5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2012
Madaxweyne Shariif oo isbadal ku sameeyay xilalkii ay hayeen wasiirro ka tirsan xukuumada KMG
Talaado, Feberaayo, 14, 2012 (HOL) – Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta xafiiska madaxweynaha dowladda KMG Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu sheegay in leysku badlay labo wasiir oo ka tirsan xukuumada KMG Soomaaliya.

Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda KMG ayaa lagu sheegay in isaga oo tixgalaya soo jeedinta R/iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo  qodobo ka mid ah axdiga KMG in uu xilalkii uu kala wareejiyay wasiirkii wasaarrada arrimaha dibada iyo kii Beeraha xukuumada KMG.

Max’ed Max’uud Xaaji Ibraahim oo horay u ahaa R/iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada ayaa hadda laga dhigay wasiirrka beeraha iyo xoolaha xukuumada Soomaaliya, halka wasiirrkii wasaarradaasi horay u hayay  C/llaahi Xaaji Xassan loo dhiibay wasaarrada arrimaha dibada.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in marka ay uu saxiixo madaxweynaha uu dhaqangal noqonayo isbadalkan kooban ee lagu sameeyay wasaarradaha arrimaha dibada iyo beeraha xukuumada KMG.

Talaabada leysugu badalay wasiirrada ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba siweyn loo hadal hayay, waxaana xusid mudan in mudnayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda beesha Digil horay uga digeen is badalkan noocan ah oo sida ay sheegeen carqaladeyn kara hab-ka ay ku dhisan tahay dowladda ee 4.5

Waa markii ugu horeysay muddo 6 biloowd ah oo isku shaandheyn noocan oo kale ah la sameeyo, ilaa haddana dowladdu kama aysan hadlin sababta ama baahida keentay isbadalka lagu sameeyay wasiirrada wasaarradaha arrimaha dibada iyo beeraha.

Max’ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.