Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo xalay la kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan kula yeeshay madaxtooyada Somalia saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo uga mahadceliyay guusha ay ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen Al-shabaab.

Kulankan oo ahaa casho isla markaana ahaa mid loogu dabbaal-dagayo sannad kaddib markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho waxaana ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale oo dowladda ka mid ah, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiil ay ku jiraan haween ka tirsan cidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

“Farxadda aan hadda heysano waa mid muhiim ay tahay in la muujiyo; waxaan rabaa inaan si kal iyo lab ah ugu mahad-celiyo ciidammada AMISOM oo runtii dhiig badan u bixiyay si ay inoo taageeraan - waayo waxay halkaan (Soomaaliya) ku waayeen rag badan oo muhiim u ahaa saraakiilna ay ku jireen, kuwaasoo aan ka xusi karo taliyihii ciidammada Burundi. Guushanna kuma imaan fadhi iyo sheeko," ayuu madaxweyne Shariif ka sheegay kulanka.


Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab lala galay dagaal aad u adag, isagoo sheegay in haddii aan dagaalkaas lala geli lahayn aysan Muqdisho ahaanteen sida ay maanta tahay, wuxuuna shacabka ku boorriyay in laga doonayo inay fahmaan in ciidamada AMISOM asy guushaas ku leeyihiin kaalin weyn.

“Markii aan qabtay xilka madaxnimo ee dalka waxaan dadaal badan ku bixinay sidii loo abuuri lahaa wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kadibna Alle mahadii waan ku guuleysannay inay labad ciidan dhex-marto wadashaqeyn iyo is-faham buuxa. Iska daa ciidamada maanta waxaa hubaal ah in shacabka iyo AMISOM ay isfahamsan yihiin," ayuu yiri Shariif Sheekh.

Howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu madaxweynuhu ku sheegay inay tahay mid muhiim u ah shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay shacabku 95% taageersan yihiin in ciidamada AMISOM ay ka howgalaan Somalia.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay 06-Ogoosto, isagoo sheegay inay tahay maalin qiimo leh; maadama ay dowladda KMG ah ku guuleysantay inay ka taliso Muqdisho oo dhan.


“Haddii Muqdisho aysan ammaan ahaan lahayn laguma qabteen shirarka ka dhacaya ee lagu hirgelinayo heshiiska tubta nabadda ama Roadmao-ka, xoreynta Muqdisho waxay gacan weyn ka geysatay hormarka dowladnimo,” ayuu Madaxweynuhu ku yiri hadal uu kulanka ka jeediyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in la doonayo in afarta sano ee socda la doonayo in Soomaaliya oo dhan ay noqoto meel nabad ah, sidoo kalena wuxuu sheegay iay doonayaan in ciidammada dowladda oo dhan la dhiso gaar ahaan kuwa xoogga dalka, lana dhiso hay'adaha kala duwan ee dalka oo burbursanaa muddo ka badan 20-sano.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka gacmaha is-qabsadaan, una istaagaan hormarka dalkooda; ayna iska kaashadaan sidii ay khayraadka dalka ku jira uga wada faa'iideysan lahaayeen.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirrada arrimaha gudaha iyo difaaca DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud iyo Xuseen Carab Ciise waxayna labaduba sheegeen in ammaanka Muqdisho uu ku yimid dhiig badan oo daatay, iyagoo sheegay inay weli dadaal ugu jirto dowladdu sidii caasimadda loo xasilin lahaa.

Iyadoo hal sano ay kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa waxaa haddana weli caasimadda ka dhacay iskahorimaadyo, dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogagga Al-shabaab.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

8/7/2012 5:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya. Haddaba maxay tahay sababta uu shaqada ka tago.

8/7/2012 4:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL)Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.

8/7/2012 4:18 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HO): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka doorashooyinka golaha deegaanka.

8/7/2012 11:14 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Dowladda KMG ah ayaa maanta ka dhoofisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ku dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho si loogu soo daweeyo dalka dibaddiisa.

8/7/2012 11:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa si weyn u diiday liis la sheegay in ay ku qornaayeen shaqsiyaad loo magacaabay in ay beesha u metelayaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee lagu mashquulsan yahay soo xulitaanka xubnihiisa.

8/7/2012 8:50 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dooddan looga hadlayay sidii kor loogu qaadi karo ganacsiga dalka si uu u kobco dhaqaalaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayhaa waxaa ka qaybgalay ganacsato isugu jiray rag iyo dumar.

8/7/2012 8:40 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Beelaha Soomaalida qaarkood ayaa aad uga soo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya, waxaana beelaha cabanaya ka mid ah beesha Gaaljecel oo eedeyn u jeedisay wakiilka ugaaskooda.

8/7/2012 8:17 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda oo Kalfadhi aan caadi ahayn maanta iskugu yimid, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/7/2012 8:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday maamulka sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

8/7/2012 8:07 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 28-sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada cirka dalkeeda ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qayb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho oo lagu wado inay dhammaadka bishan ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

8/7/2012 8:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Biibi oo qiyaastii 90 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

8/7/2012 8:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawladda Denmark ay xafiis ka furanayso Magaalada Hargeysa, isla markaana shaqadeedda ay si rasmi ah u bilaabayso.

8/7/2012 7:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Inta la og-yahay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka DKMG ee gobollka Hiiraan ayaa ku dhintay illaa shan qof oo kalana way ku dhaawacmeen, kaddib markii si lama filaan ah uu mid ka mid askarta geeriyootay ugu qaraxday Bam uu sitay, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Xaawa Taako ee magaalada Baladweyne.

8/7/2012 4:41 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Suxufiyad ka hawlay Telefishanka xukuumadda Somaliland oo lagu magacaabo Hodan Caafi ayaa waxaa dhibaato u gaystay taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee bileyska Boorame ee gobolka Awdal, kaas waxyeello kasoo gaadhay wejiga sida Ilkaha, isha hoosteedda iyo dibinta oo la sheegay inay dilaacday.

8/7/2012 3:49 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Iyadoo guud ahaan marka aad eegto khilaaf xoogan uu ka taagan yahay arinta ku saabsan soo xulista xildhibannada uga mid noqonaya gobollka Hiiraan baarlamaanka soo socda, ayaa waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

8/7/2012 3:21 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynimoe ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadaysa xubnaha u taagan qabashada xafiiska madaxnimo ee Soomaaliya.