Hiiraan Online
Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Dec 3 , 2012
Maxaabiis loo shakisnaa inay Xarakada Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Xabsiga Magaalada Baydhabo ka baxsaday
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Maxaabiis ku jirtay xabsiga degmada Baydhabo oo looga shakisnaa inay ka tirsan yihiin Al-shababa ayaa ka baxsay xalay xabsiga degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo mas'uuliyiinta gobolkaas ay u sheegeen warbaahinta inay socdaan baaritaanno ku aaddan qaabkii ay maxaabiistu ku baxsatay.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in maxaabiistan in maxaabiistan ay jabsadeen darbiga xabsiga, halka kuwo kalena ay sheegayaan in loo fududeeyay inay xabsiga ka baxsadaan, iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo xabsiga baydhabo ay ka baxsadaan maxaabiis loo haystay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.
"Maxaabiista baxsatay way jiraan, tiradooduna waa 20 qof, baaris lagu ogaanayo qaabkii ay ku baxsadeen ayaana socota, wixii baarista kasoo baxana saxaafadda ayaan u soo gudbiniaynaa," ayuu yiri C/fitaax Geeseey oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Baydhabo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay howgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan oo lala xiriirinayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ka sameynayay degmada Baydhabo iyo daafaheeda.
Mas'uuliyiinta xabsiga degmada Baydhabo ayaan ka hadlin baxsashada maxaabiistan lala xiriirinayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, inkastoo wararku ay sheegayaan in weli xabsigaas ay ku jiraan maxaabiis kale oo qaarkood loo haysto inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.
Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ka qabsadeen Xarakada Al-shabaab horraantii sannadkan, iyadoo tan iyo xilligaas ay Al-shabaab falal kala duwan ka geysanayeen gudaha iyo daafaha degmadaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xoghayihii 1aad ee safaaradda Djibouti ee China oo geeriyooday
12/3/2012 1:51 PM EST
Isniin, December 03, 2012(HOL): Safaaradda Soomaalida ee Shiinaha iyo dhammaan Ganacsatada iyo ardeyda soomaaliyeed ee ku nool dalka China ayaa si wada jir ah, tacsi ugu dirayo Ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka.
Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2013
12/3/2012 1:29 PM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) —Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayay uga doodeen arimo dhowr ah oo ay kamid tahay miinaasiyadda sanadda 2013.
Ururka Shaqaalaha Aduunka oo Tababar usoo Xiray Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir
12/3/2012 12:52 PM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) —Ururka shaqaalaha aduunka ee (ILO) ayaa maanta tababar usoo xiray xubno katirsan maamulka gobolka banaadir.
Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya si su'aalo loo weydiiyo
12/3/2012 8:15 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan si ay u weydiiyaan su'aalo ku saabsan Xarigga wariyihiin BBC-da iyo kireyntii safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga.
Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa oo ka hadlay Doorashada Somaliland iyo Degmooyin la shaaciyey Natiijadii kasoo baxday
12/3/2012 8:14 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa ee u kuurgaliyey qaabka doorashooyinka golaha deegaanku uga dhaceen Somaliland ayaa sheegay inay si nabadgalyo ah uga dhacday doorashaddu Somaliland, isla markaana dadku si weyn ugu soo baxeen codeynta, taas oo keentay inay ka bataan dadkii doorashooyinkii hore codeen jiray,kuwaas oo dadweynaha somaliland ku tilmaamay qaar u bislaaday dimuqraadiyada iyo usoo bixitaanka doorashooyinka.
Roobab Mahiigaan ah oo Burburiyay Guryo ay ku noolaayeen Barakacayaal oo ku yaalla Muqdisho iyo Duleedkeeda
12/3/2012 7:46 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Roobab xooggan oo Sabtidii lasoo dhaafay ka da'ay magaalada Muqdisho ayaa burburiyay guryo ka sameysan cooshado oo ay ku noolaayeen barakacayaal deegaannadoodii uga soo tagay dagaallo iyo abaaro ku dhuftay sannadkii hore.
Dibadbax lagu Taageerayay Amarkii Madaxweynaha Somalia ee lagu qaaday Isbaarooyinka oo ka dhacay Muqdisho
12/3/2012 7:27 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayay amarkii isbaarada lagu qaadayay ee uu dhawaan bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho.
Wafdi isugu jiray Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan oo maanta lagu weeraray inta u dhexeysa Degmada Marko iyo Shalaanbood
12/3/2012 6:56 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Wafdi isugu jiray wasiirro iyo saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayay wqasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ayaa lagu weeraray maanta duleedka degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo kusoo jeeday Muqdisho, kaddib markii ay soo gabagabeeyeen safar ay ku joogeen degmada Marko.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeer Hoosaadyada Baarlamaanka
12/3/2012 6:26 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaasyada uu baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo aanay jirin cid kasoo horjeesatay iyo cid ka aamustay.
Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Bardaale
12/3/2012 3:17 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay dagaal culus oo shalay gallinkiii dambe ku dhexmarya duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.
Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya oo sheegay in Toddobadka soo socda la soo dhameystirayo Ciidamada Jabuuti
12/3/2012 3:09 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lasoo dhameystiri doono toddobaadka soo socda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo sheegay in ciidammo Ammaanka suga la geynayo Gobolka Shabeellada Hoose
12/3/2012 2:53 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliyeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in degmada Marko iyo deegannada kale ee gobolka Shabeellada hoose ay kaga sugan tahay dowladda Soomaaliya la geyn doono ciidammo suga ammaanka oo isugu jira booliis iyo nabad-sugid.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Codka u Qaadaya Xeer hoosaadyada ay ku shaqeynayaan
12/3/2012 2:15 AM EST
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta codka u qaadaan xeer hoosaadyada ay ku shaqeynayaan muddada uu baarlamaankan jiray oo afar sano ah, iyadoo horay ay mudanayaashu uga doodeen xeerkan.
Somali News
Kismayo's Sheikh Ahmed Mohamed Islam 'Madobe
-
The Africa Report
12/3/2012 6:25 PM EST
After a year of attacking Al-Shabaab strongholds in Somalia with his Ras Kamboni Brigade and Kenyan support, Madobe now holds the keys to the Kismayo. A tense time lies ahead for the Sheikh, a charismatic leader with an eclectic past.
Seychelles sends 9 Somali pirates home to prison
-
Sabahi
12/3/2012 6:24 PM EST
Seychelles has sent the first batch of convicted Somali pirates back to Somalia to serve their sentences, AFP reported Monday (December 3rd).
Kenyan firm makes inroads in Somalia as peace opens business window
-
Business Daily Africa
12/3/2012 6:22 PM EST
Improved security in Somalia has opened business frontier for Kenyan companies with a standardisation firm setting base in Mogadishu.
20 militants sought after Somalia escape
-
UPI
12/3/2012 6:18 PM EST
BAIDOA, Somalia, Dec. 3 (UPI) -- A search was on for 20 members of al-Shabaab who escaped from a jail by walking through its front gate in the Somali town of Baidoa, officials said.
East Africa: EU Naval Force Embarks Somali and Djiboutian Media on Board Flagship
-
EU NAVFOR
12/3/2012 6:17 PM EST
On Sunday 02 December 2012, the Force Commander of the EU Naval Force Somalia - Operation Atalanta (EU NAVFOR), Rear Admiral Enrico Credendino, met with Somali and Djiboutian media on board the EU NAVFOR flagship, ITS San Giusto, off the Somali town of Berbera.
IKEA Foundation-funded education project helps Somali refugees become self-sufficient
-
UNHCR
12/3/2012 6:09 PM EST
KOBE CAMP, Ethiopia, December 3 (UNHCR) - Bonkay may seem a bit old to be going to school but, like her classmates, the 23-year-old mother and refugee missed out on a proper education in her village in central Somalia's Bay region.
Judge: US has jurisdiction in Somali murder trial
-
AP
12/3/2012 3:33 PM EST
NORFOLK, Va. —A federal judge has refused to dismiss murder charges against three Somalis accused of pirating a yacht and killing four Americans on board, ruling the U.S. can prosecute the slayings because they happened in international waters outside Somalia's control.
Fugees Rapper Sues Director Over Pirate Footage
-
Inquisitr
12/3/2012 9:44 AM EST
Fugees rapper Pras Michel is suing the director of a Somali pirate documentary over some of the film’s footage, according to TMZ. Michel was reportedly taken hostage by a group of pirates off the coast of Eastern Africa back in 2009...
Al-Shabaab militias warn Dutch Parliament over blasphemy
-
Daily Monitor
12/3/2012 4:59 AM EST
Al-Shabaab plans to strike the Dutch Parliament, after the country’s legislators abolished blasphemy.
Illegal migration on the rise in Somaliland
-
IRIN
12/3/2012 4:53 AM EST
HARGEISA, 3 December 2012 (IRIN) - More youths from the self-declared republic of Somaliland are illegally migrating from the region, mainly due to a lack of jobs, traveling through Ethiopia, Sudan and Libya on their way to Europe, say officials.
Freed S. Korean sailor describes 19-month ordeal as living like animal
-
Yonhap
12/3/2012 4:48 AM EST
CAIRO/SEOUL, Dec. 2 (Yonhap) -- Describing the ordeal at the hands of Somali pirates for 19 months, a South Korean sailor said Sunday he and his three colleagues lived the lives of caged "animals" and didn't have access to clean water.
Polls in Breakaway Somalilan 'transparent': Observers
-
AFP
12/3/2012 4:46 AM EST
NAIROBI (AFP) - Local elections in the self-declared nation of Somaliland were "largely peaceful and transparent", international observers said Monday, but noted concern at "weaknesses in safeguards against multiple voting."
Heavy rains leave Somali IDPs without shelter
-
PressTV
12/3/2012 4:43 AM EST
Hundreds of internally displaced persons (IDPs) camping in and around the Somali capital Mogadishu have been left without shelter after heavy rains pounded city.
Polls in breakaway Somaliland 'transparent': observers
-
AFP
12/3/2012 4:36 AM EST
NAIROBI (— Local elections in the self-declared nation of Somaliland were "largely peaceful and transparent", international observers said Monday, but noted concern at "weaknesses in safeguards against multiple voting."