Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Dec 2 , 2012
Hay’adda la dagaalanka Cudurka HIV/AIDS oo soo bandhigay Heerka uu Somaliland ka marayo fiditaanka cudurkan halista ah
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Hay’ada la dagaalanka cudurka halista ah ee HIV/AIDS ee Somaliland ayaa ka warbixisay halka uu dalka ka marayo cudurkaasi iyo xakameenta ay ku sameeyeen fiditaanka cudurkaasi.
Agaasimaha Hay’adada la dagaalanka cudurka HIV/AIDS, Maxamed Daahir Khayre oo ka hadlayay fidista cudurkan ayaa sheegay in muddo sannadd ah cilmi-baadhis ay sameeyeen ku ogaadeen in bishiiba laga helo 58-qof, taasoo u baahan in wacyigelin balaadhan laga galo, isla markaana dadweynaha looga digo halista uu leeyahay cudurkan.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in dhawrkii sanadood ee u dambeeyey korodhka fidintaanka cudurka aanu iska bedelin 1.3% Somaliland oo dhan, balse dadaal badan oo ay galeen xuduudaha iyo magalooyinka ay wacyigelin balaadhan ka siiyeen, isl markaana ay arrintana ka wada shaqeeyaan dawladaha ay xuduudda wadaagaan Somaliland.
“Marka aanu eegno cilmi baadhis aanu samaynay wali waxa uu taagan yahay 1.3%, marka aanu dib u eegno dadka la baadhay 2004-tii ayuu bilaabmay hawsha baadhitaanku iyo wax ka qabadka HIV/AIDS, mudadaasi ilaa maanta wakhtigii u dhaxeeyey waxa la baadhay 20,758 (Labaatan Kun todoba boqol iyo sideed iyo konton ), kuwaasi oo kala ahaa 10,316 (toban kun sadex boqol iyo lix iyo toban) dumar ah, 10469 (Toban kun afar boqol iyo sagaal iyo lixdan) rag ah, waxaana mudadaasi dadka la baadhay laga helay 1,575 (Kun shan boqol iyo shan iyo todobaatan) dumar ah, ragana waxa laga helay 1,239 (Kun laba boqol iyo sagaal iyo sodon qof), waxaana isku gayn mudadaasi laga helay xanuunkan 2,814 (Laba kun sideed boqol iyo afar iyo toban qof ),” ayuu yidhi agaasimaha xarunta HIV/AIDS.
Mas'uulkan oo hadalkiisa si wata ayaa intaas ku daray: “Marka aynu eegno sannadkan xogaha gobolada nooga soo xarooday, bishii labaad ee sanadkan ilaa bishii sideedaad waxa iyana la baadhay 20,351 marka aad eegto mudadaasi dhawrka sanadood ahayd iyo inta sideed bilood ahayd inta la baadhay aad moodo inay isku dhaw dhaw yihiin 13, 271 ayaa dumar ahaa, waxaana rag ahaa 6, 880, marka aynu eegno waxa laga helay xanuunkan, 266 dumar ah, waxaana rag noqday 195, isu gayntoodu waa 461, marka aynu isku qaybino sideedaa bilood iyo wadarta guud ee la helay mudadaasi, macnaheedu waxa ay noqonaysaa in celcelis ahaa 58 qof oo qaba HIV ayaanu bil walba aragnaa”ayuu yidhi.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in dagaal badan iyo ka hortag badan ay ka galeen gobolada iyo xuduudaha, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay ka foojignaadaan cudurkan,isla markaana ay mar walba is baadhaan si ay xaaladoodda ula socdaan.
Qaar ka mid ah dadka qaba cudurkan oo madashaasi ka hadlay, ayaa hay’adaha, xukuumadda iyo shacabka ka codsaday inay hoos u eegaan oo ay wax la qabtaan, isla markaana aan lagu samayn wax takoor ah.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Faahfaahin ku Saabsan Booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ee Magaalada Baladweyne
12/2/2012 12:33 PM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wafdi uu horkacayay wasiirrka wasaarrrada gaashaandhiga dalka Jabuuti C/qaadir Max’ed Kaamil ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
Xaalad deganaasho oo laga soo sheegayo deegaan Mareer ee gobollka Galguduud oo ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beelleed
12/2/2012 5:52 AM EST
Axad, December 02, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.
Wafdi ka Socda Dalka Jabuuti oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
12/2/2012 5:15 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka Sameeyay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
12/2/2012 4:19 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) --Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howgallo ballaaran ka fuliyay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen dad badan.
Xafiiska HOL ee Magaalada London oo Booqday Xarunta Laga Maamulo Howlgallada Ka Dhanka ah Burcad Badeedda Soomaaliya (Warbixin)
12/2/2012 4:06 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Maalintii Khamiista bishuna ahayd 29/11/2012 ayay Hiiraan Online u suurto gashay in ay booqato xarunta laga maamulo howlgalka ka dhanka ah burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.
Xaalad deganaasho oo laga soo sheegayo deegaan Mareer ee gobollka Galguduud oo ay ku dagaallameen labo maleeshiyo beelleed
12/2/2012 3:45 AM EST
Axad, December, 02, 2012 (HOL) -- Wararka saakay laga hellayo deegaanka Mareer ee gobollka Galguduud oo maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray labo maleeshiyo beelleed oo ku wada dhaqan deegaannka, ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad degnaasho.
Somali News
38 dead in Somali clan violence
-
UPI
12/2/2012 5:35 PM EST
DHUSAMAREB, Somalia, Dec. 2 (UPI) -- A clan clash in Somalia's central Galgadud province left 38 people dead and many more injured, witnesses said.
East African Community defers Somalia's request to join
-
Sabahi
12/2/2012 5:34 PM EST
The East African Community (EAC) decided Saturday (December 1st) to defer membership applications from South Sudan and Somalia, Tanzania's The Guardian reported.
Call to give asylum-seekers a chance to contribute
-
Australian
12/2/2012 5:32 PM EST
RAHMA Abdirahman has a blunt message for the Gillard government. The Somalian-Australian, 26, believes a scheme to place asylum-seekers in the community without work rights will lead to crime, disengagement, poverty and an increase in illegal work.
At least 26 killed in Somali clan battles
-
AFP
12/2/2012 5:47 AM EST
MOGADISHU — Fierce fighting between heavily armed rival clans in war-torn Somalia has killed at least 26 people in a dispute over grazing land and water, officials said Sunday.
From Somalia to Pittsburgh: Bantu refugees find cause to celebrate new lives in America
-
Post Gazette
12/2/2012 5:45 AM EST
The women gather in brightly colored fabrics. The men, many in suits and ties, test the sound equipment and ask the women to hush the babies and children. A council of elders sits on stage. It is a Sunday afternoon at the University of Pittsburgh's O'Hara Student Center, and Pittsburgh's Somali Bantus are having their first community celebration.
Somaliland rises from the rubb
-
IPS
12/2/2012 5:43 AM EST
Hargeisa - As Somalia starts to emerge from its quagmire of instability and chaos, 20 years of relative peace and stability are starting to pay dividends for its close neighbour Somaliland, as this November it struck its first major oil deal since seceding from Somalia in 1991.