Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inuu farsamo ahaan diyaar u yahay Wax walba oo Suuro-gelinaya Nabad-gelyada Buuhoodle

Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

Weftigan reer Buuheedle ee madaxweynaha la kulmey, ayaa lagu shegay ujeedada socdaalkoodda inay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaanu sheegay in madaxweynuhu kulankaas hadal kooban uu ka jeediyey ugu muhadnaqay weftiga reer Buuhoodle aqbalaadda nabaddii uu madaxweynuhu hore ugu baaqay.


“ Madaxweynuhu waxa uu marka hore soo dhaweeyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi, waxaanu intaas ku daray “ Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay”.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.

Madaxweynaha waxa kulanakasi ku wehelinayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.


Weftigan uu hogaaminayo gudoomiyaha SSC Saleebaan Xagto toosiye ayaa habeen hore ka soo kicitimay Buuhoodle, halka wefti wasiiro iyo gudoomiyaha UCID iskugu jira kaga hortageen deegaanka Oog, halkaas oo markii dambe iskugu yimaadeen degmadda Caynabo oo shir balaadhan ku qaateen, waxaanay xalay isku soo raaceen magaaladda Hargeysa si ay madaxweynaha ula kulmi lahaaayeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.

8/8/2012 3:29 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.