Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Dec 6 , 2012
Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo Geysatay dhaawaca dad badan oo ay ku jiraan Haween ka Ganacsada Dahabka
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof oo u badan haween ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo ciidamada dowladda ay markiiba halkaas howlgal ka billaabeen.
Sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin cid dhimasho ay kasoo gaartay qaraxa, ayna gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakisan yihiin inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ee suuqa ka dhacay.
"Qarax ayaa dhacay, markiiba waxaan dibadda uga soo baxay dukaankeyga, waxay indhahaygu qabteen dhaawac dad badan oo ay haween ku jireen, ma garan karno sida ay wax u dhaceen, balse waxaa dhacay qarax xooggan," ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh dahablaha Bakaaraha.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in weerarka lala beegsanayay askar ku sugnaa suuqa, balse ay dad shacab ah waxyeello kasoo gaartay, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo weerar khasaarahan oo kale geysta uu ka dhaco suuqa tan iyo markii la doortay madaxda cusub ee dalka.
"Ciidamadu baaritaanno ayay wadaan, xaaladduna waa deggen tahay," ayuu yiri sarkaal booliiska Soomaaliya ka tirsan oo ku sugan suuqa, isagoo sheegay inaysan jirin cid ay hadda ku eedeynayaan inay qaraxaas ka dambeysay, basle ay baaritaan wadaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay hanato ammaanka guud ee Muqdisho iyadoo habeen hore ay ahayd markii hoobiyeyaal lagu weeraray degmooyin ku dhow madaxtooyada, weerarradaas oo sababay dhaawaca illaa shan qof oo rayid ah.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkan, iyadoo suuqa Bakaaraha uu yahay midka ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo la qaaday isbaarooyinkii yaallay waddooyinka Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Shirkadda Oday Express oo Bilowday Duulimaad Joogto ah oo ay ku tagi Doonto Magaalada Beledweyne
12/6/2012 10:42 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Shirkadda Diyaaradaha ee Oday express ayaa shaacisay in ay bilowday duulimaad joogto ah oo ay ku tagi doonto magaalada Beledweyne, iyadoona shirkadda ay markii ugu horeeysay shalay ka degtay garoonka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo isku raacay inaan laga ganacsan karin Dharka, Gaadiidka Ciidamada iyo Hubka
12/6/2012 8:15 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku mamnuuceen ka ganacsiga hubka iyo direyska ciidamada, iyagoo sidoo kalena isku raacay in dib looga billaabo dekedda Muqdisho dhoofka xoolaha.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay inuu wadahadal nabadeed la furayo Madaxweynaha dalka Eritrea Afeworki
12/6/2012 7:52 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-jazeera ku sheegay inuu doonayo in wadahadallo uu la furo dalka ay dariska yihiin ee dalka Eritrea oo 12 sano uu kala dhexeeay dagaal ay ku dhinteen 70,000 oo qof.
Maamulka Gobolka Bay oo Xabsiga dhigay sarkaal u shaqeynayay Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FOA
12/6/2012 7:33 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, kaasoo ciidamada Baydhabo ay xalay kala baxeen gurigiisa.
Kooxdii Kubadda Cagta ee Dalka Eritrea iyo Dhakhtarkoodii oo dalka Uganda weydiistay Magangalyo Siyaasadeed
12/6/2012 7:23 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxda kubadda cagta ee dalka Eritrea iyo dhakhtarkooda ayaa weydiistay dowladda Uganda magangalyo, iyagoo sheegay in haddii ay dalkooda ku laabtaan ay ka baqayaan inay xaalad khatar ah la kulmaan.
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku howlan sidii Amniga Beledweyne lagu sugi lahaa
12/6/2012 5:13 AM EST
Khamiis, December, 06, 2012 (HOL) -- Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay rag hubeysan ku toogteen magaalada Baladweyne guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade, ciidamada maamulka gobolka iyo AMISOM waxa ay ku howlanaayeen sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada.
Qarax ay dad badan waxyeello kasoo gaartay oo xalay ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
12/6/2012 3:57 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan waaaxda California ee xaafadda Islii ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todobo kale.
Madaxweynaha dalka Turkiga oo shaaca ka qaaday in XukuumaddaTurkiga ay gacan ka geysanayso dib u dhiska Soomaaliya
12/6/2012 2:27 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Guul ayaa ku dhawaaqay Arbacadii shalay in shacabka iyo xukuumadda dalka Turkiga ay siin doonaan Soomaaliya taageero weyn oo dib loogu dhisayo, si ay beesha caalamka ugu noqdaan tusaale.
Kulan looga hadlayay Ammaanka Guud ee Soomaaliya oo Dhexmaray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha AMISOM
12/6/2012 2:21 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa xalay fiidkii kulan looga hadlayay ammaanka ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay AMISOM.
Degmooyinkii u dambeeyey ee Somaliland oo la shaaciyay Natiijooyinkii ay ka heleen doorashooyinkiii golaha Deegaanka
12/6/2012 2:20 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Dadweynaha reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyey is-waydiinayey urur waliba gobolada codadka uu ka helay iyo inta musharax ee usoo baxday, ayaa waxa iska soo daba dhacaya degmooyinkii u dambeeyey natiijadii ay ururadu iyo xisbiyadu ka haleen.
Mid ka mid ah Ergadii soo xushay Baarlamaanka Somalia iyo Haweeney rayid ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
12/6/2012 2:12 AM EST
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Muqdisho nabaddoon iyo haweeney rayid ah, iyadoo dilka nabaddoonka la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo ay markii dambe u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.
Somali News
Visit to Kismayo, Somalia, shows al Shabab militants still roam countryside
-
McClatchy
12/6/2012 7:35 PM EST
KISMAYO, SOMALIA — On the four-mile stretch of paved road between the Kenyan army’s main base and the southern Somali city of Kismayo, a man leading a donkey cart whispered a short warning in the local Somali language as a fleet of Kenyan troops and allied Somali militiamen rolled past.
Somalia’s handicapped war victims suffer in silence
-
Al Arabiya
12/6/2012 7:33 PM EST
The different wars Somalia had witnessed over more than 20 years rendered many of its citizens handicapped in the absence of specialized centers to cater for their needs and help them reintegrate into society.
Three year commitment to assist
-
NRC
12/6/2012 7:31 PM EST
For the first time in history, the Consolidated Humanitarian Appeal (CAP) for Somalia was launched in the country’s capital, Mogadishu this week. Also for the first time, the CAP will be covering three years instead of one.
Millions of Charcoal Sacks Clutter Somali Town
-
VOA
12/6/2012 7:29 PM EST
KISMAYO — In the Somali port of Kismayo, local residents and business community leaders are calling on the United Nations Security Council to lift a ban on charcoal export so they can clear out several million sacks lying on the road between the new Kismayo International airport and the city center.
Sports Personality of the Year: Why Mo Farah should win
-
BBC
12/6/2012 4:03 PM EST
Each of the 12 Sports Personality of the Year contenders has an advocate explaining why they should win. Here, Mo Farah's coach Alberto Salazar backs the athlete.
One killed and 8 injured in blast in Nairobi’s Eastliegh area
-
HOL
12/6/2012 12:40 PM EST
One person was last night killed and 8 others injured when an explosion went off inNairobi’s California estate. Nairobi Area police boss Moses Ombati said that the blast was caused by a bomb.
Yacht crews cautioned against traveling near Somali coast
-
HOL
12/6/2012 10:05 AM EST
Nairobi, Kenya (HOL) - Yacht crews have been cautioned to beware of the continuing threat of piracy attacks off the Somali coast. According to a report released by The Africa Report, Admiral Potts pointed out that nearly every recorded attack on a yacht in the region has led to the crew being taken hostage and moved to Somalia....
Turkey Extends Great Support to Reconstruction of Somalia
-
JTW
12/6/2012 6:44 AM EST
Turkish President said Turkey extended a great support to reconstruction of Somalia with its public institutions and people, a great example to the international community.
15 beneficiaries of international protection depart for USA
-
Malta Today
12/6/2012 6:42 AM EST
15 persons from Somalia, Eritrea and Sudan all single adult men, except for one couple, granted protection in Malta left yesterday to start a new life in the United States, under the US Refugee Admissions Program (USRAP). On arrival, they will be assisted by NGOs in the U.S.A. to proceed to their final destinations in various states.
Eastleigh blast victim dies
-
Standard
12/6/2012 3:12 AM EST
NAIROBI; KENYA - One of the victims of the Wednesday night blast in Eastleigh, Nairobi has succumbed to injuries while undergoing treatment.
Casting the first stone
-
MN Daily
12/6/2012 3:10 AM EST
“A Stone Thrown at the Guilty,” a play in progress by Nuruddin Farah, examines the interior lives of Somali characters in the midst of two political uprisings.
Where overcrowding leaves children sick and depressed
-
The Advocate
12/6/2012 3:06 AM EST
FILSAN Warsame and Shamsun Ali have seven children. Each night they put them to bed, and each night they do their best. But space is scarce in their two-bedroom flat. Some of the children sleep with their parents, others on the floor or couch in the lounge room.
Bomb blast wounds eight in Kenyan capital
-
AFP
12/6/2012 3:01 AM EST
NAIROBI, Kenya (AFP) - A roadside bomb in the Kenyan capital wounded at least eight people, the latest in a string of attacks, police said Wednesday.
Somali with suspected terrorism ties pleads guilty
-
My San Antonio
12/6/2012 3:00 AM EST
A Somali man with suspected terrorism ties pleaded guilty Wednesday to lying to an immigration judge in a failed bid to get asylum, and to FBI agents investigating his links to terrorist groups.
UN launches three-year humanitarian appeal for Somalia
-
PressTV
12/6/2012 2:57 AM EST
The United Nations on Tuesday launched its three-year humanitarian appeal for Somalia, making it the first humanitarian gathering to ever take place in the anarchic nation in two decades.