Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Madaxweyne Shariif oo qorsheynaya inuu kala diro Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee Dowladda Soomaaliya
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, isagoo isla maantana la kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho.


Xaflad lagu qabanayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu kaga dhawaaqo inuu kala diray baarlamaankii hore, sidoo kelena uu kaga hadlo baarlamaanka cusub ee imaanaya oo kuraastiisu noqon doonto 275.

Tallaabadan ayaa waxaa loo fasirtay inay tahay mid lagu soo dhaweynayo xubnaha baarlamaanka cusub, kuwaasoo bishan 20-keeda soo dooran doona mas'uuliyiinta baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif iyo ra'iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa ku dhawaaqay inay ka mid yihiin murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo xubno kale oo fara badan ay u taagan yihiin qabshada xilka madaxnimo ee dalka.

Kala-dirista baarlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa waxay imaanaysaa xilli uu jiro muran ku saabsan habka xulista baarlamaanka, iyadoo beelaha qaarkood ay aad uga cabanayaan qaabka loo xulayo baarlamaanka cusub, iyadoo qaarkood ay sheegayaan in lacago laaluush ah la bixinayo.

Haweenka ayaa iyaguna qaba shaki ah inaysan heli karin saamigii ay ku lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ka cabanaya sababo ay ka mid yihiin in beelaha qaarkood ay diideen inay haweenka u soo xushaan ka mid noqosha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa qaarkood waxay sheegayaan in faragalin lagu hayo qaabkii ay xubnaha baarlamaanka cusub u soo xuli lahaayeen, iyagoo sheegay inaysan u madaxbannaaneyn howshooda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa laga yaabaa inuu ka hadlo maanta arrimo kale oo ka mid ah siyaasadda dalka, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa diyaargarow loogu jiro doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa laba toddobaad kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/8/2012 8:40 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa maanta dib u howlgeliyay suuqii xoolaha lagu iibin jiray ee Dayax, isagoo sheegay in ammaanka suuqaas uu yahay mid la isku halleyn karo.

8/8/2012 8:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah qalinka ku duugay qorshe lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka Soomaaliya afarta ee soo socota, kaasoo ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil hore.

8/8/2012 7:35 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo ka mid ah wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo guddoomiyihii SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle.

8/8/2012 7:26 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

8/8/2012 7:12 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne diyaaradii ugu horreysay oo muddo afar sano ah kaddib dawo u sitay hay’adda MSF ee maamusha isbitaalka guud ee magaalada gobolka Hiiraan.

8/8/2012 4:19 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Muqdisho ka dhacaysa 20-ka bishan ee lagu soo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

8/8/2012 3:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay Muqdisho soo gaareen ciidammo booliis ah oo hoos imaanaya AMISOM, kuwaasoo kala shaqeyn doona booliiska Soomaalida sidii lagu xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho.