4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Mudaharaad lagu diidan yahay dib u dhaca ku yimid Doorashadii Maaryariinta Degmada Saylac oo ka dhacay Boorama
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee gobolka Awdal, kaasoo lagu diidan yahay sababta illaa hadda loo dhaarin laayahay maayarkii iyo ku xigeenkii degmadda Saylac oo khilaaf ka taagan yahay.

Dadweynahan ka cadhaysan arrintaasi, ayaa sheegay in aanay ogolaanayn inay xukuumaddu soo farogaliso golaha deegaanka ee Degmadda Saylac oo ay sheegeen in ilaa hadda uu khilaaf ka taagan yahay golaha Deegaanka ee degmadaasi oo tan iyo sidii loo soo doortay aan la dhaarin maayarkii ay iska dhex doorteen.

Dadweynaha isku soo baxa balaaadhan sameeyey ayaa kala xidhay wadooyinkii magaaladda Boorame, kuwaas oo dhagxaan  iyo taayiro ku gubay wadooyinka, waxaanay si weyn uga soo horjeeddaan dib u dhaca ku yimid doorashadii maayarnimada ee magaaladda Saylac, kaas oo ay sheegeen inay xukuumaddu farogalin ku hayso, waxaanay sheegeen inay u madax banaan yihiin doorashooyinka golaha deegaanka ee Saylac.

Sidoo kale, waxa uu mudaharaadkan oo kale ah ee lagu diidan yahay farogalinta xukuumadda Somaliland ee golaha deeganka Saylac shalay ka dhacay magaaladda Saylac, kaas oo markii dambe ciidamaddu kala dareeriyeen.

Mudaharaadyadan isa soo taraya ee dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka gobolka Awdal ku diidan yihiin inay xukuumaddu soo farogaliso doorashadda golaha  deegaanka ee Saylac iyo cidda ay u dooranayaan maayarnimada ayaa ka dambaysay ka dib markii xildhibaanadda golaha deegaanka ee Saylac toban ka mid ahi iska dhex doorteen maayarkii degmadaasi, halka todoba xildhibaana doorashadaasi qaadaceen, taasina waxay keentay in ilaa hadda aan la dhaarin golaha deegaanka ee degmadda Saylac oo ahayd inuu goobjoog ka noqdo marka doorashadda galayaan gudoomiyaha gobolka Selel, isla markaana gudoomiyuhu ka soo qaybgalin shirkaasi ay iskugu yimaadeen tobanka xildhibaan ee maayarka dooranayey.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda xal lagama gaadhin khilaafka ka taagan golaha deegaanka ee Saylac, waxaana degmada Saylac ku sugan wefti wasiiro ah oo u tagay sidii ay usoo af jari lahaayeen arrintaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland