4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha Xukuumadda


Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaashii uu dhawaan soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo ka koobnaa 25-xubnood.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixinta ka hor waxay dood adag ka yeesheen wasiir ku xigeenada iyo wasiir-u-dowlayaasha; waxaana xildhibaanadu ay muujiyeen kala fikir duwanaasho adag, iyagoo ugu dambeyna cod la geliyay xubnaha cusub ee golaha wasiirada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir-gudoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isagoo sheegay in 138 mudane ay ogolaadeen wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha, iyadoo ay diideen 12 xildhibaan oo keliya, mana jirin cid aamustay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha la ansixiyay maanta ay yihiin kuwo howshooda wadan kara, iyadoo lagu dhaariyay xubnahaas oo dhan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ku dhaarteen inay ku shaqeyn doonaan si waafaqsan sharciga dalka.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiiradiisa iyo ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha ayaa la kala ansixiyay sadex jeer, waxaana tani ay ka dhigaysaa markii ugu horeysay oo baarlamaan Soomaaliyeed uu sadex jeer kala ansixiyo golaha wasiirada oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha.

Xukuumada Soomaaliya oo shaqeyn doona afarta ee soo socta ayaa waxaa hor-yaala howlo fara badan oo ay ka mid yihiin inay dalka kusoo rogto amaan iyo inay  dib u dhis ku sameyso dalka kadib labaatan sano oo burbur ah.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Soomaaliya