4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dalbaday Xukuumadda inay u soo gudbiso tirada ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah

Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiistay xukuumadda Soomaaliya inay soo gudbiso tirada ciidamada dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah ee mushaarka la siiyo, iyadoo dalabkan uu imaanayo xili mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya ku shaqeynasyso sannadka soo socda 2013.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Mahad C/lla Cawad oo shalay ka hor-hadlayay mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay inaysan ogeyn tirada ciidamada dowladda ee mushaarka la siinayo, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay inay ogaadaan tirada ciidamada.

“Waxaan ka codsanaynaa xukuumadda gaar ahaan wasaaradda maaliyadda inay baarlamaanka u soo gudbiso tirada ciidamada dowladda ee mushaarka la siiyo iyo shaqaalaha rayidka ah,” ayuu yiri mudane Cawad oo sheegay in xukuumadda laga sugayo soo gudbinta arrintan marka uu baarlamaanku kasoo laabto fasaxiisa.

“Bisha Maarso ee soo socota saddexdeeda ayaan ka sugaynaa xukuumadda inay soo gudbiso tirada ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee mushaarka qaata iyo weliba qoondooyinka dhaqaale ee ay wasaaraddu u sameysay,” ayuu guddoomiye ku xigeenku hadalkiisu ku daray.

Codsiga baarlamaanka ee ku aaddan in loosoo gudbiyo tirada ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay la ansixiyay miisaaniyadda dowladda oo la sheegay in ciidamada dowladda lagu kordhiyay lacagaha loo qoondeeyay in ka badan 11 milyan oo doollar.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay galayaan fasax laba bilood ah, iyadoo go’aanka lagu dalbanayo tirada ciidamada iyo shaqaalaha uu noqonayo kii ugu horreysay oo uu baarlamaanku u gudbiyo xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya