Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Dec 29, 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Adeeg Internet oo 3G ah, kaasoo aan horay uga jirin Muqdisho
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howgalka dalka ayaa soo bandhigtay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka December adeegga cusub oo Internet kaasoo lagu magacaabo 3G (Third Generation) oo aan horay uga jirin Koonfurta Somalia.
Adeeggan cusub ee Internet-ka ah ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Muqdisho oo aad ugu dhibaateysnaa helitaanka Internet fudud oo gaar ah, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay soo bandhigi doonto dhawaan adeegyo kale oo casri ah.
"Hormuud waxay maanta u soo bandhigtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho adeegga Internet ee 3G, waxayna tani qayb ka tahay howlaha ay shirkaddu ugu adeegayso shacabkeeda," ayay mas'uuliyiinta Hormuud ka sheegeen xafladda furitaanka adeeggan.
Mas'uuliyiinta u hadlay shirkadda Hormuud ayaa hadalkooda ku daray inay shirkaddu mar walbha ku dadaali doonto qancinta macaamiisheeda iyo la socodka horumarka Technology-da caalamka, kuwaasoo uu qayb ka yahay adeegga 3G.
"Adeeggan cusub wuxuu macaamiisha u sahlayaa inay helaan Internet ku filan, maqal iyo muuqaal (Video Conference) kaasoo ardayda jaamacaduhu ay uga faa'iideysan karaan adeegga waxbarashada, iyagoo macalimiin ku sugan caalamka daafihiisa ku xiraya ardayda ku sugan dalka gudihiisa," ayaa lagu yiri war loogu talo-galay ay soo saartay shirkadda Hormuud.
Shirkadda Hormuud ayaa waxay horay u soo bandhigtay adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: E-Voucher, EVC Plus, GPRS Internet iyo adeegga Dalmar oo dhamaantood u sahlaya shacabka Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa'iideystaan isgaarsiinta casriga ah.
Ugu dambeyn, shirkadda Hormuud waxay u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan macaamiisheeda inay mar walba u sahaminayso adeegyo hufan oo ay ku raaxaystaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xasilinta Muqdisho, Qorshaha Jubbooyinka iyo Wadahadallada Somaliland
12/29/2012 1:22 PM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khudbad u jeediyay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: qorshaha dowladda ee Jubbooyinka, xasilinta Muqdisho, wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, wafdiyo ay dowladdu u dirayso gobollada dhexe iyo Puntland iyo mushaaraadka ay qaadanayaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Nabaddoon muddo Toddobaad ah ku xirnaa Magaalada Garoowe ee Puntland oo Maanta dib u helay Xoriyaaddiisa
12/29/2012 11:33 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe waxaa maanta laga sii daayey dhowr qof oo uu kamid yahay nabadoon Yaasiin Cabdisamed, kuwaasoo ay dhowaan ciidamada Boolisku xireen.
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha Xukuumadda
12/29/2012 9:17 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaashii uu dhawaan soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo ka koobnaa 25-xubnood.
Dowladda Soomaaliya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqday inay Caawiyaan Dadka ku dhibaatysan Jubbada Hoose
12/29/2012 7:48 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa hay'adaha gargaraka ugu baaqday inay caawiyaan shacabka ku dhibaateysan goboka Jubbada Hoose, kaddib markii ay Kismaayo ku tageen laba maalmood oo booqasho ah.
Dab geystay khasaare isugu jirta naf iyo maal oo kacay deegaanno ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
12/29/2012 7:19 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Wararka kasoo baxaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoog leh oo sababay khasaare naf iyo maalba leh uu ka kacay dhul keymo ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Maxaas.
Xildhibaanno cusub oo loo dhaariyay kuraas ay iska casileen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya
12/29/2012 7:09 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta laba xidhibaan oo cusub, kuwaasoo bedelay xildhibaanno ka mid ahaa baarlamaanka oo iscasilay, iyadoo aan la ogeyn sababta keenta inay iska casilaan kuraastooda.
Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Jid laami ah oo laga hirgaliyey Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa
12/29/2012 7:03 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta xadhiga jaray waddo laami ah oo isku xidhi doonta xaafadda Daami, Sheikh Nuur ilaa suuqa dhexe ee magaaladda Hargeysa. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay saldhig loo dhisayo xaafadda Daami oo ay maalgalinayso shirkadda qurxinta guryaha ee Al Nuur, Waxaana munaasibad balaadhan oo halkaasi lagu qabtay ka soo qaybgalay madax dhaqameedka xaafadaasi, siyaasiyiin, qaybaha kala duwan ee bulshadda ee xaafadaasi iyo madaxda sare ee xukuumaddda. Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay la taliyaha madaxweynaha ee beelaha laga tirada badan yahay Mr:Barkhad jaamac Xirsi, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay madaxweynihii u horeeyey ee soo booqda xaafadaasi, isla markaana laamidani tahay laamidii u horeeyey ee xafadaasi laga hirgaliyo taas oo u ku bogaadiyey madaxweynaha.
Hay'adda MSF oo muujiyay walaaceeda ku aaddan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta Xeryaha Dhadhaab-Kenya
12/29/2012 6:12 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ka digtay khatar caafimaad oo ka dhalan karta xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkasoo aanu ka jirin adeeg caafimaad oo dabooli kara baahida halkaas ka jira, ihyadoo dowladda Kenya ay ku cadaadinayso in ka badan 100,00 oo ah Soomaali ku nool magaalooyinka waaweyn ee Kenya inay tagaan xeryaha qoxootiga.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la sii wado Adeegyada ee uu Isbitaalka Baladweyne u hayo Bulshada
12/29/2012 5:33 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay hay’adda MSF Swiss si kama dambeys ah u joojisa howlihii ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arinta ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan.
Safiirka Yemen ee Somalia oo Puntland soo gaaray iyo Bad-maaxiin dalkaas u dhashay oo shalay Boosaaso ka dhoofay
12/29/2012 5:31 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa ka dhoofay badmaaxiin u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muddo 3 sano ku dhow u afduubnaa kooxo ka tirsan Burcad-badeedka Soomaalida.
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Magaalada Tripoli ee Xarunta dalka Liibiya
12/29/2012 1:23 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 18 ruux oo 16-qof oo ka mid ah ay yihiin Soomaali ayaa ku geeriyooday 32-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay ku duntay shamiinto saarnayd gaari si dhuumaaleysi ah loogu waday oo kasoo qaaday deegaan lagu magacaabo Ajdaadiyah kuna socday magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya.
Mid kamid ah Nabaddoonnada Puntland ee Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo
12/29/2012 1:22 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Nabadoon kamid ahaa kuwa ugu caansan Puntland, laguna magacaabi jirey Maxamuud Aadan Dalab (Goobe) ayaa xalay fiidkii lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Dowladda Nayjeeriya oo heshiis ay Qayb uga noqonayso howgalka AMISOM la saxiixatay Ururka Midowga Afirka
12/29/2012 1:19 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Dowladda federaalka dalka Nigeria ayaa sheegtay inay heshiis is-afgarad ah oo ay qayb uga noqonayso howl-galka AMISOM la saxiixatay ururka Midowga Afrika, iyadoo Nayjeeriya ay sheegtay in 140 askari oo booliis ah kaga sugan yihiin Muqdisho.
Somali News
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Marwa Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo London soo gaartay
-
HOL
12/29/2012 10:52 PM EST
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Marwa Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo London soo gaartay
Alarm over government directive to relocate all refugees living in urban areas to camps in Kenya.
-
HOL
12/29/2012 9:31 PM EST
Médecins Sans Frontières(MSF), a non governmental organization which runs a hospital in Dadaab, said that the deteriorating condition is worsening and that the impact of the government's order is disastrous.
26 Somali and Eritrean migrants die in the Libyan Desert
-
AfricaReview
12/29/2012 8:11 AM EST
Reports from Libya confirmed Friday that 23 Somalis and three Eritreans being smuggled through the north African country died when a vehicle they were in overturned. The dead included youths and women heading to Tripoli with the ultimate goal of reaching Europe....
U.S. ‘terror’ and gun laws extended to Somalia
-
FBN
12/29/2012 6:36 AM EST
Brooklyn, NY - Three men from Somalia, Ali Yasin Ahmed, Madhi Hashi and Mohamed Yusuf, appeared in Federal District Court here, Dec. 21, on charges of violating U.S. “material support for terrorism” and gun laws.
Minneapolis: Somali children's center is likely to replace 400 Bar
-
Star Tribune
12/29/2012 6:25 AM EST
After the 400 Bar went dark a month ago, some light has finally been shed on the future of the Minneapolis West Bank live-music mainstay. The club's historic two-story building has been sold and will likely be converted into a community center for Somali-American children, according to Abdighani M. Ali, the building's new owner.
On the bloody trail of Al-Shabaab terror attacks
-
Daily Nation
12/29/2012 3:12 AM EST
October 15, 2011 Kenya declares war on al-Shabaab. Defence Minister Yusuf Haji and his Internal Security counterpart George Saitoti say military would pursue al- Shabaab across the border.
Alleged militants detained in Djibouti charged by U.S. court
-
Reuters
12/29/2012 3:09 AM EST
WASHINGTON, Dec 28 (Reuters) - In a sign of evolving U.S. legal tactics in counter-terrorism operations, two Swedish citizens and a former British citizen detained in Africa in August have been charged in a U.S. court with supporting Somali-based Islamist militants.
Gulf of Aden Security Review - December 28, 2012
-
Critical Threats
12/29/2012 3:06 AM EST
Horn of Africa: U.S. State Department issues travel warning to Somalia; unknown gunmen kill a Kenyan police officer in Mandera, Kenya; al Shabaab militants are reinforcing Bulo-Burde, Hiraan region; five al Shabaab militants defected in Baidoa, Bay region; Kenyan forces catch al Shabaab leader in Kenya; al Shabaab says it is behind the nighttime artillery attacks on Mogadishu; Somali police capture two suspected al Shabaab militants in Guriel, Galgudud region; al Shabaab kills seven civilians in Elbur, Galgudud region; Nigeria to send 140 police officers to Somalia
AP Interview: UN official says humanitarian crises are escalating and outstripping donor money
-
AP
12/29/2012 3:03 AM EST
Crises driven by drought, floods and conflicts are escalating and there isn't enough money to help the more than 50 million struggling people from Syria to Africa's parched Sahel region, The director of U.N. humanitarian operations said.
One Year Later, MSF Remembers Two Colleagues Killed in Somalia
-
MSF
12/29/2012 3:02 AM EST
December 29, 2012 - It is with great sadness that Doctors Without Borders/ Médecins Sans Frontières (MSF) remembers that one year has passed since our two colleagues, Philippe Havet and Andrias Karel Keiluhu (“Kace”), were brutally murdered in Mogadishu.