4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Kulan looga hadlayay Ammaanka Guud ee Soomaaliya oo Dhexmaray Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha AMISOM

Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa xalay fiidkii kulan looga hadlayay ammaanka ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay AMISOM.

Kulankan ayaa waxay labada mas'uul uga hadleen xaaladda ammaan ee hadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa adeynta ammaanka guud ee Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay dowladdu gacanta ku hayso iyo iskaashi laga sameeyo



Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM inay sii wadaan taageerada ku aaddan sidii lagu xasilin lahaa dalka, ayna sii waddo gacanta ay siinayso ciidamada xoogga dalka iyo dib u dhiska hay'adaha dalka.

Taliyaha AMISOM ayaa isaugna dhankiisa ballanqaaday in ciidamada AMISOM ay sii wadi doonaan taageerada ay ku siinayaan xukuumadda iyo shacabkooda Soomaaliyeed sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen.


Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ku sugan yihiin Muqdisho iyo gobollada, Bay, Hiiraan, Jubbada Hoose iyo Shabeellooyinka iyagoo isku dayay inay wiiqaan awoodda Al-shabaab oo muddo isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan, waxaana kulankan uu imaanayaa iyadoo iyadoo habeen hore hoobiyeyaal lagu duqeeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya