4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay inuu wadahadal nabadeed la furayo Madaxweynaha dalka Eritrea Afeworki
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-jazeera ku sheegay inuu doonayo in wadahadallo uu la furo dalka ay dariska yihiin ee dalka Eritrea oo 12 sano uu kala dhexeeay dagaal ay ku dhinteen 70,000 oo qof.


Ma jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray hoggaamiyeyaasha dalka Itoobiya iyo hoggaamiyaha Eritrea, Issaisa Afeworki tan iyo markii uu go'ay xiriirkii labada dal sannadkii 2000 kaddib muran dhinaca xuduudda ah oo soo dhexgalay labada dal.

"Haddii aad i weydiiso, "Ma doonaysaa inaad Asmara tagto oo aad la fariisato Isaias Afeworki?" Waxaan ku oronayaa 'haa'," ayuu yiri r'aiisul wasaaraha Itoobiya isagoo intaas ku daray inuu ka shaqeynayo sidii uu u soo celin lahaa xiriirka Eritrea kala dhexeeyay dalkiisa wixii ka horreeyay dagaalka.

Labada dal ayaa waxay ku dagaalameen lahaanshaha deegaan lagu magacaabo Badme oo ku yaalla xuduudda labada dal, iyadoo dal walba uu sheeganayo inuu isagu leeyahay magaaladaas oo ay dad aad u yar ku nool yihiin.

"Arrintan muhiimadda noo leh waa inaan la dagaalanno faqriga. Arrinta kale ee noo ah muhiimka waa inaan sameysanno xiriir wanaagsan. Haddii aan labadeenna taas sameyno waxaan filayaa inay faa'iido weyn noogu jirto," ayuu Hailemariam mar kale yiri.

Eritrea ayaa ku guuleysatay sannadkii 1993-kii inay ka madaxbannaanaato Itoobiya inteeda kale, kaddib 30-sano oo ay arrintaas u dagaalamaysay, waxaase dalkaas ka jira xukun adag oo uu majaraha u hayo hoggaamiye aad u adag.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam ayaa xafiiska la wareegay bishii Ogoosto ee sannadkan kaddib markii uu geeriyooday Meles Zenawi oo in ka badan 20-sano ra'iisul wasaare ka ahaa Itoobiya.

"Hoggaamiyihii iga horreeyay Zenawi in ka badan 50-jeer ayuu i weydiistay inaan aado Asmara oo aan wadahadal la furo Isais Afwerki," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo saddexda sano ee soo socda hoggaamin doona Itoobiya.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxay midba midda kale ku eedeysaa inay taageerto jabhado labada dal la dagaalama, iyadoo Itoobiya ay bishii Maarso ee sannadkan weerartay saldhig milateri oo ay Eritrea leedahay, kaddib markii ay ku eedeysay dalkaas dilka shan dalxiise oo reer galbeed ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya