4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 5 , 2012
Guddoomiyaha Isbaheysiga Nabadda Soomaaliya oo Dhaliilay iyo Talooyin u jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya
Arbaco, December 05, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha Isbaheysiga nabadda, C/llaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliilo kala duwan u jeediyay madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo dhinac kalena talooyin u soo jeediyay.


Cabdullaahi Sheekh ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in markii uu arkay in dalku marayo xaalad adag oo dhinacyada ammaanka, siyaasada dibada iyo gudaha uu go'aansaday inuu dhaliilahan u jeediyo madaxda dowladda, isagoo madaxda ku dhaliilay karti xumo iyadoo looga fadhiyay inay isbedel muuqda dalka ka hirgeliyaan.

“Madaxweynaha wuxuu kursiga ku tagay nidaamka 4.5 iyo doorasho baarlamaani ah, balse kuma imaan nidaamka asxaabta badan waxaa nasiib-darro ah in ragga hadda xubnaha ka ah xukuumadda ay u badan yihiin hal xisbi taasna waa qalad loo baahan yahay in la saxo,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga nabadda ayaa sheegay in ammaanka goobaha ay dowladdu gacanta ku hayso uu soo xumaaday wixii ka dambeeyay markii isbedelka siyaasadeed uu dalka ka dhacay, taasoo uu sheegay inay tahay arrin madaxda lagu dhaliili koro.

“Illaa hadda ma jiro qorshe ammaanka la xiriira oo dowladdu soo bandhigtay, waxaa la marayaa in saddex wasiir, gaar ahaan wasiirkii arrimaha gudaha iyo difaaca oo Marko tagay lagu weeraray jidka ayna sababtay inay kusoo laaban waayaan Xamar, dayuurad Helicobter ahna lagu soo qaaday, sidoo kale xalay madaafiicdii dhacaysay waan la maqlayay, waxaad moodaa inay luminayaan madaxda fursad gacantooda ku jirta oo dhiig badan uu u soo daatay,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh.

Guddoomiyaha Isbaheysiga nabadda ayaa dhinaca kale xusay in madaxda dowladdu ay wax ka dhihi waayeen tallaabadii Kismaayo looga soo celiyay wafdi ay halkaas u direen; taasoo uu ku sheegay inay tahay guul-darro siyaasadeed oo weyn.

“Waxaa gacanta ka baxay qaybo dalka ka mid ah; sida gobollada Jubooyinka oo ay gacanta ku hayso dowlada Kenya iyo jabhadda Raas-kambooni oo aan dowladda ka mid ahayn. Al-shabaab waxay ahayd Jabhad, waxaana saameyn ku leh degmadaas jabhad kale; arrintaas waa arrin khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyadoo aan og-nahay in sagaalkii November laga soo celiyay Kismaayo wafdi dowladdu u dirtay; dowladduna arrintaa si cad ugama hadlin, marka waxaa madaxda dowladda looga baahan yahay inay kala caddeeyaan in Kismaayo lagu darayo Kenya iyo in kale," ayuu yiri guddoomiyaha isbahaysiga nabadda.

Dhanka kale, guddoomiyaha isbahaysiga nabadda Soomaaliyeed wuxuu tallaabo wanaagsan ku tilmaamay isbaarooyinka ay dowladdu ka qaadday waddooyinka hase ahaatee ay muuqato inuusan jirin qorshe amni oo ciidammo la isku haleyn karo lagu geynayo goobihii laga qaaday isbaarooyinka.

“Dowladdu waxay baabi’isay isbaarooyinkii yaallay qaybo ka mid ah Muqdisho, waa tallaabo wanaagsan oo loo baahnaa laakiin waxaa muuqata inuusan jirin qorshe cad oo loogu talo-galay amniga goobihii laga qaaday isbaarooyinka oo aan la dhigin wax  ciidan amniga ilaaliya ah si uusan u iman (Security Vacuum); sidoo kalena ma jiro qorshe lagu dhaqan-celinayo maleeshiyooyinkii isbaarooyinku u yaalleen,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha isbaheysiga nabadda wuxuu madaxda dowaldda u soo jeediyay inay sharciga ku saleeyaan tallaabooyinka ay qaadayaan, isla markaana ilaaliyaan inaan lagu xad-gudbin dadka iyo dalka bulshadana ugu adeegaan si ay ku jirto daacadnimo iyo cadaalad; aysanna lumin fursadda dowladnimo ee hadda ay Soomaalida ku horkacayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya