Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Ciidamada DKMG ah, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay Jubbooyinka
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) —  Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadan huwanta ah ayaa wado dhaqdhaqaaqyo aad u xooggan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan saldhigyada ay xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin gobollada Jubooyinka.

Gudoomiyaha degmada Afmadow C/kariin Cumar Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa degmooyinka ay ka arimiso Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.

"Dhaq dhaqaaqyadii lagu wajihi lahaa magaalada kismaayo hadda way bilowdeen, ciidamadu way diyaar garoobeen, waxbo uma dhimana dhanka afmadow iyo badhaadhe isku mar ayaa laga dhaqaaqayaa," ayuu yiri gudoomiyaha degmada Afmadow.

Degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada iyo diyaargarowga dagaal ee ay wadaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya, waxaana ciidamadan huwanta ah ay qorsheynayaan duulaan kama danbeys ah oo ay ku qaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa dhankooda wada diyaargarow dagaal oo ay doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka ay qorsheynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ay ku doonayaan in ay ku weeraraan magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni ay sheegaan in ay duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo, dhawaan ayay ahayd markii madaxda dowladda KMG ee Jubooyinka ay sheegeen in kahor 20-ka bishan Aug ay weerari doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

8/6/2012 7:11 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

8/6/2012 2:15 PM EST
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo.

8/6/2012 8:32 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

8/6/2012 8:16 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

8/6/2012 7:49 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).

8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.

8/6/2012 3:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.