheegay in shirkii Garowe uu ahaa mid looga hadlayay aayaha umadda Soomaaliya, isagoona sheegay in Ahlusunna ay marwalba u taagantahay wixii dan u ah umadda Soomaaliya.

"Ahlusunna Dowlada ayay kamid tahay, Xukuumadii ayay galeysaa, Baarlamankiina way galeysaa, sixiixna waan ku lahayn shirkii Garowe," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale Shirka dhawaan la filayo in uu ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska ayuu gudoomiyuhu sheegay in Ahlusunna lagu casuumay shirkaasi islamarkaasina ay ka qeybgali doonaan, diyaarna ay u yihiin in ay ka qeybgalaan.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyntii wax kama jiraan ku tilmaamay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhexgalay hogaanka sare ee Ahlusunna Waljameeca, waxaana uu sheegay in Ahlusunna ay leedahay hal hadaf, islamarkaasina uusan jirin khilaaf uu ka warhayo oo u dhexeeya hogaanka Ahlusunna Waljameeca ee gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya