Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Dec 30, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyay Miisaaniyadda ay Xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda ee 2013
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Xidlhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka soo socda ee 2013, kaddib markii wax ka bedel lagu soo sameeyay qodobbadii ay mudanayaashu doodda adag ka yeesheen kuna diideen isla todobaadkan miisaaniyada.
Wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan oo shirkii lagu ansixiyay ka qayb-galay ayaa sharraxaad ka bixiyay qodobbada ay xildhibaannadu horay uga doodeen isagoo sheegay in dhaqaalihii ku baxayay xafiisyada madaxda dowladda la dhimay, sidoo kalena la kordhiyay dhaqaalaha ciidamada ay mushaar ahaan iyo gunno ahaan u helayaan.
Mudane Suleymaan wuxuu sheegay in qoondooyinka ciidamadu lagu kordhiyay lacag ka badan tahay 11 milyan oo doollarka Mareykanka ah, sidoo kalena horumarinta adeegyada bulshada ayuu sheegay inay ku kordhiyeen lacag ka badan 31 milyan oo doollar.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in qorshayaasha u degsan uu yahay inay jaan-gooyaan canshuuraha laga qaadayo alaabooyinka dalka soo galaya, isagoo xusay in jaangoyntan ay saameynayso guud ahaan dekedaha iyo garoomada dalka ee ay wax kasoo dagaan waxna ka dhoofaan.
"Waxaan rajo weyn ka qabaan in lixda bilood ee sannadka soo socda ugu horreysa uu dhici doono isbedel weyn oo dhinaca daqliga ah," ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in la canshuuri lagu saleyn doono sharciyada dalka.
Intaas kaddib ayaa waxaa cod gacn-taag ah loo qaaday miisaaniyadda dalka oo ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanku ka hadleen, iyadoo inta badan mudanayaashii kulanka soo xaadiray ay ogolaadeen miisaaniyadda wax ka bedelka lagu soo sameeyay.
"Xidlhibaannadii kulanka soo xaadiray oo tiradoodu ahayd 177 waxaa miisaaniyadda ogolaatay 176 mudane, cid diidday ma jiro, hal mudanena wuu ka aamusay," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir-guddoominayay.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ansixinta miisaaniyadad ay u cuskadeen qodobka 69-aad ee dastuurka dalka, isagoo intaas ku daray in miisaaniyaddu ay tahay mid ansax ah oo ay xukuumadda Soomaaliya ku howlgeli karto.
Ansixinta miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso sannadka soo socda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo shalay xildhibaannada baarlamaanku ansixiyeen wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo uu ra'iisul wasaaruhu soo magacaabay ansixintii golaha wasiirrada kaddib.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Wasiirka Amniga Puntland oo ka digay in Hoteellada lagu qabto shirar looga soo horjeedo Ammaanka Puntland
12/30/2012 1:14 PM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Bari, islamarkaana uu kasoo qayb galay wasiirka amniga Puntland, ayaa maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo xukunno ku ridday 17 qof oo ku eedeysnaa Burcad-badeednimo [Sawirro]
12/30/2012 11:30 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari - laanteeda magaalada Boosaaso- ayaa maanta xukuno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal ay tiradoodu 17 qof gaareyso, kadib markii lagu helay ku lug lahaanshaha falal Burcad-badeednimo.
Mudaharaad lagu diidan yahay dib u dhaca ku yimid Doorashadii Maaryariinta Degmada Saylac oo ka dhacay Boorama
12/30/2012 6:59 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Mudaharaad balaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee gobolka Awdal, kaasoo lagu diidan yahay sababta illaa hadda loo dhaarin laayahay maayarkii iyo ku xigeenkii degmadda Saylac oo khilaaf ka taagan yahay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Isbitaalka Baladweyne kulan wadatashi ah kula yeeshay Qeybaha Bulshada
12/30/2012 6:56 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay gudaha isbitaalka magaalada Baladweyne qeybaha bulshada iyo guud ahaa shaqaallaha isbitaalka, kadib markii ay joojisay hay’adda MSF gacantii ay sii jirtay isbitaalka guud ee Baladweyne.
Manhajka waxbarashada Puntland oo lagu kordhiyay Maadooyinka gaar ah oo ka hadlay Nabadda iyo Dimuqraadiyadda
12/30/2012 6:44 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa laba maado oo cusub kusoo kordhiyay waxbarashada dugsiyada ku yaalla deegaannada uu maamulkaas ka taliyo, waxaana labadan maaddo ay kala yihiin maaddo lagu baranayo nabadda iyo mid lagu baranayo dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha Puntland : "Muddo aanu kororsanay ma jirto, shantii sano ee nalagu doortay baan dhameynaynaa"
12/30/2012 5:43 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu soo xirayey olole caafimaad oo lagu qabtay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay arimo badan.
Magacyada Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday shilkii ka dhacay dalka Liibiya oo lasoo bandhigay
12/30/2012 1:02 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Iyadoo shalay ay ku dhinteen dalka Liibiya 16-qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyada maydadkii dadkaas, iyadoo xaaladda saddex ka mid ah kuwii dhaawacmayna aad looga dayrinayo.
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Maalin walba kasoo dagaan dad ka imaanaya Magaalada Nairobi
12/30/2012 1:00 AM EST
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ah mid aad u mashquul badan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay iyadoo halkaas ay kasoo degaan maalin walba in ka badan 100 qof oo kasoo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Somali News
President receives Yemenis kidnapped by Somali pirates in 2010
-
SABA
12/30/2012 5:10 PM EST
SANA’A, Dec.29 (Saba)- President Abdo Rabbo Mansour Hadi received on Saturday morning the Yemeni citizens, who were freed from the ship hijacked by Somali pirates off the Yemeni coast, since March 29,2012.
Farah 'blown away' by CBE accolade
-
SN
12/30/2012 11:58 AM EST
Double Olympic gold medallist Mo Farah was "blown away" at being made a CBE, but admits missing out on a top spot in the BBC's Sports Personality of the Year was "difficult" to get his head around.
Mo problems! Farah quizzed by customs officials in 'terror bungle' at US airport
-
Mail Online
12/30/2012 6:02 AM EST
Olympic hero Mo Farah has revealed how he was quizzed by US border officials on suspicion of being a terrorist.
How Is Canada's Somali Population Faring?
-
Huffington Post
12/30/2012 5:58 AM EST
The Somali Canadian population is "undergoing the growing pains of integration into the larger Canadian mainstream" according to the head of the influential Somali Canadian Congress. Ahmed Hussen, a noted activist and newly minted Ottawa University lawyer, reflects on mentorship, influence and integration for Canada's large Somali population and also looks ahead to his home country. I sat down with him to ask few questions.
Chiefs arrested after failed police post attack
-
Standard
12/30/2012 5:56 AM EST
GARISSA; KENYA: A chief and his assistant were on Saturday evening arrested in Garissa after a botched attack on an Administration Police (AP) post in Bulla Argi.
Twenty Somalis killed in accident on Khums-Zliten road
-
Libya Herald
12/30/2012 5:55 AM EST
Tripoli, 29 December: Twenty Somali migrants were killed early this morning and another 55 injured as they were being smuggled from Ajdabiya into Tripoli, sources told the Libya Herald today, when the secret compartment of the lorry they were hidden in collapsed on top of them.
Somalia grants al-Shabaab amnesty
-
PressTV
12/30/2012 5:53 AM EST
The Somali government has given the local Al-Shabaab fighter group a 100 days ultimatum to end fighting and lay down its arms.
KDF breathe new life into Kismayu
-
UNPOS
12/30/2012 5:50 AM EST
Incredibly, this small port city, a study in ruin in a country that is a parable of ruin, boasts two airports.
Prince Saud Al-Faisal receives Somalia’s Minister
-
SPA
12/30/2012 5:46 AM EST
Prince Saud Al-Faisal, Minister of Foreign Affairs, receives Somalia’s Minister of State Fareh Abdulqader Mohammed at his office in Riyadh on Saturday. Fareh handed to Prince Saud a message from Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud to King Abdullah, Custodian of the Two Holy Mosques. — SPA