3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag u Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo uu ku dhaawamay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka Alle baryaya la weeraro, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay weerarkaas oo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa.

"Arrin aad iyo aad u murugo badan ayaa xalay ka dhacday dalka Kenya, halkaasoo lagu weeraray dad muslimiin ah oo salaad tukanayay - qaarna ay ku dhinteen kuwo kale oo ay mas'uuliyad hayayna ay ku dhaawacmeen, waana arrin aad u fool xun oo aan islaamnimada iyo Soomaalinimada raad ku lahayn. Waxaana tacsi u diraynaa xukuumadda iyo shacabka Kenya, gaar ahaan dadkii ay ehelladooda dhimashada iyo dhaawacu kasoo gaartay weerarkaas," ayuu madaxweynuhu ku yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inay gacan ka siinayaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, isagoo ugu baaqay labada shacab inay iska kaashadaan sidii ay ku sugi lahaayeen amaanka magaalada Nairobi iyo magaaloooyinka kale ee ay inta badan ka dhacaan weerarrada noocan oo kale ah.

"Arrintan waxay na-tusaysaa labo waxyaabood; kuwaasoo kala aha:  in dadka noocaas ah aysan wax xushmad iyo qadarin ah u hayn shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya Kenya, waxaana codsanaynaa in hal meel looga soo wada-jeesto kuwa noocaas ah," ayuu madaxweynuhu ku yiri shirkiisa jaraa'id. Isagoo sheegay in Kenya ay ciidammo u soo dirtay Soomaalida si ay gacan uga geystaan nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Sidoo kale; madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in sababaha dhibaatooyinka u gaarayaan dalka Kenya ay tahay sidee u caawin kartaa Soomaaliya, isagoo xusay in xildhibaan Yuusuf Xasan uu ahaa mudane aad u jecel Soomaalida, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay dhaawaca gaaray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu shirkiisa jaraa'id uga hadlay safar uu ku tagay dalka Turkiga kaasoo qaatay muddo afar maalmood ah, wuxuuna xusay in madaxda Turkiga uu lasoo galay heshiisyo lagu horumarinayo Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan billlaaban doona sannadkan soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ammaanay taageeradii ay dowladda Turkiga ka fulisay Soomaaliya sannadkii hore xilli ay xalaad adagi jirtay, isagoo sheegay inuu xiriirka Soomaaliya iyo kan Turkiga noqon doono mid gaara meel sare.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/8/2012 9:52 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

12/8/2012 8:31 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo koox fanaaniin ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka.

12/8/2012 8:22 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada Puntland ayaa saddex toddobaad oo dheeraad ah ku kordhiyay mudada furashada xisbiyada oo xiligii horay loogu qabtay uu dhammaad ku dhow yahay.

12/8/2012 7:35 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dib loogu noqonayo tirintii sanaaduuqda degmadda Hargeysa ee natiijadeedu rabshaduhu ka dhasheen, isla markaana hakiyeen natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee lagu dhowaaqay.

12/8/2012 7:24 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xakun xabsi daa’in ah ku ridday maanta oo Sabti ah taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga dhexe kasii daayay 14 maxaabiis oo Al-shabaab ka tirsanaa.

12/8/2012 6:30 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa ka manuucay xarunta gobolkaas ee Dhuusomareeb in hub lagu dhex qaato iyo si macno-darro ah rasaas loogu dhex-rido, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa amarkaas.

12/8/2012 3:10 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in waxyaabihii ugu weynaa ee uu kala hadlay madaxda dalka Turkiga ay ugu muhiimsanaayeen sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa.

12/8/2012 3:07 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) - Shan qof ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay lala eegtay Xildhibaan Yuusuf Xasan xilli uu dadweeyne kula hadlayay masaajid ku yaal wadada loo yaqaan Jam street oo ka tirsan xaafadda islii ee magaalada Nairobi.

12/8/2012 3:04 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan ay talooyin iyo su’aalo ay isku dhaafsanayeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxemed Cismaan Jawaari iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan madaxda dalka iyo dhallinyarada Muqdisho.