4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
Kooxda Xuquuqda Aadamaha ee EU-da iyo Maraykanka oo Somaliland kala hadlay ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Warbaahinta
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — Kooxda Xuquuqda aadamaha ee Midawga Yurub, Norway, Switzerland iyo Maraykanka ayaa ku baaqay in wax laga qabto meel ka dhacyada ka dhanka ah saxaafadda iyo weliba xad-gudubyada ku dhisan jinsiga.

Kooxdani waxay sidaa ka sheegeen shir jaraa'id oo ay  ku qabteen hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay booqasho hal maalin ah ku yimaadeen Somaliland, isla markaana wada hadalo iyo is-xog-waraysi la yeesheen xukuumadda Somaliland iyo weliba ururada bulshada.

“Kooxda xuquuqda aadamuhu waxay ku bogaadiyeen Somaliland horumar laga sameeyay xagga xuquuqda aadamaha gaar ahaana abuuritaanka Guddida Xuquuqda aadamaha  iyo weliba xoojinta dhinaca garsoorka. Sidoo kale waxay kooxda xuquuqda aadamuhu Somaliland ku hambalyaysay  doorashada golaha deegaanka ee sida nabdoon uga qabsoontay Somaliland. Waxaanay kooxdan rajaynaysaa in hawlahani nabdoon sii socon doonaan,” ayuu yidhi Tomas Konigsfeldt oo ah u qaybsanaha arrimaha siyaasadda ee Safarada Denmark ee magaalada Nairobi oo ka hadlay waxyaabihii ay la kulmeen intii ay Somaliland joogeen oo ay ka mid tahay meel ka dhacyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha kor u qaadida ka qayb galka haweenka ee xagga siyaasadda iyo weliba arrimo kale.

Waxaanu intaas ku daray  “Kulamadayadii waxaanu ku gorfaynay dhawr arrimood oo la xidhiidha xuquuqda aadamaha oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka iyo madax banaanida warbaahinta. Taasi oo ay kooxdu u aragto inay fure u tahay horumarka. Waxaanay kooxdu danaynaysaa arrimahaasi oo ay ka mid yihiin dil, xadhig iyo garaacis lagula kaco suxufiyiinta, taasi oo khatar ku ah warbaahinta. Waxaanay kooxdu dawladda Somaliland ugu baaqaysaa in la sameeyo xeer warbaahineed oo lagaga maarmo in loo raaco xeerka ciqaabta”.

Sidoo kale, waxay ka hadleen xeerka sirdoonka Somaliland oo qodobo ka mid ah warbaahinta caqabad ku ah, waxaanu yidhi “ Waxa kale oo ay kooxdu  qiimeyn ka yeelatay arrimaha la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo madax banaanida saxaafadda gaar ahaana xeerka hay'adda sirdoonka qaranka oo ay awoodaheedu muquuninayaan warbaahinta. Waxaanay kooxdu dhiirigelinaysaa in arrinta xeerkaasi laga fiirsado. Waxa kale oo ay kooxdu ku baaqaysaa in warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland la taageero gaar ahaana xagga horumarinta”.

Kooxdani waxa kale oo ay sheegeen in sanadkan la doonayo in dumarku ka qaybqaataan arrimaha danta guud, isla markaana dumarka iyo dadka laga tiradda badan yahay wakiilo  ku yeeshaan goleyaasha deegaanka, maadaama oo ay adag tahay inay cod ku soo baxaan.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay  gudoomiyaha guddida madaxa banaan ee xuquuqda aadamaha Qaranka  Somaliland Marwo: Fatxiya Xuseen, waxaanay sheegtay in dumar badani ka sharaxan yihiin goleyaasha deegaanka, balse ay adag tahay inay soo baxaan,  isla markaana loo baahan yahay in kooto ahaan doorashadda lagu siiyo dumarka, waxa kale oo ay sheegtay in saxaafadu tahay mid aan laga maarmayn, isla markaana horumarka wadanka qayb ka qaatay sidaa darteed ay tahay in si fiican loola shaqeeyo.

“Guddi ahaan waxaanu nahay guddi madax banaan oo ay baarlamaanku soo ansixiyeen, isla markaana Guddidani u taagan tahay in gargaaridda qof kasta oo la dulmo, sidaasi darteed cid kasta oo cabanaysa haddii ay noqoto dadweynaha reer Somaliland iyo haddii ay tahay dadka kale ee ku soo barakacayba inay ogaadaan in aanu la qabanayno oo aanu diyaar u nahay inaanu wax la qabano” ayay tidhi Farxiye mar ay sharaxaysey guddida madaxa banaan ee xaquuqda aadamaha Si kastaba ha ahaatee, kooxda u doodaysa xuquuqda aadamaha ayaa xukuumadda somaliland kala hadlay ilaalinta xaquuqda adaamaha, gaar ahaan dumarka, dadka laga tirade badan yahay iyo saxaafadda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland