8/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2012
Habeenkii Soomaalida Qatar iyo Abwaan Hadraawi (DAAWO SAWIRRADA)


Sabti, February 25, 2012(HOL): Dhawaan ayuu abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ku yimid booqasho rasmi ah dalka Qatar kaddib markuu ka helay casuumaad URURKA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE QATAR.

Safarkan waxaa fududeeyey Safaarada Somaaliyeed ee Qatar. Abwaanka waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Qatar iyadoo si isku duubni ah ay u soo wada dhaweeyeen dhamaan dadka ku hadla afka soomaliga ee ku u dhaqan wadankan.

Abwaanka oo weli ku sugan Qatar ayaa markii ugu horreysay taariikh ay dawladda Qatar ogolaatay Tiyaatarka qaranka ee Qatar in Soomaalidu ku qabsato bandhig. Abwaan Hadraawi ayaa noqday qofkii helay sharaftan. Arrinkan taariikhiga aha waxaa fududeeyey oo qeyb lixaad ka qaatay Safaarada Soomalida ee Qatar.

Waxaa habeenkaas ka soo qeyb galay munaasabadda dadwayne aad u tiro badan kuwaasi oo kala ah , aqoonyahano, ganacsato  Culima udiin  iyo dadwayne aad u tiro badan.  Dadweynihii ka soo qeyb aglay waxaa farxad wayn u ahayd inay helaan habeen gaar ah oo ay dhaqankooda  xusaan  sida jaaliyadaha kale ee waddankan Qatar ku nool


Munaasabaddan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay  looguna faaideystay  in dhaqanka somaliyeed lagu bilo lana odhan karo wuxu ahaa habeen dhaqaneed  ( Cultural event) .  Igu horeyntii waxaa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar Mudane Cumar Idris, isagoo sikooban uga hadlay qiimaha uu abwaan hadraawi u leeyay umada somaliyeed. Mudane Cumar idiriis wuxuu ku tilmaamay abwaanku inaanu ahayn oo kaliya hal abuur balse uu yahay Mufakir( philosopher ).   Waxaa xigatay masrixiyad kooban (Small Play), oo ardadu soo diyaariyeen. Kagadaal waxaa madasha lagu soo dhaweeyey mid ka mid ah abwaanada da’ada  yar  Abwaan Fartaag ee ku nool waddanka Qatar oo isna goobtaas kasoo jeediyay gabayo ay dadku aad ula dhaceen.

Intaa kaddib waxaa madasha la wareegay oo daadihinay barnaamijka qeytiisa dambe Prof. Afyare Abdi  Cilmi oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda ( political science) ka dhiga  jaamacadda Qatar. Professor-ka  ayaa si cilmiyeysan uga hadlay abwaan Hadraawi sida uu saamayn gaar ugu leeyahay Afka Somaaliga iyo guud ahaan kaalinta abwaan Hadraawi ku leeyahay sugaanka soomaaliyeed ka dibna si rasmi ah ugu soo dhaweeyey Abwaan Hadraawi inuu bulsahdiisa usoo bandhigo wuxuu u talagay. 


Dadweynihii ka soo qeyb galay ayaa sacab daqiidado badan socday kusoo dhaweeyey iyagoo gedi sara kacay Abwaanka iyo Halabuurka  Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi susoo dhaweeyey. Abwaanka oo qiireysan ayaa ka codsady dadweynah inay fadhiistaan kana mahad celiyey siday shacbiyadiisu u darajeysay.

Ugu dambeyntiina Abwaan Hadraawi oo sidii looga bartay canshar sugaameed mug weyn ka arqiyey kagana haqab-tiray bulshadiisa u oommaneyd afkooda hooyo iyo sugaantooda. Abwaanka  ayaa qaadaa dhigay maansadiisa intii ugu caansaneyd oo weliba ugu daray waxay codsadeen dadweynaha.

Abwaanka oo weli ku sugan Qatar ayaa la leh kulamo goono goono ah bulshaweynta Soomaliyeed ee ku dhaqan Qatar.


Hiiraan Online News Desk