2014-10-31
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2012
Kooxdii Kubadda Cagta ee Dalka Eritrea iyo Dhakhtarkoodii oo dalka Uganda weydiistay Magangalyo Siyaasadeed



Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxda kubadda cagta ee dalka Eritrea iyo dhakhtarkooda ayaa weydiistay dowladda Uganda magangalyo, iyagoo sheegay in haddii ay dalkooda ku laabtaan ay ka baqayaan inay xaalad khatar ah la kulmaan.

Xulkan ayaa looga badiyay ciyaarihii dalalka Bariga iyo Bartamaha oo ka dhacay dalka Uganda, iyadoo kooxda oo la doonayay inay dalkooda ku laabtaan ay isaga baxsadeen hoteelkii ay deggenaayeen iyagoo ka baqdin qabay in dib loo celiyo.

"Waxay na weydiisteen magangalyo, waxayna noo sheegeen in xalaaddooda aysan wanaagsanayn oo aysan ku laaban karin dalkooda," ayuu yiri madax guddiga qoxootiga ee xafiiska ra'iisul wasaaraha dalka Uganda, David Apollo Kazungu oo la hadlay qaybta isboortiga ee BBC-da.

"Hadda waxay ku jiraan gacanta dowladda Uganda, wayna ku jirayaan inta laga diiwaan-gelinayo," ayuu David hadalkiisa ku daray, wuxuuna isagoo hadakiisa sii wata yiri: "Waxaan ka shaqeynaynaa sidii ay hay'adda Qoxootiga adduunka ee UNHCR ay u caawin lahayd 18 ruux ee Eritrea u dhashay."

Kooxda kubadda cagta ee dalka Eritrea ayaa niyad-jabay markii looga adkaaday tartannadii ay la galeen xulalkii ka socday Malawi iyo Rwanda ayna barbarro la galeen xulkii ka socday dalka Zanzibar.

Ciyaartoyda Eritrea ayaa lagu waday inay Arbacadii shalay dib ugu laabtaan dalkooda, balse Axadii ayaa laga waayay hoteelkii ay deggenaayeen, taasoo shaki weyn gelisay xiriirka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo kulamadan soo qabanqaabiyay.

Xoghayaha guud ee CECAFA, Nicholas Musonye ayaa ku tilmaamay inay wax aad u wanaagsan tahay in la helay warka ciyaartoydii ka socotay dalka Eritrea. Isagoo intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in xulalka Uganda ay caadeystaan inay dhuuntaan marka ay ciyaarahan oo kale ka qaybgalayaan, wuxuuna sheegay inay sidan oo kale dhacday sannadihii 2009 iyo 2010.

Maamulka Eritrea ayaa lagu eedeeyaa cadaadis joogto ah oo uu ku hayo shacabka dalkaas, taasoo loo maleynayo inay keentay in xulka dalkaas ay ka baqaan in si aan wanaagsanayn loola dhaqmo haddii ay ku laabtaan dalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

2012-12-06 10:42 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Shirkadda Diyaaradaha ee Oday express ayaa shaacisay in ay bilowday duulimaad joogto ah oo ay ku tagi doonto magaalada Beledweyne, iyadoona shirkadda ay markii ugu horeeysay shalay ka degtay garoonka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

2012-12-06 8:15 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku mamnuuceen ka ganacsiga hubka iyo direyska ciidamada, iyagoo sidoo kalena isku raacay in dib looga billaabo dekedda Muqdisho dhoofka xoolaha.

2012-12-06 7:52 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-jazeera ku sheegay inuu doonayo in wadahadallo uu la furo dalka ay dariska yihiin ee dalka Eritrea oo 12 sano uu kala dhexeeay dagaal ay ku dhinteen 70,000 oo qof.

2012-12-06 7:33 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, kaasoo ciidamada Baydhabo ay xalay kala baxeen gurigiisa.

2012-12-06 7:00 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof oo u badan haween ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo ciidamada dowladda ay markiiba halkaas howlgal ka billaabeen.

2012-12-06 5:13 AM EST
Khamiis, December, 06, 2012 (HOL) -- Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay rag hubeysan ku toogteen magaalada Baladweyne guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade, ciidamada maamulka gobolka iyo AMISOM waxa ay ku howlanaayeen sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada.

2012-12-06 3:57 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan waaaxda California ee xaafadda Islii ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todobo kale.

2012-12-06 2:27 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Guul ayaa ku dhawaaqay Arbacadii shalay in shacabka iyo xukuumadda dalka Turkiga ay siin doonaan Soomaaliya taageero weyn oo dib loogu dhisayo, si ay beesha caalamka ugu noqdaan tusaale.

2012-12-06 2:21 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa xalay fiidkii kulan looga hadlayay ammaanka ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay AMISOM.

2012-12-06 2:20 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Dadweynaha reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyey is-waydiinayey urur waliba gobolada codadka uu ka helay iyo inta musharax ee usoo baxday, ayaa waxa iska soo daba dhacaya degmooyinkii u dambeeyey natiijadii ay ururadu iyo xisbiyadu ka haleen.

2012-12-06 2:12 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Muqdisho nabaddoon iyo haweeney rayid ah, iyadoo dilka nabaddoonka la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo ay markii dambe u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.